GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

 

Shirka wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha JFS oo barri ka furmayo Muqdisho

Waxaa maalinta barri ah oo ku beegan 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashaan waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda, waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka.

Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada.

War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya taas oo lagu xaqiijiyay in khayraadkaas looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed, iyada oo gudanaysa xilka sharci, kuna shaqaynaysa siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa in uu dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO). Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doontaa natiijada xigta oo la aruuriyey marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahadcelinaysaa dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada shaqaynta iyo is-kaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood kaasoo fududeeyey in wanaagsan u qabsoonto sahaminta si loo ogaado muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintooda hoggaamineed ee ku addan soo saarista iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu bishaaraynaysaa Ummadda Soomaaliyeed in dalkennu uu ku socdo dhabbaha horumarka iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Abubakar, u magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaana xilkii laga qaaday Ismaaciil Cali Sheekh Nuur oo ahaa agaasimihii Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh :Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka, ayna dhageystaan argtiyadooda waxa ay dhibsanayaana ay dhowraan, si looga fogaado in lagu adkeeyo arrimo aysan raalli ka ahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in ay la tashato qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada, siyaasiyiinta, iyo shacabka guud ahaan. Wuxuu xusay in talada dalka ay u furnaan karto dhammaan dadka Soomaaliyeed, balse go’aannada ugu dambeyna ay yihiin kuwa ay gaaraan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

“Madaxda dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in dowladdu ay xil iska saarayso dhegeysiga iyo tixgelinta dareenka shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad horumarineed oo muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii Soomaaliya ula tartami lahayd dowladaha kale ee gobolka.

“Maanta waxaan gaarnay heer aan kheyraadkeena soo saari karno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in taasi ay ka mid tahay guulaha muuqda ee dowladdu ku tallaabsatay.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo Agaasimihii hore, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saaray “One Health” – habka iskaashiga ah ee lagu wajaho caafimaadka aadanaha, xoolaha, deegaanka iyo deegaanka dabiiciga ah.

Wasiir Cali Xaaji ayaana si faahfaahsan uga hadlay dadaallada dowladda Soomaaliya ay wado ee lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda “One Health” ee dalka. Isagoo xusay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya Wasaaradaha caafimaadka, deegaanka, xanaanada xoolaha iyo hay’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto khataraha caafimaadka bulshada ka imaan kara cudurrada ka dhasha xoolaha ama deegaanka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la dhiso hannaan mideysan oo wax looga qabanayo khataraha caafimaad ee ka dhasha cudurrada xoolaha, deegaanka iyo isbeddelka cimilada, iyadoo laga duulayo aragtida One Health.

Wasaaradda ganacsiga oo furtay Bangiga dhiirrigelinta dhoofinta wax-soosaarka dalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Dhiirrigelinta Dhoofinta Wax-soosaarka Dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, Kaasoo ay kasoo qaybgaleen ganacsato heer qaran iyo heer gobol ah, warshado yaryar iyo ururada wax-soo-saarka, iyo qeybaha kale ee daneeyeyaasha dhaqaalaha gudaha.

Bandhiggan waxaa lagu soo bandhigay noocyo kala duwan oo badeecooyin ah oo ka tarjumaya hodantinimada kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku mannaystay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaa wax-soosaarka la soo bandhigay: malab tayo sare leh, kalluun iyo cuntooyinka badda (seafood), qaxwo Soomaaliyeed, luubaan, cabitaanno dabiici ah (fresh juices), agabyo herbal ah oo dabiici ah oo aan kiimiko lahayn, iyo badeecooyin laga farsameeyay wax-soosaarka beeraha iyo xoolaha dalka.

Wasiir Geesood ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay garab istaagto ganacsatada Soomaaliyeed, si ay u helaan suuqyo caalami ah oo ay badeecooyinkooda ku gaarsiiyaan.

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ganacsatadu u hoggaansamaan nidaamka dowladda, gaar ahaan hay’adaha tayodhowrka, si badeecooyinka loo dhoofinayo ay u helaan shahaadooyin aqbalaad caalami ah.

Agaasimaha Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan ayaa sheegtay Hay’addu diyaar u tahay in ay si dhow u la shaqeyso ganacsatada, warshadaha, iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawlan dhoofinta, iyadoo la hubinayo in badeecooyinka laga dhoofinayo Soomaaliya ay noqdaan kuwo sumcad u yeela magaca dalka iyo dadkiisa.

