Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

Ciidamada Maraykanku ayaa gantaallo culus ku garaacay xarumaha Nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz iyo Isfahan ,iyadoo madaxweynaha Mareykankana uu ka digay in Iran ay ku dhaqaaqdo tallaabooyin aargoosi ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlay duqeynaha loo geystay Iran ayaa yiri “Xusuusnaada haddii aad qaadaan ficillo aargoosi ah waxaa haray bartilmaameedyo badan.”

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in weerarrada Maraykanku ku qaaday “goobaha nukliyeerka ee nabadda ay ka dhalan doonaan cawaaqib xumo weligeed ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ammaanay go’aanka Trump uuu ku weeraray Iran,waxaana dhinaca kale ilaalada goobaha Niyuklerka ay shegayaan in aysan jirin warbixino ku saabsan kor u kaca heerarka shucaaca tamarta ,ka dib weeraradii Mareykanka ee lagu bartilmaameedsaday goobahaasi.

Iran ayaa sheegtay in tirade dhimasha ay haatan gaareyso 400 oo qof ,halka dadka dhaawaca ahna lagu sheegay 3,056  tan iyo markii Israa’iil ay bilowday weerarka June 13.

Howlgallo lagu burburiyay khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Howlgallo culus oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu burburiyay labo xarumood oo Khawaarijtu ay u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.

Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah.

Fadlan la soco: Faahfaahin dheeraad ah iyo muuqaallo ku saabsan howlgalkaan guuleystay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee XFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaasoo maanta ka furmay magaalada Istanbul, Turkiga.

Shirkan oo socon doona laba maalmood (21–22 Juun 2025) ayaa diiradda saaraya xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israel iyo Iran, iyadoo la filayo in laga soo saaro baaq wadajir ah oo ku baaqaya xabbad-joojin si looga hortago xasillooni darrada gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho dhiggiisa dalalka kale ee ka qeyb galaya shirkan, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada Islaamka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ay cirka isku shareertay, waxaana la rajeynayaa in dadaallada OIC ay horseedi doonaan xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

     

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatay Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, oo dhamaysatay muddo-xileedkii ay ka shaqaynaysay dalka.

Kulanka ayaa looga hadley wada shaqeyntii dhoweyd ee u dhexeysay Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF intii ay Marwo Wafaa xilka haysay, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee UNICEF ay ku bixisay horumarinta adeegyada caafimaadka, tallaalka, nafaqada, iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Dr. Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Marwo Wafaa shaqadii ay qabatay iyo sida ay uga go’nayd taageerada Caafimaadka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulaha howlaheeda danbe, waxa uuna sheegey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka ay mar walba diyaar u tahay la shaqeynta bah-wadaagta caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka Caafimaad ee Qaranka.
 

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee UPDF ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, kadib howlgal qorsheysan oo si guul leh looga fuliyay deegaanada istaraatiijiga ah ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay isaga cararaan meelihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaannadaasi, waxayna hadda wadaan howlgal amni xaqiijin ah oo lagu sugayo nabadgelyada shacabka deegaanka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in guushan ay ka tarjumeyso dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan amni iyo kala dambeyn.
            

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada Siyaasadda dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Xubnaha matalayay ururada siyaasadeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay qaabka ay u howlgalaan ururada siyaasadda iyo sida ay u taageersanyihiin qorshaha awooda shacabka loogu celinaayo oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxayna balan qaadeen in ay dowladda ku garab istaagayaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah iyo dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalka uga mahadceliyay is abaabulkooda iyo sida ay mar walba dowladda ugu garab taaganyihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay taageersantahay ururada siyaasadda ee dalka ka jira iyo inuu dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, dowladana ay ka go’antahay in shacabka awooda dib loogu celiyo si ay codkooda ugu doortaan hogaanka dalka.

              

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Aminga ee Guddigga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada oo ka dhacay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga arrinsaday sugidda amniga goobaha laga qabanayo munaasabadaha maalmaha xorriyadda ee 26-juun iyo 1-da Luulyo iyo fantisayaha ka horreeya ee lagu dabbaal-dagaayo maalmahaas.

Kulanka ayaa waxaa qaybgalay Wasiirrada Xubnaha ka ah Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada, Saraakiil sare oo ka kala socda Ciidanka Boolsika Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad-sugidda, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

     

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay Sabiid iyo Caanoole

Shabeellaha Hoose:- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka ka fuliyeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay iskaga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Axmed Gaashaan ayaa sheegay in guushaan ay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa baaritnaano ka wada deegaannada Khawaarijta laga xoreeyay si dhagarta cadowga looga badbaadiyo shacabka, loogana hortago wax kasta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo nolosha bulshada.

      

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah ee 2025

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah (21.06.2025) si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad (Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiga Sare) ee Somaliland,tirada Ardayda Imtixaanka u fariisanaysa ayaa ah 40,000 oo Arday kuwaas oo isugu jira fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe.

Munaasibadan oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Ardayda u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ku ammaanay dedaalkooda iyo adkaysigooda. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa Ardayda ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan Imtixaanka isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.

Kalfadhigii lixaad ee labada Gole Baarlamaan oo beri la xirayo

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 22-ka Bisha June uu si rasmi ah u xirmayo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.