Guddoomiye Aadan madoobe: “Waxa nala haray waa midnimo la’aan taas ayaana ah caqabadda ugu weyn ee horumarkeena hor taagan”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), oo ku soo biiray maanta Gogosha Wadatashiga Qaran, ayaa bogaadiyay martida shirka, isaga oo ku boorriyay in ay xoogga saaraan talooyinka kaabaya midnimada iyo horumarka dalka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in dowladihii nala midka ahaa ee burburay ay soo kabteen, maantana ay yihiin kuwa ugu horumarsan caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe: “Dowladihii nala mid ahaa ee burburay way soo kabsadeen, maantana waa kuwa ugu horumarsan caalamka.

Wuxuu shegay guddoomiyuhu in waxa nala haray iyo caqabadda na haysata ay tahay midnimo la’aan, wuxuuna ku tilmaamay midda ugu daran ee hortaagan horumarkeenna, isla markaana ay habboon tahay in wadajirka xoogga la saaro.

25 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada hoose

Ugu yaraan 25 ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay howlgal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ka fuliyeen meel ku dhow degaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in xubnaha la laayay ay ku jireen horjoogayaal sare oo kooxdaasi muhiim u ahaa.

Sido kale ciidamada ayaa burburiyay saldhigyo muhiim u ahaa khawaarijta iyo gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay falalka lagu dhibaateeyo shacabka degaanka.

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay dowladda

Ibraahim Nuur oo magaciisa afgarashadu yahay (Farxaan) kana tirsanaa kooxda argagixisada ayaa isku soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Farxaan ayaa laamaha amniga ku wareejiyay qori iyo booshkiisa, kuwaas oo uu kala soo goostay kooxda argagixisada.
Isa-soo dhiibidda Ibraahim Nuur ayaa keentay in uu u adkeysan waayo dhibaatada iyo gaajada duurka ku heysa Khawaarijta kuwaas oo ka dhuumanaya baacsiga Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Saraakiisha amniga degmada Afmadow ayaa sheegay in is-dhiibidda Farxaan ay tahay tallaabo wanaagsan oo caddeyn u ah burburka iyo kala shaki soo food saaray kooxda Al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in ciddii isku soo dhiibta dowladda si nabad ah loo soo dhoweyn doono, lana siin doono fursad ay dib ugu soo laabtaan bulshada.

Soomaaliya oo muwaaddiniinteeda ku sugan Iiraan ku wargelisay in ay la xiriiraan safaaradda Turkiga

Safaaradda JFS ee Waddanka Türkiye ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan ku wargelisay in ay u fududeynayaan ciddaii doonaysa in ay ka baxdo, maadaama halkaasi uu ka billowday dagaal.

Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Ankara ayaa boggeeda X-ku daabacday in ay lasoo xiriiraan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan, si looga caawiyo in ay nabad geliyo dalkooda ku tagaan.

“Safaaradda JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed in ay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah waddankooda ugu noqon lahaayeen”.

Wasiir Fiqi oo booqday Kulliyado ciidan oo ku yaal dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.

Wasiirka iyo wafdigiisa Waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala oo kusoo wareejiyay qeybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada iyo qeybaha maamulka.

Intii uu joogay Kulliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la kulmay Layli-saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta. Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen si ay dalka ugu soo laabtaan iyagoo xanbaarsan aqoon iyo xirfad ay uga qayb qaadan karaan amniga dalka iyo dib-u-dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Kulamadan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarinta magaalooyinka dalka.

Intii uu socday kulanka Wasiirka iyo Danjiraha Talyaaniga, labada dhinac waxay si gaar ah uga wadahadleen dardargelinta mashruuca dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xarunta Gahayr, oo ah mid mudnaan gaar ah leh.

Dhanka kale, Wasiir Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa si diirran u soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Safiir Alper Aktaş ayaa isna dhankiisa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

Kulamadan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aaam, ahna Guddoomiyaha Ururka ReSCo oo ay ku mideysan yihiin 14 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa shir guddoomiyey Shirka heer wasiir ee Ururka ReSCo.

Shirkaas oo ay martigalisay Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muhiimad gaar ah lahaa, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada caafimaadka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey caqabadaha caafimaad ee ka jira gobolka, gaar ahaan kuwa ka dhasha cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka. Sidoo kale, shirka waxa uu ka hadlay sidii loo horumarin lahaa ammaanka caafimaadka, iyadoo xoogga la saaray iskaashiga xuduudaha dalalka xubnaha ka ah ReSCo. Waxaa lagu guuleystay in la aasaaso guddi hoosaadyo cusub oo ka shaqeynaya howlaha muhiimka ah ee ururka, kuwaas oo diiradda saaraya, Kobcinta iskaashiga dhanka ammaanka Caafimaadka ee xuduudaha, si looga hortago faafitaanka cudurrada halista, dhisidda hanaan mideysan oo lagu ogaado laguna xakameeyo cudurrada dilaaga ah iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo xoojinta wadashaqeynta dalalka xubnaha ka ah ReSCo si loo gaaro horumar mideysan.

