MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hayโ€™adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelinteeda waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaadda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiimka ah ee dalka looga baahan yahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaaladda Madbacadad Qaranka hawlgashey sannadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartey ka haqabtirka dowladda iyo hayโ€™adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daabacadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hayโ€™adihii ku burburay colaadihii jiray.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: โ€œ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ฐ๐š๐š๐ช๐จ ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ๐š๐กโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.

โ€œDhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faaโ€™iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeedaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faaโ€™ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.

ย ย ย ย 

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo sii marta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka goโ€™an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suurtogaliya isku-socod hagaagsan, asigoona xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Magaalada Muqdisho, uuna Maamulka Gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho shaqo ku gaaray dalka Tanzania.

Wafdiga oo soo dhowayn diirran kala kulmay masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa qorshuha booqashadoodu daaran yahay xarig-jarka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam oo dib-u-dhis heer sare ah, dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay, sidoo kalena wuxuu ka qeyb gali doonaa Xuska 65 sano guurada maalinta Xurriyada Qaranka.

Wafdigani Wasiirrada ah ayaa inta ay joogaan dalkaasi, waxa ay kulamo labo geesood ah la yeelan doonaan dhiggooda, iyaga oo kala hadli doona kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iskaashi wadaagga iyo isku-gudubka xorta ah ee muwaadiniinta labada dal.

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta oo ka Qayb Galaya Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Axmednuur Sheekh Maxamed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, isagoo ka qayb galaya Shirka 2aad ee Sannadlaha ah ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API).

Soo dhaweynta Wasiiru Dowlaha waxaa hormuud ka ahaa Wasiirka Qorsheynta ee Liibiya, taas oo muujinaysa midnimada iyo iskaashiga Carabta ee dhinacyada qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasaaradda Qorsheynta waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Liibiya soo dhaweynta sharafta leh, waxayna caddeyneysaa sida ay uga goโ€™an tahay Soomaaliya in ay xoojiso iskaashiga gobolka ee qorsheynta iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa sheegay in maanta uu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Tรผrkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh.

โ€œMaanta waxaa si guul leh noogu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Tรผrkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha lehโ€ayuu yiri wasiirka Gaadiidka XFS

Heshiiskan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka.

Tallaabo muhiim ah oo mideyneysa dalalka Afrika ee leh xeebaha istiraatiijiga ah iyo Tรผrkiye, si si wadajir ah loo horumariyo kaabayaasha isku xirka, loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo xooggan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa istaraatiijiyaddeeda kobcinta kaabeyaasha, waxaa naga goโ€™an horumarinta dekedaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ah il dhaqaale muhiim u ah dalka. Ujeeddadeennu waa in aan gaarno isku filnaansho waarta, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.

 

ย ย 

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose.

-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbadda Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta iyo horjoogayaal sar sare, kuwaas oo qorsheynayay falal amni darro iyo dhibaateyn shacabka ah.

Ciidamada ayaa ku guuleystay burburinta gawaari qaraxyo ah iyo godad ay gabbaad ka dhiganayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo argagixisada guud ahaan deegaannada Jubaland.

 

ย ย ย 

Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka dhacday Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqyay dhinacyada maanta ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.

โ€œCulumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaaโ€.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hayโ€™adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay. Isaga oo Alle uga baryey in dadka Soomaaliyeed qalbigooda isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib U Dhiska Waddada Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe oo muhiim u ah isku socodka bulshada caasimadda, isla markaana ku burburay roobabkii xoogganaa ee ka daโ€™ay Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in dhawaan la dhisi doonno waddada shaqaalaha oo burbur xoogan uu ka jiro iyo waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho, asigoona adkeeyay in canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celin doonno.

โ€œWaxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan helidda dugsiyo waxbarasho oo lacag laโ€™aan ah, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalahaโ€ ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Ganacsato, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka dhacday Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqyay dhinacyada maanta ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, waxa kaloo wasiirku sheegay in lagula xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.

โ€œCulumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaaโ€.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hayโ€™adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay. Isaga oo Alle uga baryey in dadka Soomaaliyeed qalbigooda isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.