Taliska Booliska gobolka Banaadir oo soo saaray amarro la xiriira xuska maalmaha xoriyadda

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro la xiriira nidaamka iyo amniga maalmaha xorriyadda, kuwaas oo shacabka looga digayo inay sameeyaan falal amniga dhaawacaya.

Gaashaanle sare Mahdi Cumar taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa ciidanka iyo shacabka uga digay inay xabado ridaan waqtiga calan-saarka, taas oo keeni karta qasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed

Waxa uu sheegay in dhowaan dad loo xiray rasaas ay rideen oo dad dhaawacday, xilli ay muuqaalo baraha bulshada isaga duubayeen, taas oo ah fal maxkamad lagu muteysan karo.

Midowga Yurub oo gaadiid ugu deeqay xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey dib u habayn xerada tababarka ciidamada ee Dhagabadan iyo gaadiid Ciidan oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabaddda joogay wafdi heer sare ah oo ka yimid xarinta midowga Yurub ee Brussels oo uu hogaaminayey Agaasimaha Adeegga Dhaqaalaha Dibadda Afrika ee Midowga Yurub, Mudane Jonas Jonsson iyo sidoo safiirka ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Karin Johansson. yo sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada XDS.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidamada ee Dhagabadan ayaa Wasiirku uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Iskaashiga qotoda dheer ee Kala dhexeeya, isagoo xusay in Taageeradan ay kusoo beegantay xilli ciidamadu ay ku jiraan dagaal toos ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii la xoreeyay.

  

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta ka saaray Khawaarijta degmada Masaajid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macallin, oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgal barakaysan oo loogu magacaabo “Duufaanta Aamusan” ay ciidamada iskaashanaya halkaasi ka fuliyeen, iyagoo cagta mariyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay haatan ku howlan yihiin miino baarin, isagoo intaa ku daray in ay ciidanku sii baacsanayaan firxadka khawaarijta.

Sheekh Abuukar Macallin, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in ciidanku aysan soo gaarin wax qasaara ah,haatanna ay ku jiraan hubinta qasaaraha soo gaaray cadowga.

Ra’aysul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labaad Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa booqasho ku tagay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, si uu u qaato kaarka diiwaangalinta doorashada qof iyo cod.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay degmada uu xaqa u leeyahay inuu ka codeeyo, isagoo xusay in ay Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul wasaare Jibriil, ayaa bogaadiyay howlwadeennada degmada Hodan oo ugu horeeyo guddoomiyaha iyo guud ahaan shaqaalaha oo sida qiimaha leh u soo dhaweeyay, waxaana shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay xuquuqdooda ka raadsadaan meelka kasta oo ay ka socto isdiiwaan-gelinta kaarka codbixinta.

Guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda oo maanta kulmay

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu lafa-guray diyaar garowga munaasabadda 26-ka Juun oo ah mid si weyn looga xusayo gudaha iyo dibadda dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xuska maalintaas uu u noqon lahaa mid ammaan ah, habaysan oo u qalma qiimaha taariikheed ee ay leedahay.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaabada, saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga, iyo mas’uuliyiin kale. Intii uu socday, waxaa laga dooday arrimaha la xiriira amniga, isuduwidda hawlaha xuska, iyo kor u qaadidda wacyiga shacabka si ay ugu dabaaldeggaan xorriyadda si masuuliyadi ku dheehan tahay.

Wasiir Bashiir ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladdu diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, si munaasabadda 26-ka Juun ay u noqoto mid taariikhda baal dahab ah kaga qoran.

Munaasabadda 26-ka Juun waxay xasuus u tahay shacabka Soomaaliyeed maalintii ay gobollada Waqooyi xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 1960-kii, Waa maalin lagu xasuusto halgankii gobonimo-doonka iyo midnimadii Soomaaliyeed ee horseeday dhismaha qaran xor ah.

Doladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in xuska sanadkan uu noqdo mid la jaan qaada muhiimadda taariikheed ee maalintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay mas’uuliyiin isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

Maxaa kasoo baxay sahankii lagu sameeyay xirmooyinka shidaalka Soomaaliya?

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhowaaqi doonaan natiijada dhabta ah ee la xiriira xogaha batroolka ee goobihii la sahmiyay.

Eng. Cabdiqaadir Aadan oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in bilaha dambe ee sanadkan illaa horraanta 2026 la qorsheynayo in lasoo saaro batroolka Soomaaliya, iyadoo haatanna ay dowladda Turkigu diyaarineyso markabkii qodi lahaa.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale xusay in ay jiraan goobo kale oo berriga ah gaar ahaan gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo lagu sameeyay sahanno horudhac ah, wuxuuna intaa ku daray in ay sugayaan marka laga baxo xilli roobaadka markaas oo ay si dhamaystiran ugu howlgeli doonaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa ugu dambayn xusay in ay tababarro khibrad kororsi ah u direen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona howlaha soo saaridda batroolka, si mustaqbalka dhow ay Soomaalidu ula wareegto maamulka iyo shaqada shidaalka.

Danjire Dr Hodon oo khudbad ka jeedisay machadka daraasaadka Afrika ee Shiinaha

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeedisay Machadka Daraasaadka Afrika iyo Shiinaha, taasoo qayb ka ahayd munaasabadaha sannadkan lagu xusayo 65 sano guruada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Khudbadda oo cinwaankeedu ahaa “Soomaaliya iyo Shiinaha 65 Sano Kadib: Xiriir Istiraatiiji ah oo Galaya Weji Cusub,” waxay safiiraddu diiradda ku saartay saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dal, doorkii Soomaaliya ee ahaa dalkii ugu horreeyey Bariga Afrika ee aqoonsada Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sida ay maanta labada dowladood u doonayaan in xiriirkooda loo xoojiyo, siibana dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, horumarka iyo dowlad-dhiska.

Safiiraddu waxay sidoo kale diiradda saartay baahida loo qabo in xiriirka taariikhiga ah loo beddelo iskaashi muuqda oo waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah dhallinyarada iyo ganacsatada.

Munaasabaddani waxay qeyb ka tahay taxane dhacdooyin ah oo ay safaaraddu ku xusaysay sanadguurada 65-aad ee xiriirka labada dal oo ah mid ku saleysan ixtiraam, wax wada qabsi, iyo saaxiibtinimo muddo dheer soo jirtay.

Kulan ku saabsan Horumarinta Duulista Rayidka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar ayaa maanta shir- gudoomiyey kulan looga hadlayey hanaanka hortabinta shaqada hay’ada duulista Rayidka oo ay ka soo qayb galeen Maareeyaha guud ee hay’adda Axmed macallin Xasan,

Mareeyaha Garoonka Aden Cadde iyo xubno kale ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey waajibaadka shaqo ee waax walba, caqabadaha jira iyo fursadaha kor loogu qaadi karo waxtarka hay’adda duulista dhinacayada amniga hawada Hormarinta Garoomada Dalka iyo falaqaynta abuurista fursado kale oo lagu hormarinayo hanaanka waxkabadalka qorshayaasha hortabinta u ah tiirarka Hay’adda iyo Garoomada.

Maareeyaha Guud ayaa Wasiirka Warbixin ka siiyay guulaha lagaadhay iyo yolalka la hiigsanaayo ee lagu hormarinayo Duulista Iyo xirfadaha, Shaqaalaha Ka shaqeeya Hagista diyaaradaha Hawadeenna mara oo ay Soomaaliya noqotay Dalka ugu xirfadaha Wanaagsan ee dhanka Amniga hawada iyada oo laga taxadaray dhicitaanka Waxyeeelo nafeed iyo mid Hantiyadeed.

Badbaadada Diyaaradaha Gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo u hoggaansanaanta Sharciga Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka.

Wasiir xaday ayaa soo jeediyey talooyin la xidhiidha doorashada halbeegyada la hiigsanyo ee ay tahay in la raaco si aan ugaadhno shaqa Wanaag iyo adeeg hormarineed oo Ah Gudashada wajibaadka ay tahay inaan ka soo baxno ayu ku soo gabagabeeyey kulanka.

 

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku yimid Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Guulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka gaareen halganka ay kula jiraan argagixisada, hawlgalka AUSSOM iyo taageerada ay u baahan yihiin ciidamada XDS.