Bandhiggan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha dalka, iyo gaarsiinta badeecooyinka Soomaaliyeed suuqyada caalamiga ah iyadoo la raacayo heerarka tayada iyo hufnaanta ganacsi ee caalamiga ah.

   

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya mudane Maxamed Al-Saciid Axmed, iyo U Qeybsamaha arrimaha Difaaca ee Safaaradda, Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada Dowladda Masar ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, oo ay Masar ka mid tahay waddamada ka qeyb qaadanaya. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka agaasimaha NISA u wareejiyey Mahad Salaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka ku qabsoontay Xarunta Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Asad Cabdullaahi Cismaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Agaasimihii Hore ee Hay’adda, doorkii uu ka qaatay horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la sii adkeeyo amniga, lagana hortago khatarta khawaarijtu ay ku hayaan nolasha iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Agaasimaha cusub ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad in uu sii amba-qaado howlgallada la dagaallanka argagixisada, xoojinta wadashaqeynta Hay’adda iyo laamaha kale ee amniga iyo kor u qaadidda xiriirka NISA iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagarta argagixisada.

      

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen?

Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay – jiritaanka anticline, fault traps iyo salt domes, oo hayn kara shidaal. Waxay arkeen jiritaanka shidaal haye (reservoir) iyo shidaal dhale (source rock), sida ay qorayaan Warbaahinta dalka Turkiye.

Ka dib markay baroosees-gareeyeen xogaha saysmikada, waxaa u soo baxday baro nuurayo (bright spots), iyo baro mugdi ah (dim spots), oo tilmaamayo shidaal dareere ah (batrool) iyo mid gaas ah.

Maxay sheegeen dhul-yaqaanada (geologists) shirkadda TPAO? Waxay qiyaaseen shidaalka ku jira 2da xirmo (blocks) oo ay sahmiyeen inuu dhan yahay 20 bilyan barmiil/ama barmiil-u-dhigan oo gaas ah. Ogaada inaan weli ceel la qodin. Waa qiyaas ee ma aha dhab. Dhabta waxaa lagu gaara marka Ceelal la qoday laga helo shidaal, oo la bam-gareeyo oo laga qiyaaso meeshaas Beerta Shidaalka ah ee la helay muggeeda iyo awoodeeda.

Haddaba Warbixin kooban oo laga helay Markabka Sahminta Shidaalka ee Dowladda Walaalaha ah ee Turkiga ayaa si guul ah u soo gabagebeeyey howshiisii Badda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Turkiga ayaa tallaabo muhiim ah ka qaaday dhinaca iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Markabka sahminta Shidaalka ee Oruç Reis uu si guul leh u dhammeystay howlgal muhiim ah oo uu ka waday biyaha Badda Soomaaliya.

Markabkan casriga ah ayaa shaqadiisa ka bilaabay Xeebaha Soomaaliya 25-kii Oktoobar 2024-kii, wuxuuna muddo 234 maalmood ah, si isdaba joog ah uga shaqeynayay seddex qaybood oo istaraatiiji ah oo Badda Soomaaliya ka mid ah. Intii lagu guda jiray howlgalkaasi, waxaa la ururiyey xog rasmiga ah oo 3D ah (seddex-geesood ah), iyadoo la daboolay dhul badeed baaxaddiisu tahay 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah.

“Xogtan qiimaha badan ee uu markabku soo ururiyey ayaa noqon doonta mid tiir-dhexaad u ah daraasadaha iyo go’aamada mustaqbalka ee la xiriira qiimeynta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Tani waxay fure u noqon kartaa xoojinta madax-bannaanida dhaqaale ee Soomaaliya iyo sare u qaadidda awoodda istiraatiijiga ah ee dalka ee Geeska Afrika”, sidaasi waxaa sheegay Khabiir ku takhasusay arrimaha Shidaalka.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025-ka, isaga oo ku soo tagaya dalka Turkiga, si loo farsameeyo una sii qiimeeyo xogtii muhiim ka aheyd ee uu helay.

Howlgalkan sahminta ah waxa uu tusaale cad u yahay xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo taageero toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Tamarta, Madaxbannaanida iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalka, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyay in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal, wuxuuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaasi oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

By. C/lahi Ruush