Wasaaradda gaashaandhiga oo ka hadashay hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday Khawaarijta Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirku wuxuu sheegay in howlgalka lagu guuleystay in la qabto xubno ka tirsan Khawaarijta, isla markaana gacanta lagu dhigay hub aad u badan.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesiyaasha CXD iyo kuwa AUSSOM ee “ Hawlgalka Duufaanta Aamusan” oo qeyb ka ah duulaanka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fulinayay deegaannada Lukugooraw, Xaaway-Heedaw, Dabgal illaa Ceel-Lahelay oo ka tirsan gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, CXDS Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay gaareen tuulooyinkaasi, oo ay horay gabaad uga dhigan jireen maleeshiyaadka Khawaarijta. Wuxuu sheegay in argagixisadu aysan u adkeysan karin culayska dagaalka, isla markaana ay iskaga firxadeen goobihii ay ku dhuumanayeen.

Taliye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in la burburiyey goobohii ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, taasoo qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee dalka looga sifeynayo cadowga argagixisada ah.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku howlan ciribtirka khatarta Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni waarta.

Khawaarijta oo burburiyay Buundada Bariire ee gobolka Sh/Hoose

Kooxda Arxan-laawayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qarxiyay, islamarkaana gabi ahaanba burburiyay, Buundada deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Buundada ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka ku hareereysan iyo guud ahaan Gobalka, maadaama Deegaanku yahay deegaan beereed, buundadana ay isku xiriirinaysay labada dhinac ee webiga.

Waa markii 2aad oo ay khawaariijtu qarxiyaan Buundada Bariire oo Saddex sano ka hor, dib u dhis lagu sameeyay, Falkan ayaa muujinya sida ay khawaariijta, kaga horjeedaan horumarka dadka iyo deegaanka.

Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha

Changsha:- Magaalada Changsha ee dalka Shiinaha waxaa lagu qabtay dhacdo taariikhi ah oo farxad iyo xusuus gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, kadib markii markii ugu horreysay filim Soomaali ah si rasmi ah looga daawado tiyaatar ka mid ah kuwa ugu waa weyn ee Shiinaha.

Filimka la daawaday wuxuu ahaa The Gravedigger’s Wife oo uu sameeyay Khadar Aydarus Ahmed, waana filim xambaarsan sheeko jacayl, sabir iyo naf-hurnimo ah, oo si qiiro leh uga hadlaya nolosha qoys Soomaaliyeed oo la tacaalaya duruufo adag. Filimkan ayaa qeyb ka ahaa barnaamijka Todobaadka Filimada Afrika iyo Shiinaha oo sanadkan lagu qabtay magaalada Changsha.

Bandhigga ayaa noqday mid si weyn loogu dheg taagay, iyadoo hoolka tiyaatarka uu ka buuxsamay daawadayaal Shiine ah, gaar ahaan dhalinyaro, kuwaasoo si kal iyo laab ah ula socday filimka oo af-Soomaali ku baxayay. Dadkii daawanayay waxay muujiyeen faham iyo xiise dhab ah oo ay u qabaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sheekooyinka nolosha dhabta ah ee laga soo tebiyo Bariga Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa door muuqda ka qaadatay hirgelinta iyo fududeynta in filimkani, iyo laba filim oo Soomali ah oo kale, The Night Thief, iyo Will My Parents Come to See Me, ay ka mid noqdeen bandhigga, waxaana munaasabadda si rasmi ah uga qeyb gashay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo si kalgacal leh ula qabsatay daawadayaasha, kana jawaabtay su’aalo ay weydiinayeen kadib daawashada filimka.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadcelisay guddiga qabanqaabada China-Africa Film Week iyo Abdirahman Fiili, kaasoo dadaal weyn geliyay in filimada Soomaaliyeed la gaarsiiyo tiyaatarada Shiinaha, una arkay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo xiriirka labada dal ee dhinaca dhaqanka.

“Waa maalin aan ilaawi doonin. Markaan arkay dhalinyaro Shiine ah oo dhegaysana afkeenna una ilmaynaya sheeko Soomaali ah, waxaan dareemay in dhaqanka iyo filimku uu yahay buundo dhab ah oo dalal kala fog isku keeni kara,” ayay tiri Danjire Hodan.

Safaaradda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageeridda dadaallada noocan oo kale ah si dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed loogu soo bandhigo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, ayna sare u qaaddo is-fahamka iyo xiriirka bulsho ee Shiinaha iyo Soomaaliya.
                 

Wasiirka Gaashaanshigga XFS oo ka qeyb galay Qado sharaf loo sameeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Markabka “Oruc Reis”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga, Danjire Alper Aktas, u sameeyay madaxda iyo shaqaalaha markabka sahanka shidaalka ee “Oruc Reis,” kaas oo si guul leh u soo gabagabeeyay hawshii loo igmaday.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u aragtaa dhammaystirka guusha leh ee hawlgalkan oo socday muddo 234 maalmood ah mid astaan u ah iskaashiga istiraatiijiyadeed ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale, waa guul muujinaysa awoodda iyo horumarka ay gaareen hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Turkiga oo suurtageliyay in mashruucan muhiimka ah uu si nabadgelyo ah uga fushay xeebaha dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay, “Guusha hawlgalkan sahanka ahi ma aha oo kaliya mid dhaqaale, balse waa tiir adag oo loo taagay madaxbannaanideenna qaran iyo awoodda aan u leenahay inaan ilaashanno kheyraadkeenna. Waxay caddeyn u tahay in amniga iyo horumarku ay mataano yihiin. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, Danjire Aktas, iyo dhammaan shaqaalaha markabka Oruc Reis ee ka soo dhalaalay shaqadan taariikhiga ah.

Markabka Oruc Reis ayaa maanta ka ambabaxaya dekedda Muqdisho, iyadoo xogta muhiimka ah ee uu soo ururiyay loo gudbin doono falanqeyn. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale ballan qaadaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta dhammaan hantida iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

     

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐲𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha shaqada ee dalka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiir Pier Mario ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u kordhin lahaa taageeradiisa, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta (TVET), shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal ee ku aaddan TVET-ka, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado shaqo oo waara si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada.

Inta lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadley sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu uga wada shaqeyn lahaayeen Ajendaha Shaqo Wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo lagu xoojinayo xuquuqda shaqaalaha, ka hortagga shaqo la’aanta, iyo kor u qaadista tayada shaqo ee dalka. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal ee arrimaha shaqo iyo horumarinta bulshada.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

 

Shirka wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha JFS oo barri ka furmayo Muqdisho

Waxaa maalinta barri ah oo ku beegan 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashaan waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda, waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka.

Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada.

War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya taas oo lagu xaqiijiyay in khayraadkaas looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed, iyada oo gudanaysa xilka sharci, kuna shaqaynaysa siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa in uu dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO). Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doontaa natiijada xigta oo la aruuriyey marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahadcelinaysaa dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada shaqaynta iyo is-kaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood kaasoo fududeeyey in wanaagsan u qabsoonto sahaminta si loo ogaado muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintooda hoggaamineed ee ku addan soo saarista iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu bishaaraynaysaa Ummadda Soomaaliyeed in dalkennu uu ku socdo dhabbaha horumarka iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Abubakar, u magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaana xilkii laga qaaday Ismaaciil Cali Sheekh Nuur oo ahaa agaasimihii Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir.