Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib U Dhiska Waddada Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe oo muhiim u ah isku socodka bulshada caasimadda, isla markaana ku burburay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in dhawaan la dhisi doonno waddada shaqaalaha oo burbur xoogan uu ka jiro iyo waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho, asigoona adkeeyay in canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celin doonno.

“Waxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan helidda dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Ganacsato, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

    

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si rasmi ah hirgelisay nidaamka PISCES

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Hirgelinta nidaamkan ayaa la socda tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda, si loo xoojiyo xirfadooda la xiriirta adeegsiga nidaamka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka iyo daahfurka nidaamka cusub oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in nidaamka PISCES uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka. Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in saraakiisha tababarka dhammeystay ay si hufan uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay tallaabo weyn oo lagu hormarinayo maamulka socdaalka iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, taasoo lagu gaari karo adeegyo degdeg ah oo ammaan ah.

Sidoo kale, wakiilka Mareykanka, Mr. Bob, ayaa sheegay in taageerada ay siiyeen hirgelinta PISCES ay ka tarjumayso iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya labada dal, isagoo muujiyay kalsoonida ay Dowladda Mareykanku ku qabto dadaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga.

 

     

Guddiga qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa kormeeray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku jira diyaargarowga ugu dambeeyay ee Munaasabadda Koowda Luulyo halkaas oo ay ka samayn doonaan bandhig iyo gaardi ka cayaar.

Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Taliyaha Booliska Jenaraal Asad Diyaano, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo Qaybaha kala duwan ee Booliska Soomaaliyeed dedaalladooda ku aaddan sugidda amniga iyo ka qaybgalka Maalmaha Xorriyadda.

   

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay Bangkok, Thailand.

Mudane Axmed ayaa ka qayb galay doodo kala duwan oo lagu soo bandhigay madasha waxaana qeyb ka ahaa “Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taasoo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala yimid dalal kala duwan. Dooddaas waxa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu hagaajinayo maamulka iyo anshaxa teknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI).

Wasiiru dowlaha oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa xusay:
– In Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo u dhaxaysa 2025–2029.

– In ay socdaan sharciyo muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Se

saybar-ka.

– Iyo In dalka uu bilaabay dhismaha xafiis u gaar ah oo u xil saaran arrimaha la xiriira AI, si loo helo siyaasad sugan oo waafaqsan horumarka dunida.

Dhanka kale, Wasiir Axmed ayaa ka qayb galay dood dheer oo lagu falanqeeyey habka ugu habboon ee dalalku u sameyn karaan qiimeyn ku saabsan heerka isticmaalka AI-da, iyagoo raacaya habraaca ay dejisay UNESCO.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ayaa ka mahad celiyey in Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada cusub ee la siiyey fursad lagu cabbiro heerka ay ka taagan tahay diyaar-garowga maamulka ee la xiriira Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence).

Shirka wuxuu fursad weyn u ahaa Soomaaliya, si ay u xoojiso xiriirka caalamiga ah, u hesho taageero farsamo, una qayb qaadato go’aanada caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee DFS oo ka qeybgaley munaasabadda xuska 65-guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya 26-kii June , 1960.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad guurada 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay halgameyaashii Soomaaliyeed dhiiggooda u huray Xorriyadda ayaa Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatey qeybaha kala duwan ee siyaasadda oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo uu horkacayey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo ku aaddan munaasabadda xuska sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay xornimada Gobollada Waqooyi ayaa sheegay in la jooga xilligii midnimada iyo wadajirka la xoojin lahaa.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalka dib ugu laabto doorasho dadban, isla markaana awoodda loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

10- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024-ka ee horumarka maaliyadeed ee dalka.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka.

13- Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shaaciyay in uu si’ rasmi ah u xirmayay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

14- Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti ayaa u dabaaldegay sannadguuradii 48-aad markii ay ka xoroobeen gumeysigii Faransiiska.

15- Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah ee goobahii batroolka la sahmiyay.

16- Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay munaasabad lagu xusaayay 65 sanno guurada kasoo wareegtay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

18- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si’ wadajir ah u fuliyey hawlgal lagu diley 13 ka tirsan maliishiyada Khawaarijta oo ka dhacay Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Mrs .Kristina Svensson oo aheyd shanti sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya.

20- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan kaarka aqoonsiga qaranka si ay u helaan adeegyada Wasaaradda.

21- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar.

22- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa gaaray dalka Aljeeriyaa uu uga qeybgalay shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulkadir Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay garsoore heer caalami ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu firfircoon qaaradda Afrika.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la kulmay Madaxa Hawlgalka Xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ,Mads Oyen.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo xiray Tartanka Ciyaarta Kubbada Koleyga ee dogmooyinka Gobolka Banaadir.

26- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

27- Hawlgallo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Shabeelleha Dhexe ee HirShabeelle ayaa lagu burburiyey labo xarumood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen farsamada gaadiidka dagaalka iyo keydka hubka.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga.

30- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr.Cali Xaaji Aadam ayaa kulan sagootin la yeeshay ,Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya oo dhamaysatay muddo xileedkeedii dalka ay ku joogtay.

31- Ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidamada Uganda ee UPDF ayaa si’ wadajir ula wareegay degaanada halbawlaha ah ee Sabiib iyo Caanoole.

 

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb-galay shir ay isuga yimaadeen wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta oo looga arrinsaday dagaalka u dhaxeeye Iraan iyo Israa’iil.

33- Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa sii wada guulaha ay ka gaareen Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo ka saaray Al-Shabaab deegaanka Masaajid Cali Gadud ee dowlad-goboleedka HirShabeelle.

===========DHAMMAAD==========

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha dagaalka Shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tegay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay kamid tahay aaga Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ciidanka geesiyaasha ah ee xoogga dalka ay si adag ugu baacsanayaan kooxaha Khawaarijta.

Kormeerkan ayaa yimid iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga Dalka ay guulo is-daba joog ah ka gaareen dagaallo culus oo ay kula jireen Khawaarijta, kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, lagana xoreeyay deegaanno dhowr ah.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadda ku sugan jiidda hore ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibkooda Qaran, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dagaalka ilaa laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibka iyo gaboodfallada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan kartida iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ciidanka Xoogga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay siiwadaan garab istaaga ciidamadda geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qayb galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS’ Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka furmay magaalada Istanbul, Türkiye.

Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye. Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.
Halku-dhigga madasha ee ahaa: “Isku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahayn” (Seamless Connectivity, Limitless Possibilities), ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood.

“Anagoo ka duuleyna muhiimadda ay badaha Soomaaliyeed u leeyihiin juqraafi ahaan dunida isku xirka qaaradaha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha dalkeenna. Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dhismaha dekedo kala duwan sida kuwa ganacsiga iyo kalluumeysiga oo ay ugu horeyso Dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya goob gananci oo aan u aragno il dhaqaale oo weyn iyo fursad shaqo abuur ballaaran u horseedi karta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada”.

Madaxda Galmudug oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayey maalinta xoriyadda Jabuuti

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galay munaasabadda xuska 47-sano guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka xorowday gumeystihii Faransiiska 27-kii Juun 1977-kii.

Dhuusamareeb waxaa degan qeyb kamid ah Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo shacabka iyo dowladda Jabuuti ugu hambalyeeyey maalintaan weyn ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti uga mahadceliyey gacanta walaalnimo ee sugidda amniga iyo xasilinta deegaanada Galmudug ay ka geystaan.

Jabuuti oo si weyn ugu dabaal degtay xuska maalinta Xoriyadda dalka Jabuuti

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun oo ku beegan 47-sano ka hor markii ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Ummadda Soomaaliyeed ayaa toddobaadkaan u dabaal degaysa xornimadooda, 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ku asteysan maalmo taariikhi ah oo Jamhuuriyadaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka xoroobeen gumeystihii reer Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal hambalyo ah u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

DHAMMAAD