Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay warbixin sanadeedka 2024 ee horumarka maaliyadeed

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay horumar dhaqaale oo la taaban karo iyada oo guul laga gaaray dhanka maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Mudane Saalax, ayaa tilmaamay in hirgalinta nidaam maaliyadeed oo hufan uu kaalin weyn ka qaadanayo xoojinta dakhliga hey’adaha dowladda. Waxa uunna xusay in loo baahan yahay in saldhig looga dhigo maamulka maaliyadda dalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Xukuumadda DanQaran hirgalisay.

NISA oo howlgal ku dishay 13 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ahaa firxadka malleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankan.

War Saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan la fuliyay laba jeer oo is-xig xigta uu bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen malleeshiyaadka khawaarijta si ay dhagarro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.

Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 Biixi oo k𝐮𝐥𝐚𝐧 s𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐚𝐡 𝐮 s𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 w𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐢𝐢 B𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 a𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa xalay kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay 𝐌𝐫𝐬. 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧 oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku ek yahay dabayaaqada bishaan.

Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaagsan la soo qabatay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya.

Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoonsiiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka.

Wasaaraddu iyadoo ka duuleysa go’aankii ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey “dhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha”, waxa ay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed arrimo muhiim ah.

Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhammaan adeegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay “taabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoonsiga Qaranka”, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa:

Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07/2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Janaayo 1971, ayaa hadda lagu dabaqayaa dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu.

Wasaaraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.

Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan:

– Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;

– Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;

– Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;
– Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.

Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka.

Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu adeego si hufan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii dhowaan ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar, taasoo ah ku xadgudub cad oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah isla markaana halis weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa midnimo buuxda iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Dawladda Qadar, waxayna mar kale adkaynaysaa taageerada aan leexleexadka lahayn ee ay u hayso madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee Qadar.

Dowladda Soomaaliya waxay weligeed u taaganeed ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeer iyo kala dambayn, iyadoo ku saleysan ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha, xurmeynta xuduudaha iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed oo wadahadal iyo isfahan ku saleysan.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa beesha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha.

 

DHAMMAAD

Muqdisho oo ay ka socoto u diyaar garowga maalmaha xoriyadda

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh Iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha XFS Xildhibaan Xasan Maxamed Eelaay ayaa fagaaraha Daljirka Daahsoon Waqti kula qaatay Shacabka Soomaaliyeed ee u dabbaal-daagayay Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda.

Labada Wasiir ayaa bogaadiyay Kooxda Hoballada Waaberi oo halkaas kusoo bandhigay heeso wacyigalin iyo gubaabin ah oo la xiriira gobannimada dalkeenna.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN 2060

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda, kuwaas oo fursad u heleya dhaxalka aynu maanta u abuurayno iyo in dalkeennu uu la tartamo dalalka horumaray.

“Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddo cusub oo lagu gaari karo horumar waara ayaa soo bandhigay tiirarka uu ka kooban yahay Hiigsiga Qaran 2060-ka.

“Aragtidan waxay ku saleysan tahay saddex tiir oo muhiim ah:
• Midnimo qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.
• Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.
• Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, in ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshahan qaran, isagoo adkeeyay in guusha qorshahan ay ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

     

Guddiga qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda oo kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Xorriyadda

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Wasiirrada ee Guddiga ka tirsan ayaa kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga ayaa kormeeray xarunta dugsiga Jeneraal Kaahiye oo lagu diyaariyay qaybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Asluubta ee ka qaybgalaya Bandhigga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga ayaa sidoo kale kormeeray Daljirka Daahsoon oo ka mid ah goobaha lagu qabanayo Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada.

 

      

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay daah-furayey Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2020-ka

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.

 

    

Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka oo goordhaw ka furmayo Muqdisho

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka daahfuro Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka.

Lataliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Xasan Aadan Hoosow, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haddii qorshahaan la hirgeliyo Soomaaliya ay noqon doonto dal barwaaqo ah.

“Haddii Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka la hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal barwaaqo ah,” ayuu yiri Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.