Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka agaasimaha NISA u wareejiyey Mahad Salaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka ku qabsoontay Xarunta Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Asad Cabdullaahi Cismaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Agaasimihii Hore ee Hay’adda, doorkii uu ka qaatay horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la sii adkeeyo amniga, lagana hortago khatarta khawaarijtu ay ku hayaan nolasha iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Agaasimaha cusub ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad in uu sii amba-qaado howlgallada la dagaallanka argagixisada, xoojinta wadashaqeynta Hay’adda iyo laamaha kale ee amniga iyo kor u qaadidda xiriirka NISA iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagarta argagixisada.

      

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen?

Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay – jiritaanka anticline, fault traps iyo salt domes, oo hayn kara shidaal. Waxay arkeen jiritaanka shidaal haye (reservoir) iyo shidaal dhale (source rock), sida ay qorayaan Warbaahinta dalka Turkiye.

Ka dib markay baroosees-gareeyeen xogaha saysmikada, waxaa u soo baxday baro nuurayo (bright spots), iyo baro mugdi ah (dim spots), oo tilmaamayo shidaal dareere ah (batrool) iyo mid gaas ah.

Maxay sheegeen dhul-yaqaanada (geologists) shirkadda TPAO? Waxay qiyaaseen shidaalka ku jira 2da xirmo (blocks) oo ay sahmiyeen inuu dhan yahay 20 bilyan barmiil/ama barmiil-u-dhigan oo gaas ah. Ogaada inaan weli ceel la qodin. Waa qiyaas ee ma aha dhab. Dhabta waxaa lagu gaara marka Ceelal la qoday laga helo shidaal, oo la bam-gareeyo oo laga qiyaaso meeshaas Beerta Shidaalka ah ee la helay muggeeda iyo awoodeeda.

Haddaba Warbixin kooban oo laga helay Markabka Sahminta Shidaalka ee Dowladda Walaalaha ah ee Turkiga ayaa si guul ah u soo gabagebeeyey howshiisii Badda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Turkiga ayaa tallaabo muhiim ah ka qaaday dhinaca iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Markabka sahminta Shidaalka ee Oruç Reis uu si guul leh u dhammeystay howlgal muhiim ah oo uu ka waday biyaha Badda Soomaaliya.

Markabkan casriga ah ayaa shaqadiisa ka bilaabay Xeebaha Soomaaliya 25-kii Oktoobar 2024-kii, wuxuuna muddo 234 maalmood ah, si isdaba joog ah uga shaqeynayay seddex qaybood oo istaraatiiji ah oo Badda Soomaaliya ka mid ah. Intii lagu guda jiray howlgalkaasi, waxaa la ururiyey xog rasmiga ah oo 3D ah (seddex-geesood ah), iyadoo la daboolay dhul badeed baaxaddiisu tahay 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah.

“Xogtan qiimaha badan ee uu markabku soo ururiyey ayaa noqon doonta mid tiir-dhexaad u ah daraasadaha iyo go’aamada mustaqbalka ee la xiriira qiimeynta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Tani waxay fure u noqon kartaa xoojinta madax-bannaanida dhaqaale ee Soomaaliya iyo sare u qaadidda awoodda istiraatiijiga ah ee dalka ee Geeska Afrika”, sidaasi waxaa sheegay Khabiir ku takhasusay arrimaha Shidaalka.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025-ka, isaga oo ku soo tagaya dalka Turkiga, si loo farsameeyo una sii qiimeeyo xogtii muhiim ka aheyd ee uu helay.

Howlgalkan sahminta ah waxa uu tusaale cad u yahay xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo taageero toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Tamarta, Madaxbannaanida iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyay in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal, wuxuuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaasi oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

By. C/lahi Ruush

Haya’adda isgaarsiinta Qarabka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Jubba:-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). oo lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo socday intii u dhaxeysay 9-13 Juunyo 2025 ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socda shanta qeybood ee xubnaha ka ah EACO, oo ay ka mid yihiin hay’adaha nidaamiya isgaarsiinta, hay’adaha boostada, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada internet-ka ee Bariga Afrika.

Shirweynaha sanadkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). Ka qeyb galka HIQ wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay la jaanqaadka siyaasadaha, shuruucda, iyo horumarka tiknoolajiyadeed ee isgaarsiinta gobolka.

