War murtiyeedka gogosha wadatashiga qaran

Waxa goordhowed magaalada Muqdisho lagu soo xiray Shirweynaha gogosha wadatashiga qaran oo maalmahan ka socotay Muqdisho,shirkan ayaa waxa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban qoddobo door ah sida  Arrimaha Doorashooyinka,ilaalinta midnimada dalka iyo dhamaystirka dastuurka.

Ugu horayn Madasha ayaa ku baaqday in deg deg loo qabto doorashooyinka heer deegaan si la isu soo gaarsiiyo doorashooyinka dalka,sidoo kale madashu waxay soo dhowaysay in la soo gudbiyo aragtiyaha dhamaystirka dastuurka iyadoo loo raacayo habraaca dastuurka.

Madashu waxay taageertay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxa khawaarijta daacish iyo Shabaab oo ka socda gobolada Shabeellooyinka,Hiiraan,Galgaduud,Mudug iyo gobolka Bari buuraha Cal-miskaad.

Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka oo faaj faahsan.

  

Wasiirka Waxbarashada XFS oo soo xiray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo soo xiray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad.

Imtixaanka dugsiyadda sare ayaa lix maalmood oo xiriir ah ka socday 139 xarumood oo ku kala yaal gobolada iyo degmooyinka dalka,iyadoo sannadkan tirada Ardayda Imtixaanka u fariisatay gaarayeen in ka badan 39,000 oo Arday.

Wasiir Faarax oo khudbad dheer ka jeediyey munaasabada soo xiritaanka Imtixaanka dugsiyadda sare ayaa u mahadceliyey Ciidanka Amniga ee sugayey Imtixaanka,Macalimiinta iyo waalidiinta oo si weyn uga qayb qaatay habsami u qabsoomida Imtixaanka qaranka.

Wasiirka waxbarashadda Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa guul iyo farxad u rajeeyey Ardaydii gashay Imtixaanka isagoo balanqaaday in natiijada Imtixaanka si deg deg ah u soo saari doonaan si Ardaydu u sii wataan geeddigooda waxbarasho.

Safaarada Soomaaliya ee Ankara oo bilowday soo samata bixinta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Iran

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd ku guulaystay inay xuduudka Dowladda Iran soo dhaafsiiyaan una soo gudbiyaan dhanka dalka Turkiga muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macalin oo uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaas kusoo qaaday.

Dr. Mustafa Cali Macalin oo wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay ayaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo wadanka Iran wax ku barta.

Safaarada JFS ee Ankara ayaa maalmaahaan ku mashquulsan inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.

Safaarada JFS ee Ankara waxay mahad gaar ah u celinaysaa dowlada Turkiga oo fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas ugaga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.

Wasiirka Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay Muqdisho Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha, ururrada Siyaasadda ee Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Kulan weynahan isbarashada iyo kala warqaadashada ahaa, waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta ururrada Siyaasadda Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland, iyaga oo ka hadlay ahmiyadda in doorashada dadban laga guuro oo lagu tartamo doorasho toos ah, hufan oo xor iyp xalaal ah, iyaga oo ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda Cali Xoosh shaqada laga qabtay xeerarka doorashada iyo guddigii ka dhashay oo maanta shaqeeya halka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ay ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa isna ka hadlay ururrada Siyaasadda ee ay diiwaangeliyeen, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee socota iyo heerka diyaargarowga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh waxaa uu bogaadiyey doorka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha iyo xisbiyada ka jira Puntland isaga oo intaa raaciyey in ururadda iyo xidbiyada ay ka wada shaqeeyaan wacyigelinta, marna ay tartamaan.

Waxuuna hoosta ka xariiqay in Doorashada toosan aan laga laabaneyn, taasi oo ah doorasho dadka dhexdiisa wax kasoo baxaan oo dadku noqdaan mid wax doorto ama la doorto oo ay kusoo baxaan dad haldoor ah.

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiran yahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlayay doorashooyinka dalka ayaa si qoto dheer u muujiyay kaalinta shacabka kaga aaddan amniga magaalooyinka, wuxuuna tilmaamay in amniga aan lagu sugin oo keliya ciidamada dowladda, balse uu yahay waajibaad wadajir ah oo ay bulshada iyo dowladda iska kaashadaan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay wasiirku in magaalooyin ay shacabka si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, taas oo keentay in falalka amni darrada ah ay aad u yaraadaan.

