1-da Luulyo oo laga xusay Shiinaha

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beijing, dalka Shiinaha, ayaa si heer sare ah u xustay sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyaddeeda qaadatay.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen danjirayaal, diblomaasiyiin, madax ka socotay wasaaradaha dowladda Shiinaha, aqoonyahanno, ganacsato iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shiinaha.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta safaaradda, iyadoo lagu furay bandhig sawirro taariikhi ah oo ka tarjumaya halgankii xorriyadda iyo horumarka dalka. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay hiddo-dhaqanka Soomaaliyeed, muuqaallo muujinaya bilicda dalka iyo hal-abuurka shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cusman Cabdi, ayaa jeedisay khudbad muhiim ah oo ay ku adkaysay qiimaha ay leedahay maalinta 1-da Luulyo.

Waxay sidoo kale ka hadashay dadaallada dowladda Federaalka ay ugu jirto horumarinta dalka iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Xue Bing, Wakiilka Gaarka ah ee Shiinaha u qaabbilsan Geeska Afrika, ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, wuxuuna muujiyay sida ay dowladda Shiinuhu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la xusay in Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping uu hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed ay sameeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed iyo arday Shiinays ah, kuwaas oo si weyn u soo jiitay marti-sharaftii.

Safaaraddu waxay u mahadcelisay howlwadeennada, ardayda iyo mutadawiciinta doorka muuqda ee ay ka qaateen guusha xafladda, taas oo si cad u muujisay midnimada iyo firfircoonida jaaliyadda Soomaaliyeed ee Shiinaha.

Midowga Afrika oo hambalyo ku aaddan 1-da luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika AUC Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta weyn ee 1da Luulyo, taas oo ku asteysan xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalinta xorriyadda ay tahay mid astaan u ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Yuusuf ayaa sheegay in maanta ay ku suntan tahay halganka adkeysiga iyo go’aan qaadashada shacabka Soomaaliyeed, taas oo ugu dambayn keentay in ay 1-dii Luulyo 1960-kii helaan madax-banaani, karaamo is-xilqaan iyo aayo ka tashi.

Dhinaca kale, howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in xuska madax-bannaanida ay Soomaaliya siinayso fursad lagu milicsado laguna xuso guulihii baaxadda lahaa ee ay Soomaaliya ka gaartay raadinta nabad iyo xasillooni waarta.

AUSSOM ayaa mar kale xaqiijisay in ay taageersan tahay dadaallada nabadda iyo xasilinta ee Soomaaliya, iyadoo xustay in adkeysiga Soomaaliya iyo go’aan qaadashada joogtada ah ay weli tahay mid horseed u ah horumarka iyo barwaaqada dalka oo sii socota.

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65- guurada xornimada iyo Midowga Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa saaka ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax-dhigga ka dib waxa uu Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, kuwaasi oo soo bandhiggay gaadda-ka-cayaar iyo dhoollatus ay ku muujinayeen cududda iyo qalabka Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda, oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gawaarida kala duwan ee Ciidamada, hubka culus iyo Diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo hawada sare kasoo daadinaayay warqado ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ka turjumaya xuska 1-da Luulyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Dar es Salaam- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Gobonnimada dhismaha cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzania, oo xalay la xarig jaray si rasmi ah markii dib u dhis ballaaran iyo qalabayn lagu sameeyay.

Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania, diblomaasiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si wacan u qabsoontay.

Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalinta gobonnimada dalka ee ku beeggan Kowda Luulyo, isaga oo caddeeyay halganka taariikhiga ahaa ee Soomaalida ay naf iyo maal ugu hureen iska dul-qaadidda heeryada gumaysiga, xaqiijinta xorriyad iyo gobonnimo dhammaystiran oo qiimo mug weyn leh oo waara u leh midnimada, madax-bannaanida iyo hanka qaranka. Waxa uu bogaadiyay naf-huridda jiilashii hore, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhowridda qarannimada Soomaaliya iyo bedqabkeeda dhuleed, badeed iyo cir , iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi joogta ah.

Mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa xafladda dabaaldegga Kowda Luulyo, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhanka Dowladda Tanzania, waxaa xafladda uga soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

Dabaaldegga ayaa lagu furay calan-saarka iyo tumidda heeska calanka Soomaaliya. Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay martida, isaga oo ka hadlay qiimaha weyn ee ay leedahay 1-da Luulyo, xusayna in ay astaan ​​u tahay midnimada iyo rajada qaranka.

Maalinta Gobonnimada Soomaaliya waxaa lagu xusaa midowgii taariikhiga ahaa ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1-dii Luulyo 1960-kii, taasoo horseedday dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waa maalin qaran oo ku weyn Ummadda Soomaaliyeed, dibna loo millicsado waayihii adkaa ee loo maray xoriyadda, is-raaca iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waa maalin mudnaanteeda leh oo ku suntan himillada qarannimada dalka.

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Yuumbis oo 7KM u jirta deegaanka Bariirre ee gobolka Shabellada hoose, waxa ay ku dileen 8- dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo qaabbilsanaa qaraxyada.

Mid kamid ah horgayaasha howlgalkaan lagu qaarajiyay ayaa lagu magacabaa Jaabbir.

Xogaha kale ee warkaan ku saabsan kala soco warbaahinta Qaranka.

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da Luulyo.

1-da Luulyo markii Gobolada Koonfureed ee dalkeena ay ka xorroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalkeena ayaa laga xusay goobo badan oo dalka ka mid ah.

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Kismaayo: Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta hawlgal ku dilay 19 Khawaarij deegaanka Baqooqaha ee gobolka Jubadda hoose oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.

 

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

The Hague: Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Netherlands.

Kulanka oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, sida:

Mashaariicda dhismaha dekedaha, Garoomada diyaaradaha, iyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay, Maamulka dhulka.

Horumarinta degmooyinka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qorsheyaasha la xiriira dib-u-habeynta magaalooyinka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyadoo mudnaan la siinayo:

Sareynta sharciga, nabadeynta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada geeddi-socodka doorashooyinka

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Netherlands, waxaana la qorsheynayaa in la qabto kulammo dheeraad ah, si loo mideeyo qorsheyaasha Wasaaradda hawlaha guud iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee Wasaaradda arrimaha dibadda Netherlands.

  

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah oo ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Madashan ayaa hordhac u ah Shirweynaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dhijitaalka ah.

Hay’adda NIRA waxay madasha kaga qeybgashay soo bandhigidda guulaha ay ka gaartay hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya, kaas oo laf-dhabar u noqonaya adeegyada dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa martigelisay Dowladda Switzerland iyadoo lala kaashaday Bangiga Adduunka, ITU, iyo OpenWallet Forum, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta teknoolojiyadda Aqoonsiga Dhijitaalka ah ee loo dhanyahay.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

Kulanka ay soo qabanqabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga Iyo Xalka Waara ayaa waxaa ka qaybagalay Agaasimaha Guud ee Xarunta Marwo Zahra Cabdi, Ku Xigeenka Agaasimaha Dr. Abdullaahi Zaahid, Hay’adaha Dowladda Iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Mashruuca.