“Shirarka noocan oo kale ah waxay muhiim u yihiin HIQ, maadaama aan nahay hay’adda ugu da’da yar ee maamusha isgaarsiinta gobolka. Waxaan si buuxda u fahamsannahay in isgaarsiintu aysan xuduud lahayn — iyadoo ay sabab u yihiin arrimo ay ka mid yihiin adeegyadeenna isgaarsiineed oo gaara dalalka deriska ah (roaming), barnaamijyo tiknoolajiyeed oo la wadaago gobolka, iyo khataraha amniga internet-ka oo aan ku ekaan dal keliya,” ayuu yiri Mudane Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee HIQ.

   

Ra”iisulwasaaraha XFS oo si rasmi ah u furay Imtixaanka fasalada 12-aad

Raii’sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah, Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/25.

Imtixaanka Fasalka 12-aad ayaa guud ahaan ba ka furmay saaka gobolada iyo degmooyinka dalka kaas oo ka qayb qaadanayaan 39,397 Arday sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijisay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliiska ayaa si weyn u sugaya goobaha imtixaanka qaranka Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo gaar u u diray Ciidanka Booliiska ee sugaya goobaha lagu gelayo Imtixaanka“Waxaan umahadcelinayaa ciidamada sugayo amaanka goobaha lagu qabanayo imtixaanka Qaranka”

  

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐞𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐧𝐢𝐬𝐢𝐚

Tunis:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, Wasiirka waxaa si diirran garoonka caalamiga ah ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Tunis Dr. Mustapha Ferjani iyo mas’uuliyiin kale.

Socdaalka wasiirka ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga Caafimaad ee heer gobol iyo mid caalami ah, inta uu joogo Tunis, Dr. Cali Xaaji Aadam waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa madaxda caafimaadka iyo hay’adaha caalamiga ah si loo horumariyo adeegyada caafimaadka Soomaaliya.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku hawlanaa baarista shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

2- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo kulankiisi toddobaadka looga dooday arrimah amniga, isla markaana ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda Hoos Mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka.

3- Wasiirka Caddadaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin ,ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in casuumaada shirka loo diray dhamaan mas’uuliyiinta looga talagalay.

4- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dalka dib ugu soo laabtey kadib safar shaqo oo uu ku tegay Ruushka.

5- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatey Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

6- Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb-gashay shirka heer wasiir ee Isku-duwayaasha hirgelinta go’aamada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

7- Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa dalka Faransiiska ugu qeyb-galay Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaaso looga hadlay horumarinta badaha adduunka.

8- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kulan dhiirrigelin ah la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.

9- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka FOCAC ee lagu qabtay Shiinaha.

10- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa magaalada Changsha ee Shiinaha kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Mudane Wang Yi.

11- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka India, kadib shilkii diyaaradeed ee Air India oo ka dhacay magaalada Ahmedabad ee dalkaasi India, kaas oo dad badan ay ku dhinteen.

12- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq dawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka (Macawisleyda) ee ku sugan Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
13- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Geneva uga qeyb-galay shirweynaha heerka caalami ah ee yareynta khataraha musiibooyinka.

14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay sannadkan u fariisteen ardey tiradoodu gaareyso 41,639.

15- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda dalalkooda sannadkan.

16- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka ee dalka Sacuudiga kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta ee dalka Turkiga ,Prof. Dr. Ali Erbash.

17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada, oo looga hadlay qorshaha shanta sano ee soo socota 2026 – 2030.

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa safar nabadeed ku tagay degmada Gelinsoor ee gobolka Galguduud, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay gogol nabadeed oo xal looga gaarayo colaadaha sokeeye, laguna heshiisiinayo beelo halkaas ku dagaalamay.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin (Fiqi) oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta ay haatan yihiin kuwo firxad ah, kuna jira xaalad jahwareer iyo Quus ah.

20- Guddiga qaban-qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa yeeshay shirar lagu dardar gelinayay diyaar garowga xuska maalmaha xoriyadda dalka ee nagu soo foodda leh.

21- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulan diiradda lagu saarayay horumarinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka ganacsiga dalalka Geeska Afrika.

22- Hawgallo qorsheysan oo Hay’adda NISA ka fulisay degaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa lagu dilay in ka badan 40 maleeshiyaad oo tirsan khawaarijta.

23- Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule) oo Khawaarijta u qaabilsanaa dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, iyo Horjooge Jeylaani oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadaha ayaa lagu dilay degaanka Ceel Hareeri ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

24- Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibadda caalamka ayaa dilay 13 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawlgal ka dhacay degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelleha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

25- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbeddelka iyo casriyaynta warbaahinta u soo xirtay suxufiyiin ka socda qeybaha warbaahinta ee dalka.

26- Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa dalka Turkiga kulan kula yeeshay Madaxa Golaha Sare ee Doorashooyinka Turkiga Ahmet Yener.

