Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii  kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil.

Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagan tahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

Xuska toddobaadka xoriyadda oo si rasmi ah u bilowday

Waxa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilowday xuska maalmaha toddobaadka xoriyadda iyadoo dabaal degyadii ugu horeeyey shalay lagu qabtay degmooyinka gobolka Banaadir,dabaal degyadan ayaa socon doona mudo toddobaad ah si joogto ah.

Masuuliyiin ka mid ah xubnaha Guddiga qaban qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa shalay uga qayb galay isu soo baxyo dabaal deg ah oo lagu qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Xamarweyne halkaas oo dadweynuhu isugu soo baxeen iyadoo dadweynaha shucuurtoodu ahayd mid ay ku dheehan tahay farxad ay ku muujinayaan soo dhowaynta maalmaha xoriyadda.

Kooxaha fanka ee kala ah Onkod iyo Heegan ayaa shalay si weyn uga dhex muuqday fagaareyaashii lagu soo bandhigayey dabaal dega maalmaha xoriyadda.

Maalmaha xoriyadda ayaa sannadkan si weyn looga xusi doonaa deegaanadii laga xoreeyey kooxaha khawaarijta,deegaanadan laga xoreeyey khawaarijta ayaa mudo dheer ka dib helaya neecaw xoriyaddeed tan oo ku timid dagaalka dowladda Soomaaliya dib ugu xoraysay deegaanadaas.

Shirka golaha wadatashiga qaran oo dib loo dhigay

Shirka golaha wadatashiga qaran oo hore madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku u mudeeyey inuu qabsoomo 22-ka bishan ayaa dib loo dhigay sabab la xiriirta xuska maalmaha xoriyadda.

” Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah.”

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa looga hadlayaa dhamasytirka dastuurka,qabsoomida doorashooyinka heer qaran iyo heer deegaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah gaaray Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo meertada 51aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirka oo furmaya beri oo Sabti ah, ayaa diiradda lagu saarri doonaa xoojinta howl-qabadka wadajirka ee islaamka iyo isku-dubbaridka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxaa sidoo kale lagaga wada hadli doonaa xaaladaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka ee saamaynta ku leh dunida Islaamka.

Jamhuuriyadda Turkiga ayaa martigelinaysa kulanka si ay u garab istaagto dadaallada OIC ee ku aaddan xoojinya midnimada dowladaha xubnaha ah iyo la tacaalidda caqabadaha wadaagga ah ee heer gobol iyo heer caalami.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay qodobbada ka soo baxay Gogosha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay in wadahadalladu ay furan yihiin, siina socon doonaan si loo adkeeyo midnimada, wadajirka dalka iyo gaarista go’aamada masiiriga ee heer qaran oo loo dhan yahay,

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka oo ay dhageystaan aragtiyadooda, lagana fogaado waxa ay shacabka dhibsanahyaan.

5- Madasha Wadatashiga Qaran oo looga dooday mustaqbalka siyaasadeed ee dalka , adkaynta midnimada qaranka, dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kadibna laga soo saarey war murtiyeed.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisay sharuucdii ugu badnaa ee dowlad-dhiskeenna lama huraanka u ahaa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sannadkan ay u fadhiisteen in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

8- Safaaradda Soomaaliya ee Waddanka Türkiye ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan ku wargelisay in ay u fududeynayaan ciddii doonaysa in ay ka soo baxdo, colaadaha halkaa ka socda awgood.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.

10- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho ka furay shirka wadatashiga dib-u-eegista siyaasadda qaranka ee maareynta musiibooyinka.

11- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

12- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Adam, ahna Guddoomiyaha Ururka ReSCo oo ay ku mideysan yihiin 14 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa shir guddoomiyey shirka heer wasiir ee Ururka ReSCo.

13- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Caddaala ayaa sheegay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiranyahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa sheegay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu yahay guddi madax banaan oo aanay dowladdu wax faragelin ah ku sameyneyn.

15- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay qaab-dhismeedka cusub ee hay’adda, kaas oo hagaya jihada shaqo, maareynta waaxyaha, laamaha iyo horumarinta adeegyada hay’addu bixiso.

16- Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Yuusuf Axmed Xasan ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Aljeeriya, Kouidri Chakib Ismail.

17- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa si shir guddoomiyay kulanka Guddiga Hagista ee Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah Marxaladdiisa Labaad (JPP II).

18- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Balugga ah Axmed Xasan Aadan iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayaa kalluumeysiga Soomaaliya.

19- Guddiga heer qaran ee qabanqaabada munaasabadda maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa yeeshay kulamadooda caadiga ee diyaargarowga munaasabadahaasi qaran ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.

20- Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dal.

21- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Difaaca ee Qatar Mudane Sucuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Aala Thaani.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee wasaaradda oo ay ka socoto dhismaha cusub ee waasaaradda ee sida casriga ah loo dhisayo.

23- Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa si rasmi ah u dhameystirtay dhismaha buundada casriga ah magaalada Garoowe ee maamul gobaleedka Puntland.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka qeyb galay kulan wacyigelin oo ku saabsan diiwaan gelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah.
25- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya ,Danjire Alper Aktas , uu u sameeyay madaxda iyo shaqaalaha markabka sahanka shidaalka ee Oruc Reis,.

27- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Mohamed ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

28- Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa si rasmi ah u shaacisay dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha Soomaaliya.

29- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ,ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Maxamed Cabdullaahi Abubakar u magacaabay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

30- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadam ayaa dalka Tunisia uga qayb galay shir heer caalami ah oo looga hadlay caafimaadka aadanaha, xoolaha, deegaanka iyo deegaanka dabiiciga ah.

31- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Dhiirrigelinta Dhoofinta Wax-soosaarka Dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

32- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya , Maxamed Al-Saciid Axmed.

33- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasin Sheeekh ayaa ka qeyb-galay Shirweynaha 30-aad ee arrimaha isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). oo ka dhacay caasimadda kuunfurta Sudan ee Jubba.

34- Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa degaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa dilay 25 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta kadib hawlgal milateri oo degaankaasi ka dhacay.

35- Kooxda Arxan-laawayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qarxisay Buundada deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ahayd buundo dadka dageenka isaga gooshi jireen.

36- Ibraahim Nuur oo loo yaqaano (Farxaan) kana tirsanaa kooxda argagixisada ayaa isku soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

37- Cabaas Maxamed Hool oo u qaabilsanaa argagaxisada shirqoolada iyo dilalka ka fuliyaan Koonfuurta Soomaaliya ayaa u dhintay dhaawac hore oo ciidamada dowladdu gaarsiiyeen.

     

howlgal qorsheysan oo lagu dilay kooxo khawaarij ah oo ku sugnaa Sh/Dhexe

Ilaa 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka .

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal, oo Khawaarijtu u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu uruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Bartilmaameedka howlgalkaan waxaa qayb ka ahaa horjoogayaal si wayn loo daba socday kuwaas oo dhibaato badan u gaystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana dib laga soo sheegi doonaa magacyadooda marka la xaqiijiyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an ciribtirka cadowga Khawaarijta ah, iyadoo aysan jirin meel ay ku baxsan karaan horjoogayaasha ku naaxay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyay geerida Suuri Diiriye Carab oo ah Xildhibaan hore

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo qaraabada ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee marxuumad Xildhibaan hore Suuri Diiriye Carab.

Guddoomiyaha ayaa marxuumadda Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa ,isagoo qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtayna faray Samir iyo iimaanna.

Marxuumad Suuri ayaa ahayd xubin ka tirsan Baarlamaannadii dalka soo maray laga soo bilaabo Baarlamaankii lagu soo dhisay Magaalaadda Carta sanadkii 2000 ilaa Baarlamaankii 10-aad.

Marxuumadda ayaa xalay ku geeriyootay Magalada Muqdisho,kadib kolkii ay muddooyinkaan ku xanuunsaneyd magaalada caasimadda ah.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Natiijada doorashada Baarlamaanka Hir-shabeelle ee kursiga 58-aad

Waxaa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga58-aad, kaas oo ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee maamulkaasi

.Doorashada kursigaan oo ay ka soo qeybgaleen xubno labada gole ee Dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.

Kulanka doorashada waxaa soo xaadirtay 101 ergo,kuwaas oo gacan-taag ah ku doortay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka aamustay 3 Codbixiye oo xildhibaanno ah.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey mudaha la doortay  shahaadada Xildhibaanimo.

R/ Wasaaraha XFS oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka socday xisbiyada siyaasadeed ee Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo ka qeyb-galay gogoshii wadatashiga ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Xisbiyada talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Mudane Xamsa ayaa xusay sida Xukuumadda Dan-qaran ay u siinayso mudnaanta dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaalida.

Dhankooda, masuuliyiin ka socday Xisbiyada Puntland ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan dadaalka ku aaddan dowlad-dhiska dalka.

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyey qoddobada ka soo baxay gogosha wadashatiga qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay qodobbada kasoo baxay Gogosha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay in wadahadalladu sii socon doonaan si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka dalka,

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in marwalba albaabka wadahadalku furan,isagoo adkeeyey in laga wada shaqeeyo sidii dalku hore ugu socon lahaa “Dalkaan muddo 35 sano ah ayuu burbur ku jiray, go’aannada aan qaadanay ma aha kuwo wax duminaya, ee waa kuwo wax dhisaya.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS. Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in maanta laga midaysan yahay in aan dalka dib loogu celin doorasho dadban waxyaabaha la isku diidan yahay na uu diyaar u yahay in lagu xaliyo wadahadal”Ma jiro qof Soomaali ah oo aan kala xiran nahay,Walaalihii dhawaan ku shiray Muqdisho waxaan ka wada dhannahay in aan dib loogu laaban doorasho dadban, wixii aan ku kala aragti duwannahayna waxaa lagu xallin karaa wada hadal.”