Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.

Madaxweynaha JFS mudane , Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay gogosha wadatashiga Qaran ee uu shalay ka daah-furay muqdisho ayaa intaa ku daray in ay tani tahay rabitaan shacab oo ah ballanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii xilka madaxtinimo u tartantay laga soo billaabo shirkii Carta 2000 ilaa 2022.

“Dhameystirka Dastuurka waa horutabin Qaran, rabitaan shacab iyo ballanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii xilka madaxtinimo u tartantay laga soo bilaabo shirkii Carta 2000 ilaa 2022″.

Madaxweynaa ayaa sheegay in haddii qof kale la dooran lahaana uu shaqada ugu horreyso ka dhigan lahaa dhammaystirka Dastuurka, taas oo ah ballan ay horay u qaadeen musharrixiinta.

Guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xoriyadda oo diyaar garow ku jira

Guddoomiyaha ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka XFS Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka uu martagliyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta hwolaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dhalinyarada XFS, Wasiirka Beeraha XFS XFS, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada XFS, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta XFS.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan; adkaynta midnimada Qaranka, dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee dowladda ay ku bixisay hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah, kaas oo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu dooranayaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon hannaankii doorashada dadban ee dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda doorashada.

“Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siinayno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowladdii ah ayaa raadinayna wadahadal iyo wadatashi, taas oo waagii hore laga la’aa hoggaanka dalka iyo dowladda. Albaabka wadatashiga iyo wadahadalku wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay inay ka qeybgasho dhismaha geeddi-socodka dowladnimo ee aynu hiigsaneyno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in saaxiibbada caalamiga ah ay Soomaaliya ka taageereen wixii karaankooda ah, hase yeeshee mas’uuliyadda dhammaystirka dowladnimada ay si gaar ah u saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla – waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,”

Dhankaooda, Madaxdii Hore ee Qaranka, masuuliyiin heer Federaal iyo Dowlad-goboleed, haldoorka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay madasha iyo culimada ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin hirgelinta aragti mideysan oo ku saleysan wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan dadaallada Dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, taas oo saldhig u noqota nabad, cadaalad iyo horumar waara.

         

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha Wadatashiga Qaran ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay adkaynta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo dadka kala geynaya.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf Qaran, islamarkaana mucaarad iyo muxaafidna aysan dooneynin in dib loogu laabto doorasho dadban oo caqabado badan laga dhaxlay, isagoo xusay in madaxda su’aalaha ka qaba doorashada qof iyo cod ah lagu qancin doono wadahadal, si loo gaaro guul dhaxal-gal ah.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in beesha caalamku ay dadaal ku bixisay taageerada Soomaaliya, balse horumarinta dalku ay tahay mas’uuliyad u taal dadka Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu nasiiyay wixii aan kaga baahnayn, balse waxaa qabyo ah shaqo inaga inoo taalay, oo ahayd in dadka Soomaaliyeed mar hore ka gudbaan si aan u dhisanno dowladnimo dhammaystiran,” ayuu madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Gogosha wadatashiga Qaran waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda, siyaasiyiin dalka xilal hore uga soo qabtay, ururada siyaasadda, bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Doha ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gaashaandhigga Dawladda Qatar, Mudane Sheekh Saacad bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aal Thaani.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka difaaca iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidan ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, waxaana kulanka lagu adkeeyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyo sida ay uga go’an tahay labada dhinac horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dadaallada loogu jiro nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid oo ka dhacay safaaradda Sucuudiga ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee labada dal ayaa sidoo kale waxa ay masuuliyiinta ka wada hadleen kordhinta dhoofinta xoolaha iyo waxsoo saarka Soomaaliya.

Soo jiidashada maalgelinta Sucuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha, fududeynta fiisooyinka ganacsatada iyo xiriirka ganacsiga labada dhinac ayaa sidoo kale kulanka lagu gorfeeyay.

