Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan maleeshiyaadkaasi oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Faah faahin la soco goor dhow insha Allah

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Mudane Yusuf Maxamed Adan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Algeria, Algeris, Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Xoghayaha joogtada Wasaarada xiriirka arrimaha Bulshadda Iyo qoyska Iyo Haweenka ee Dalka Algeria, Mudane Zahiir Shadhah, iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego),

wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Dalka Algeria uga qeybgali doono Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta oo ka furmi doono Dalka Algeria

 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐’๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ข๐ง ๐๐ข๐› ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐งโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey ergooyinkii ka qeybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalkeennu uu dib ugu laabto doorasho dadban, awooddana loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay dhiirrigelinayso talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaaliyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hannaanka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhibaatada ku haysa amniga, doorashooyinka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaranka la gaarsiiyo.

โ€œWaxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo laโ€™aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeennaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa u mahadceliyey ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay gogoshii uu ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, isla markaana la yimid goโ€™aanno muhiim ah oo ku aaddan masiirka dalka, kaalin weynna ka qaatay dooddii iyo aragtiyihii lagu soo bandhigay gogosha.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Garsoore Caalami Cumar Cabdiqaadir Cartan

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulkadir Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay garsoore heer caalami ah Omar Abdulqadir Cartan, oo si weyn loogu aqoonsan yahay garsoorayaasha ugu firfircoon qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Omar Cartan kaalinta uu ka qaatay horumarinta sumcadda dalka Soomaaliya, gaar ahaan kubadda cagta. Waxa uu xusay in Omar uu yahay tusaale muuqda oo dhalinyarada Soomaaliyeed ku dayan karaan, isagoo marar badan ka garsooray tartamo heer caalami ah, una matalay Soomaaliya si sharaf leh.

Omar Abdulqadir Cartan wuxuu ka mid yahay garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika. Waxaa uu si rasmi ah u galay liiska garsoorayaasha CAF iyo FIFA tan iyo 2018. Wuxuu ka garsooray tartamo badan oo muhiim ah, wuxuuna gaaray heer sare marka uu si guul leh u garsooray kulankii kama dambeysta ahaa ee CAF Champions League , taasoo ka dhigtay garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee taariikhdaasi gaaro.

Kulanka wasiirka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed, Agaasimaha Horumarinta Ciyaaraha Sadaq Axmed Cabdulle, iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Xasan Yarbarow Wiish.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga goโ€™an tahay inay garab istaagto shaqsiyaadka sida Omar Cartan ee magaca iyo calanka dalka kor ugu qaada.

RW Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay uga goโ€™an tahay Xukuumadda DanQaran xoojinta wada-shaqeynta Dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ay u helaan fursad ay si siman ugu goโ€™aan gaari karaan mustaqbalka dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa bogaadiyay doorka ay ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga goโ€™an tahay in ay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumadda ay ka uga goโ€™an tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.
ย ย ย ย ย 

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay gaartay sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin; dhammeystirka hannaanka deyn cafinta, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kobaca dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.
ย ย ย ย 

Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hayโ€™adda UNICEF ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Heyโ€™adda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeega nafaqeynta caruurta, balaarinta goobaha keydka talaalka iyo in heyโ€™adda UNICEF ay door ka qaadato horumarinta xarumaha caafimaadka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorka Heyโ€™ada UNICEF ee Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, asigoona hoosta ka xariiqay in laga wada shaqeeyo gaarista yoolka caafimaadka loo dhanyahay.

Howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta oo ka socda degaanno katirsan gobolka Hiiraan

Hiiraan:-Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta cadowga Khawaarijta ah ku baacsanadhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Mabaax iyo Ceelhareeri, halkaas oo dagaal saakay soo bilowday lagu jebiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay toogteen dhagarqabayaal ay cadowgu qaraxyo ku soo xireen, howlgalka oo weli socda ayaa si buuxda loogu jebiyey Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha howlgalka ka socda Hiiraan kala soco Warbaahinta Qaranka.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Claver Gatete.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in imaatinka wafdigan sare ay calaamad u tahay hormarada ay dowlada Soomaliya ay ka samaynayso dhinacyo badan ay ugu wayn tahay iskaashiga caalami ah,ย Waxa uu tilmaamay in inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, wafdiga uu hoggaaminayo Claver Gatete ay booqan doonaan qaar kamid ah wasaaradaha ay wada shaqeynta dhow kala dhaxeyso Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xusay in wafdigu ay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, si loo sii ambaqaado iskaashiga dhinacyada horumarinta, biniโ€™aadannimada, iyo nabadgelyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowladaha Hoose, isagoo yiriโ€ Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed.

โ€œKulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga goโ€™antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hayโ€™adda dowladeed ee ugu dhow shacabka โ€œayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh

Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hayโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose.

Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka goโ€™an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.