Mudane, Alcadaala ayaa xasuusiyay bulshada in haddii ay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo wada-shaqeyn ay suuragal tahay in magaalo kasta oo Soomaaliyeed noqoto mid nabdoon.

Wasiir Xoosh: “Dowladdu way dhistay guddiga doorashooyinka balse ma fara-gelinayso shaqadooda”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhiseysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, balse aysan faragelin doonin shaqadiisa.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay soo dhaweynta loo sameynayay Ururrada siyaasadda ee ka diiwaan gashan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku qabtay Muqdisho, isaga oo si cad u sheegay in guddigan uu yahay mid madax-bannaan, loona xil saaray qabashada doorashooyin hufan, cadaalad ah oo waafaqsan dastuurka dalka iyo qawaaniinta u yaalla.

“Guddiga Doorashooyinka Qaranka wuxuu leeyahay madax-bannaani buuxda, dowladdu waxa kaliya ee ay ka caawin kartaa dhanka amniga iyo dhaqaalaha haddii loo baahdo, balse ma faragelinayso shaqada guddiga,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sidoo kale xusay in isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si wanaagsan uga socoto qaybo badan oo ka mid ah dalka, isla markaana la doonayo in dhammaan qeybaha bulshada ay si siman uga qayb qaataan geedi socodka dimuqraadiyadda.Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalku isu diyaarinayo marxalado doorasho oo muhiim ah, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Arday loo tababarayo duulista rayidka oo tijaabooyin xirfadeed sameeyey

Qaar kamid ah ardayda Kulliyadda duulista rayidka ee Jaamacadda Muqdisho oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka, macallimiinta iyo guddoomiyaha ururka ardayda Jaamacadda ayaa safar waxbarasho ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen madaxda Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Safarkan waxbarasho, oo qayb ka ahaa barnaamijyada tababarada goobta ee kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ardayda, ayaa loogu talagalay inuu fursad siiyo ardayda dhigata kulliyadda Duulista Rayidka Jaamacadda si ay wax uga bartaan hab-maamulka garoomada diyaaradaha, nidaamka duulimaadyada, maamulka koontaroolka hawada, iyo hagidda diyaaradaha.

   

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo iska kaashanaya kobcinta ganacsiga iyo warshadaha labada dal

Aljeris: Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Aljeeriya, Mudane Kouidri Chakib Ismail. Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan rugtaas, kuwaasoo muujiyay daneyn iyo diyaar garow ku aaddan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsiga ee labada dowladood. Danjire Yuusuf Jeego ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta, lana abuuro jawi ganacsi oo furan, kaasoo dhiirrigelin kara maalgelinta iyo iskaashiga u dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay in la aas-aaso xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta ganacsiga ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-dhaafsiga ganacsi, khibrado, iyo tababarro la xiriira warshadaha iyo suuq-geynta. Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la bilaabo hannaan isku xirka ganacsatada labada dal, loona diyaariyo kulamo iyo shirar kor u qaada iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Xarun laga qaato kaarka codbixiyaha ee doorashada oo Dekadda Muqdisho laga hirgaliyey

Xarun laga qaato kaarka diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada ayaa laga hirgeliyay Dekedda Muqdisho, iyadoo ay maanta kormeereen Maareeye ku xigeenada Dakedda Muqdisho Cabdalle Kaarshe, Cali Xaaji iyo Ismaaciil Ow Muuse, waxaana kormeerka ku wehlinayay qaar ka mid ah xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xarumahaan ayaa loogu tala galay in ay iska diiwaangeliyaan Xoogsatada, Shaqaalaha iyo Ganacsatada Dekedda.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dadaalaya in la kordhiyo xarumaha dalka ee laga qaadanayo kaarka diiwaangelinta dadweynaha.

Wasiirka Difaaca XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Dooxa.

Waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa ka dhageystay Safiirka warbixin ku saabsan habsami u socodka hawlaha shaqo ee safaaradda iyo adeegyada ay u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaalka iyo hawlkarnimada madaxda iyo hawlwadeenada safaaradda, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen metelaadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.