Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maalgaliyo,isla markaana ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee guud ahaan dalka sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Qaranka maalinimadii Khamiista.

Turkiga ayaa qorsheynaya in uu sii wado maalgelinta iyo horumarinta warshadaha difaaca iyo cilmi-baarista,waxaana dhanka kale la tilmaamayaa in Turkiga uu dhaafiyay 2% bartilmaameedka kharashka difaaca ee NATO.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan ugu horrayn maalgelinno,isla markaana aan ballaarinno  nidaamka difaaca badda,dhulka iyo hawada dalkaasi” sidaasi waxaa lagu yiri  ilo-wareedo.

Qorshahaan waxaa ka mid ah maalgashiga nidaamyada gantaallada hypersonic, ballistic iyo sidoo kale diyaaradaha, maraakiibta dagaalka, taangiyada, iyo nidaamyada aan duuliyaha lahayn ee dhulka, badda iyo hawada.

Turkiye ayaa leh ciidanka labaad ee ugu weyn isbahaysiga NATO,waxayna sidoo kale kamid yihiin shanta ugu sarreysa ee gacan ka geysta hawlgallada isbaheysigaasi.

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti

Dadka reer Jabuuti ayaa maanta u dabbaaldegaya Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda dalkaasi,kadib markii ay halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

 Taariikhda Halganii Jabuuti

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeen ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynihii Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuska sanadkaan oo ku began sanadguuradii 48-aad waxaa xaflado lagu maamuusaayo maalinta xoriyadda aawadeed ay dabbaaldegyo ka kala dhacayaan isla gudaha Jabuuti,Soomaaliya iyo iyo dalal kale oo caalamka ah.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuskaan waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

SONNA

Horgoogayaal iyo maleeshiyaad khawaarij ah oo lagu dilay Sh/Dhexe

Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo ku sugnaa Degmada Aadan Yabaal oo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe.

Howlgalkaasi ayaa lagu fuliyay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.

Hoygaasi lagu weeraray horjoogayaasha ayaa warku intaa eaaciyay in uu ahaa keydka qaraxyada iyo hubka culus ee kocdaasi,waxaana fabi ahaan la burburiyay gurigaasi iyo wixii ku jiray.

Faah-faahinta weerarka iyo muuqaallada howlgalkaan kala soco warbaahinta qaranka dhawaan.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐥𝐣𝐞𝐞𝐫𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal leh la yeeshay dhiggiisa dalka Aljeeriya, Mudane Feyçal Ben Taleb, intii lagu guda jiray Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality), oo ka dhacday magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada shaqada, horumarinta siyaasadaha bulshada, iyo is-weydaarsiga waayo-aragnimada. Labada wasiir waxay isla garteen in la dardar-geliyo wada-shaqeynta si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo fursadaha shaqo-abuurka, loona dhiso mustaqbal waara oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SODMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka soctay Hay’adda Istaatistikada Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta Hay’adda SoDMA waxaa uu ku qaabilay Masuuliyiin kasoctay Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’addaasi Dr. Cabdislaam Cabdiraxmaan Maxamed.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Ku xigeenada labada Hay’adood, qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada iyo Lataliyaal sare ayaa ahaa mid lagu xoojinayay wada shaqeynta labada Hay’adood iyo isdhaafsiga Aqoonta, khibrahadaha iyo xogaha la xiriira horumarinta iyo arrimaha bini-aadanimo ee Dalka.

Labada dhinac ayaa hoosta kawada xarriiqay in ay muhiimtahay xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo helo xogo sugan oo waxtar u leh adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo midda Bini-aadanimaba..

Yoonis Duraan Cali

Wasiirka Dekeddaha XFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga

Ankara:-Wasiirka Dakedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Ankara ayaa madaxtooyada dalkaas kulan kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha dowladda Turkiga taageerada dhinacyada badan leh ee Turkigu siiyo Soomaaliya.

Muqdisho oo lagu qabtay kulan ciyaareed lagu xusayo maalmaha xoriyadda

Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa galabta lagu qabtay kulan Ciyaareed u dhaxeeya kooxaha Heegan iyo Horseed kaas oo qeyb ka ah dabaal-degga 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ka xorroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay Ciyaaraha farda-fuulka iyo kuwa kale oo qeyb ka ah dhaqanka Soomaaliyeed, Wasiirro, Xildhibaanno, madax kala duwan iyo shacab fara badan ayaa garoonka buux dhaafiyay,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo goobta ka hadlay ayaa xusay in dabaal degyadu soconayaa ila bisha dambe  “Munaasabadii xalay iyo kuwa soo socda ee dabaaldagyada maalmaha xoriyadda weynaynta ay mudan yihiin ayaan weynayn doonaa ilaa bilowga bisha soo socoto.”ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Guud ahaan Dadka Soomaaliyeed ayaa u dabaal degaya maalmaha toddobaadka xoriyadda iyagoo munaasabado waaweyn ku qabanaya guddaha dalka iyo qurbaha ba.

      

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii ugu dambeeyay ay ka wadeen HirShabeelle ayaa markale fuliyay howlgal lagu naafeeyay cadowga Khawaarijta.

Bartilmaameedka Howlgalkaan ahaa oo si guul leh u dhacay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan maleeshiyada cadowga ah.

howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socda guud ahaa gobollada dalka ayaa intiisa badan noqday mid guullo badan laga gaaray.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qayb gashay shir looga hadlaya xanuunnada aan faafin

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Drs; Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka daawooyin waxtar leh oo lagula tacaalo xanuunnada aan faafin (Non-Communicable Diseases – NCDs).

Shirkan ayaa diiradda saaray muhiimadda iskaashiga caalamiga ah si xal waara loogu helo caqabadaha ay wajahayaan dalalka saboolka ah iyo kuwa soo koraya marka ay timaado helitaanka daawooyin tayo leh, qiimo jaban oo la awoodi karo, gaar ahaan kuwa lagula dagaallamo cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, wadne xanuunka, iyo kansarka.

Drs; Maryama ayaa madasha ka jeedisay khudbad ay ku iftiimisay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan la tacaalidda xanuunnada aan faafin iyo sida ay u baahan yihiin taageero farsamo iyo mid dhaqaale si loo xaqiijiyo helitaanka daawada oo gaarta qof kasta oo Soomaaliyeed.

Shirka ayaa fursad u noqday Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirka ay la leedahay hey’adaha caafimaadka caalamiga ah, ugana faa’iidaysato fursadaha horumarineed ee la xiriira caafimaadka bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska sanad guuradda 65-aad ee kasoo wareegatay markii Goboladda waqooyi ee Dalkeena ay xorrnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay xuska sanad guuradda 65-aad ee xorrnimadii Gobolada waqooyi ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay maanta oo kale u leedahay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in ay tahay maalin ku weyn quluubta dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada waqooyi ku amaanay doorkooda midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, asiga oo si gaar ah u xusay halyeeyadii Gobolada waqooyi u horseeday xorrnimada iyo midnimada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan garab istaaga dowladnimadda Soomaaliyeed iyo in ay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo lidi ku ah horumarka dowladnimada Soomaaliyeed.