 

Wasiirka Beeraha XFS oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha (SARIS)

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee tijaabooyinka (Laboratory Complex) oo hoos timaadda Hay’adda Sharciyeynta iyo Dabagalka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Wasiirka oo ka hadlayey furitaanka xarunta ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay mamnuuc tahay in dalka la keeno abuur ama sunta beeraha iyadoo aan la marin hay’adda SARIS. Wasiirka ayaa si cad u sheegay:

“Wixii maanta ka dambeeya, qofkii dalka soo galiyo sunta ama abuurka beeraha oo aan soo marin Hay’adda SARIS, waa dambiile; sharciga ayaana la horgeyn ddoonaa.ayuu yiri Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Mudane Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa ku adkeystay in xaruntani ay tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sugidda tayada agabka beeraha iyo daryeelka beeraleyda, si loo gaaro isbeddel muuqda oo ku yimaada wax-soosaarka gudaha.

Xarunta Cusub Ee Shaybaarrada Waxay Ka Kooban Tahay Saddex Waaxood Oo Muhiim Ah:

1. Shaybaarka Sunta Cayayaanka (Pesticide Laboratory):

Waxaa lagu baarayaa tayada, badqabka, iyo saameynta sunta cayayaanka ee loo adeegsado beeraha.

Waxay ka hortagaysaa sunta halista ku ah caafimaadka bulshada iyo deegaanka.

2. Shaybaarka Tijaabada Abuurka (Seed Testing Laboratory):

Waxaa lagu hubinayaa tayada abuurka si loo xaqiijiyo inuu yahay mid tayo leh, ku habboon deegaanka, kana fayoow cudurro.

Tani waxay si toos ah u taageereysaa beeraleyda Soomaaliyeed, kana caawinaysaa horumarinta wax-soosaarka dalagyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda oo dib u dhis ka socdo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere halkaas uu dib u dhis ka socdo.

Mudane Xoosh oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Agaasimaha Guud mudane Cayadruus Macallin Xasan ayaa soo indho-indheeyey heerka howsha dhismaha iyaga oo Injineerrada iyo howlwadeennada kale ee ka shaqaynaya dhismaha ka dhageystay warbixin la xiriirta shaqada socota iyo inta dhiman.

Dhankiisa, Wasiir Cali Xoosh ayaa faray in la dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.

Xarig-Jarka Buundada Cusub iyo Wadada Gambool ee Garoowe

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ku dhaqmeysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si guul leh u dhammaystirtay dhismaha Buundada casriga ah ee magaalada Garoowe.

Buundadan cusub, oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadda Puntland, waxay door muuqda ka qaadan doontaa horumarinta isku socodka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee gobolka, iyada oo lagu xoojinayo isku xirka gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta JFS, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa si weyn u bogaadiyey dhismaha buundadan, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dalka laga hirgeliyo tan iyo burburkii. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in buundadani ay astaan u tahay isbeddel dhab ah oo ka socda dalka, gaar ahaan xagga horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Buundadan. Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo dhammaan daneeyeyaasha mashruucan, isaga oo ammaanay sida hufan ee ay masuuliyadda uga soo dhalaaleen dhismaha buundada iyo wadooyinka kale ee casriga ah ee la socda.

Mashruucan dhismaha buundada waxaa iska kaashaday Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka oo si toos ah u maalgeliyay.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Mashruuca Nagaad (SURPII), oo ah kuwa fududeynaya hirgelinta Hindisaha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo wakiinal uga ah ayaa si hagar la’aan ah u fulinaysaa barnaamijyo horumarineed oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka iyo kobaca dhaqaalaha.

Buundadan casriga ah waxay ka mid tahay dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, iyadoo kor u qaadaysa adeegyada bulshada, lana xoojinayo isku xirnaanta juquraafi iyo midda bulsho ee guud ahaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku Saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Isdiiwaangelinta Dadweynaha ee Doorashooyinka tooska ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka oo talada dib loogu celinaayo bulshada, si ay usoo doortaan hogaankooda, isla markaana ay xuquuqdooda aasaasiga ah u helaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in gacanta shacabka ay ku jirto Muqdisho oo hesha maqaamkeeda, isla markaana la mid noqota Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo lagu gaari karo in bulshada ay u dareeraan goobaha isdiiwaangelinta si ay usoo doortaan golayaashooda deegaanka.

Duqa Muqdisho ayaa soo dhaweeyay gogosha qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha JFS, asigoona shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan horumarka iyo amniga ka jira Magaalada Muqdisho, lana xoojiyo wada-shaqeynta hey’addaha amniga, iyadoo la taageerayo dagaalka ay ciidamada xooga iyo kuwa deegaanada kula jiraan kooxaha Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Culuma’udiin, Bahda Waxbarashada, Haweenka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.