27- Wasaaraddda Warfaafinta ayaa ka qeyb gashay shirka Guddiga Dhaqanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) kaas oo looga hadlay yihiiin arrimaha dhaqanka iyo kuwo kale.

28- Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ku ammaantay inay noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka guul ka gaaray qorshaha raadraaca iyo maareynta rasaasta.

===========DHAMMAAD==========

Maareeyaha NIRA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu baxay Filibiin

Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqasho shaqo ku jooga dalka Filibbiin si ay khibrad iyo aqoon ugu kororsadaan nidaamyada aqoonsiga dhijitaalka ah.

Wafdiga waxaa si diirran u soo dhaweeyay Hay’adda Tirakoobka Qaranka ee Filibbiin (PSA), oo hirgelisay nidaam casri ah (PhilSys ID) kana diiwaangelisay 80% dadweynaha. Waxa ay sidoo kale kulammo muhiim ah la yeesheen madaxda PSA, iyagoo ka wada hadlay horumarinta nidaamka aqoonsiga ee Soomaaliya.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah saraakiil ka kala socda NIRA, Wasaaradda Shaqada, Bankiga Dhexe, iyo Ururka Bangiyada, iyadoo diiradda la saarayo is-weydaarsiga khibradaha, wacyigelinta dadweynaha, iyo sugidda amniga xogta.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Golaha sare ee Doorashooyinka Dalka Turkiga

Ankara:-Wafdi uu hogaaminaaya Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo howlo shaqo u jooga Dalka Turkiga ayaa waxaa xaruunta dhexe ee Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga Ahmet Yener.

Intaasi kadib xaruunta dhexe ee Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo u dhaxeeya Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha iyo Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga, kulankaan ayaa ah mid bilow u ah kulamo ka dhicidoona Ankara, oo ah kulamo ay guddiyada isku dhaafsan doonaan xog iyo aqoon isweysaarsi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka guddiyada, Arrimaha diiwaangellinta codbixiyaha iyo sida Dowladda Turkiga ay ugu guuleysatay in dadkooda Dibadda jooga (Diaspora) ay ka qeyb qaataan doorashada dalka.

Guddiyada ayaa Sidoo kale kulamo la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Waaxda Africa iyagoo warbixin kooban Ka siiyay howlaha diiwaangellinta codbixiyaha iyo iyo qorahaha doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Hay’adaha Kala duwan ee ay la kulmeen ayaa ku wada heshiiyay wada shaqeyn iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinaca technoloojiyada iyo tababaridda howl-wadeenada si kor loogu qaado xirfadooda.

   

Wararka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Magaalada Changsha kula kulmay Guddoomiyaha CIDC

Changsha:- Wasiirka Arrimaha  Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Changsha Guddoomiyaha Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA), Mudane Chen Xiaodong, xilli uu wasiirku ka qeyb galayay shirarka heer-wasiir ee la xiriira fulinta iskaashiga FOCAC.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta, iyadoo xoogaa la saarayo mashaariicda mudnaanta u leh Soomaaliya, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, tiknolojiyada, iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in iskaashiga horumarineed uu noqdo mid ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan) oo uu yahay hannaanka hagaya horumarka Soomaaliya, isla markaana uu fure u yahay wadashaqeynta caalamiga ah.

Dhankiisa, Guddoomiye Chen Xiaodong ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in CIDCA ay diyaar u tahay inay kor u qaaddo mashaariicda Soomaaliya laga fulinayo oo si toos ah u taageeraya baahiyaha nolosha bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta deegaanka.

Labada dhinac waxay isku raaceen in la dardar geliyo fulinta mashaariicda horay loo qorsheeyay, isla markaana la abuuro hannaan wada-shaqeyn joogto ah oo horseeda natiijooyin la taaban karo oo nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka beddela.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada hagar la’aanta ah ee ay u fidisay Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasaaraddda Warfaafinta XFS oo ka qeybgashay shirka Urur Goboleedka Bariga Afrika ee (EAC)

Madaxda Wasaaraddda Warfaafinta XFS ayaa Magaalada caruusa ee Dalka Tansaaniya uga qeyb galay shirka guddiga Dhaqanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaqaanno (EAC).

Shirkaasi oo ay xaadireen qaar kamid ah agaasimayaasha iyo maareeyayaasha warfaafinta ee Bariga Afrika,waxaa looga hadlay soidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada Waxbarashada, Sayniska iyo Iskaashiga dhaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo qalabka fogaan aragga uga qeybgalay shirkaasi ayaa sheegay in kulankaasi si gaar ah looga hadlay arrimaha dhaqanka iyo kaalinta ay ku leetihiin is-dhexgalka bulshada,nabadeynta , dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranka.