Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taallada Dhagaxtuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah xuska 26-ka Juun oo ah 65-guuradii ka soo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Waqooyi ee dalka.

Munaasabadda ubax-dhigga waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), wasiirro ka tirsan XFS, cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

26-ka juun “Curashadii Maandeeq”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 65-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 m𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 k𝐮𝐥𝐚𝐧 la qaatay wafdi ka socda m𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐘𝐮𝐫𝐮𝐛

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo kala ahaa Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka EU Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeysan ee Maaraynta Qataraha, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay hannanka dib-u-haneynta Maaliyadda, casiriyeynta ilaha dakhliga iyo xoojinta xiriirka Dowladda iyo hay’daha Maaliyadeed ee Caalamka.

Sidoo kale intii uu socday kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda arrimaha Maaliyadda gaar ahaan kabka miisaaniyadda Dowladda oo ah taageero joogta ah taas oo uu Wasiirka Maaliyadda kaga mahadceliyay dalalka midowga yurub taageerada ay had iyo jeer u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.

Kulanka kadib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan €10.5 Milan Yuuro oo ah kab miisaaniyadeed oo lagu horumarinayo arrimaha adeegga dad-weynaha iyo waxbarashada oo Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siinaysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 65-aad ee todobaadka xoriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

“Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.

          

Munaasabadda xuska 26-ka June oo Muqdisho ka socota

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya caawa ka soconaya Munaasbadda Xuska 26ka Juun oo ku beegan 65-sano guuradi ka soo wareegtay xornimada Soomaaliya.

Munaasabadda oo ka socota Xarunta Dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qaybagalayaa masuuliyiinta kala duwan ee golayasha Dowladda.

       

Wasiirka caafimaadka oo shir ku saabsan horumarinta Tallaalka uga qaybgalay Belgium-ka

Brussels: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Brussels uga qaybgalay shir heer caalami ah oo cinwaankiisu ahaa “Health and Prosperity through Immunisation”, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda GAVI.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 28 waddan, oo ay ku jiraan dalal deeq-bixiyayaal ah iyo kuwa soo koraya, ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa maalgashiga iyo iskaashiga lagu gaari karo ilmo kasta iyo qof kasta oo u baahan tallaal. Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Angola, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo madax sare oo ka socotay hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka.

Wasiirka ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo looga hadlayay sidii loo gaari lahaa carruurta aan weligood helin tallaal (zero-dose children). isagoo hadal ka jeediyay madashaasi, waxa uu muujiyay doorka muhiimka ah ee ay leedahay taageerada GAVI, gaar ahaan xilliyada degdegga ah iyo barnaamijyada cusub ee LEAP, kuwaas oo si gaar ah ugu faa’iideeya wadamada nugul sida Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale taabtey nuxurka ahmiyadda uu u lee yahay ayaa yiri “Tallaalku waa furaha badbaadada carruurteena – waana mas’uuliyadeena inaan gaarsiino cid kasta oo u baahan, gaar ahaan kuwa aan weligood helin adeegyadaas muhiimka ah”.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii xoojiyo adeegyada tallaalka oo loo gaarsiiyo dhammaan bulshada, iyada oo la kaashanayo bahwadaagta caalamiga ah.

Wasiirka shaqada oo shir caalami ah uga qaybgalay Algeria

Algiers: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Yusuf Mohamed ayaa ka qayb galay Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality), oo lagu qabtay magaalada Algiers ee dalka Algeria.

Madashan oo socon doonto muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa doorka sinaanta bulshada ee la xiriira arrimaha shaqada, adeegyada bulshada, iyo ilaalinta dadka nugul, iyada oo laga eegayo saameynta ay xasaradaha siyaasadeed iyo colaadaha joogtada ahi ku yeeshaan sinnaan la’aanta dalalka Carabta.

Wasiir Yuusuf ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed heer sare ah oo cinwaankeedu yahay (Innovative Solutions for Social Protection). Wuxuu sharaxaad ka bixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay kor u qaadista xuquuqda dadka nugul iyadoo hormarisay siyaasada diiwaanka midaysan ee (Unified Social Registry and Social Protection Delivery System), iyo dadaallada lagu yareynayo sinaan la’aanta bulshada. Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo ay ka mid yihiin hirgelinta siyaasado ay bulshada u siman tahay iyo xoojinta helitaanka adeegyada shaqo ee loo dhan yahay.

Madasha 4-aad ee Sinaanta waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Shaqada ee dalka Algeria iyo Guddiga Horumarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ee Galbeedka Aasiya (Economic and Social Commission for Western Asia Committee), waxaana ka soo qeyb galay madax sare oo ka kala socday dalalka Carabta, khubaro, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kala duwan.

Ka qeyb galka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa muujinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qayb qaadashada doodaha heer caalami ee ku saabsan horumarinta bulshada, caddaaladda iyo sinnaanta.

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania oo la kulmay taliyaha laanta socdaalka dalkaas

Darasalam: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Drs. Anna Peter Makakala, oo ah Taliyaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dalkaas oo xarunta dhexe ay ku taallo Magaalada Dar es Salaam.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga arrimaha socdaalka si loo fududeeyo isu socodka, taageeridda is-dhexgalka gobolka, iyo xaqiijinta badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Tanzania.

Danjire Ilyaas ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso mas’uuliyiinta socdaalka Tansaaniya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay iskaashiga noocaan oo kale uu muhiim u yahay horumarinta ganacsiga, amniga, iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Drs. Makakala ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Danjire Ilyaas, waxayna u xaqiijisay Safiirka inay diyaar u tahay inay adeegyo daahfuran u fidiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dhinac.

  

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka AU ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga mudane Xildhibaan Cali Maxamed Cumar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kusimaha Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) mudane Adebayo Kareem, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu dardargelin karo iskaashiga, korna loogu qaadi karo wadashaqaynta, laguna horumarin karo dadaallada wadajirka iyo xoojinta hawlgalka xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Dowladda FS oo dib dalka ugu soo celisay 30 muwaadin oo ku dhibanaa dalka Libiya

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.

“Waxaan halkaan u taagannahay inaan soo dhoweyno in ka badan 30 muwaadiniin Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah looga soo daad-gureeyey dalka Liibiya, ka dib markii ay soo mareen xabsiyo iyo xaalado nololeed oo aad u adag” ayuu yiri Isaaq Maxamuud

Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuwaasoo isna laga soo badbaadiyey halisyo naf iyo maalba leh.

Tallaabadan waa qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto yareynta tahriibka sharci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshooda.

Sidoo kale, waxaan wasaaradda ayaa soo jeedisay in laga bilaabo maanta, hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.