Soomaaliya ayaa hoggaaminaysay ReSCo saddexdii sano ee ugu dambeysay, iyadoo uu hoggaankaasi horseeday guullo la taaban karo oo dhanka iskaashiga caalamiga ah ah. Shirkan ayaa sidoo kale lagu qorsheynayaa in lagu doorto Guddoomiyaha cusub ee ururka, si uu ula wareego hoggaanka sanadaha soo socda.

Wasiirka Caafimaadka, Dr Cali Xaaji Aadam, ayaa bogaadiyay dadaalka muuqda ee ay dalalka xubnaha ah sameeyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo go’aan mideysan oo lagula tacaalayo caqabadaha caafimaadka ee gobolka. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dalalka xubnaha ah inay sii wadaan iskaashiga iyo dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caafimaadka guud ee gobolka.

Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Lionel Laurens, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga Hagista ee Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah Marxaladdiisa Labaad (JPP II) oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dowlad goboleedyada, Taliye Ku-xigeenka Booliiska Federaalka, wakiillo ka socday Midowga Yurub (EU), Boqortooyada Ingiriiska (UK), howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), khubaro ku takhasustay dib-u-habaynta booliiska iyo saaxiibbo caalami ah oo muhiim ah.

Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo Safaaradda UK ee muqdisho ayaa ah hindise muhiim ah oo lagu dhisayo booliis xirfad leh, bulshada u adeegaya, kuna dhisan mabaadi’da sinnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada, gaar ahaan haweenka.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale xoogga saaraya kor u qaadidda adeegyada amniga iyo xoojinta sharciga dalka.

Ugu dambayn, guddiga hagista ayaa si rasmi ah u ansixiyay qorshaha shaqo iyo miisaaniyadda la cusbooneysiiyay ee sanadka 2025, taasoo astaan u ah horumar weyn oo laga gaaray dedaallada qaran ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, iyadoo la adeegsanayo taageero isku-dhafan oo heer federaal iyo caalami ah.

Barnaamijka JPP ayaa weli ah tiir muhiim u ah dib-u-habaynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya, waxaana uu si buuxda ula jaanqaadayaa himillooyinka qaran ee xasilloonida, wada-shaqeynta federaalka iyo dhismaha nabad waarta.

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku dhisan yahay diintuna ay inna fartay, kaas oo dhanka kalena waafaqsan dhaqankeenna suubban ee ah wada tashiga.

Mudane, Xamsa oo furay maanta shirka gogosha wada-tashiga Qaran ayaa intaa ku daray in doorasho dadban aysan dan u ahayn Qaranka, qabiillada Soomaaliyeed iyo qof walba, maantana aynu haysanno fursad taariikhi ah oo aan kaga gudbi karno nidaamkaas hore.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xusay guulihii waaweynaa ee ay xukuumadda Dan-Qaran hirgalisay muddadii saddexda sano ahayd, sida cuna qabataynta hubka oo la qaaday, la dagaallanka khawaarijta, deyn cafinta, soo kabashada dhaqaalaha, booqashadii Laas-caanood iyo gogosha wada-tashi ee haatan fidsan si loo lafa guro xaaladda guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in tan keliya ee aynu dunida wax kula qaybsan karnaa waqooyi iyo koonfurba ay tahay midnimo.

Mudane, Saalax ayaa intaa ku daray in adkaynta gobannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ay ka muhiimsan yihiin wax walba, si aan u dhisno dowlad awood leh oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka.

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo uu shalay furay madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo berri oo Arbaco ah.

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogihii ugu sarreeyay ee shirqoollada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ay horay u gaarsiiyeen ciidanka XDS, sida lagu sheegay war-saxafadeed kasoo baxay dowadda Soomaaliya.

War- saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhagarqabahan uu Khawaarijta uga biiray sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan darro ah oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.

Cabaas Hool wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha khawaarijta ee bartilmaameedka u ah ciidanka qalabka sida, kuwaas oo sirdoonka Soomaaliya uu hayo xogtooda oo dhamaystiran.

Horjoogayaasha khawaarijtu ma jirto meel ay ugu baxsan karaan gacanta ciidanka qalabka sida iyo cadaaladda, kuwaas oo caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.