Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay adkaynayso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirku wuxuu xusay in dowlada Shiinuhu ay adkaynayso midnimada Soomaaliya, iyadoo ay ixtiraamayso qawaaniinta caalamiga ah ee qeexaya madaxa-bannaanida ay leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas ka dib, Safiirka ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Shiinuhu ay diyaarisay barnaamij aqoon is-waydaarsi iyo aqoon kororsi ku saabsan howlaha sharci dejinta, korjoogtaynta iyo maamulka ay iswaydaaran doonnaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Shiinaha, taas kaalin wayn ka qaadan doonta adkaynta xiriirka labada Baarlamaan.

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka, ilaalinta bulshada (social protection) iyo kor u qaadista badqabka goobaha shaqada.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta (child labour) iyo difaaca xuquuqda carruurta aan gaarin da’da shaqada, si looga hortago ku xadgudubka xuquuqdooda.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya dardargelinta wada-shaqeynta iyo hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo arrimahan muhiimka ah.

Dabaaldegga maalmaha xoriyadda oo lagu qabtay Hindiya

Safaaradda JFS ee Hindiya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda New Delhi ayaa soo qaban-qaabisay munaasabad lagu xusaayey Usbuuca Xorriyadda iyo Midowga Qaranka Soomaaliya.

Munaasabadan oo ka qabsoontay Huteelka Saket 27, habeenkii 1-da Luulyo ayaa ahayd horreysay ee noocan oo kale ah oo dalka Hindiya, gaar ahaan magaaladda New Delhi lagu qabto.

Waxaana ka soo qayb galey, diblomaasiyiin, ganacsato, madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee New Delhi, xubno ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mida Saaxiibadda Soomaaliya ee Hindia .

Waxaa si doo kale xafladda ka soo qaybgaley Dhakhaatiir ka socday Usbutaaladda waawayn ee u adeega Soomaalidda caafimaadka u timaadda New Delhi.

Danjire Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay, taariikhda halganka, midowga iyo dawlad dhiska Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuux sadey in 65-sanno ee Soomaaliya ahayd dawlad madaxbanaan , ay tahay mudo dheer oo u baahan in wax laga barto.

Wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney midoobaan , iskuna tashadaan mee kasta oo ay joogaan.

Xubno ka midda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa soo ban dhigay heeso wadani iyo ciyaaraha dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Danjiraha ayaa shahaadooyin mahadnaq gudoonsiiyey qaar ka mida Diblomaasiyiinta, Madaxda Jaaliyadda iyo Saaxiibadda Soomaaliya doorkii ay ku lahaayeen qaban-qaabadda Xafladda 65-naad ee ka soo wareegtay Maalmihii Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kulan la yeeshay ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka socdo shirka caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta, Marwo Amina Mohamed, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee taageeraya nabadda iyo horumarka dalka.

NISA oo howlgallo ka fulisay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in khawaarijta ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xorreeyey, kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada dhexe ah.

Saraakiisha Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen khawaarijta .

Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha

Magacaygu waa Cabdilaahi Ismaaciil Cabdilaahi, waxaanan ka shaqeeyaa Jaamacadda Daraasaadka ee Afafka Dibadda ee Beijing ( BFSU) (Beijing Foreign Studies University) ee Shiinaha, halkaas oo aan ka dhigo af Soomaaliga, kana shaqeeyo cilmi-baarista ku saabsan Daraasaadka Goboleedka Wadamada Afrika iyo xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika.

Sidoo kale, waxaan ahay xubin ka tirsan Golaha Caalamiga ah ee Daraasaadka Shiinaha (World Sinology Council Experts), iyo xubin Golaha Caalamiga ah ee Falsafadda Konfushiyaanism (Confucianism International Association Board Member Candidate).

Kulliyadda Aasiya iyo Afrika ee jaamacaddan waxaa la aasaasay sanadkii 1961, iyadoo la raacayo tilmaanta Ra’iisul Wasaarihii hore ee Shiinaha Zhou Enlai, si loo xoojiyo xidhidhrka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Aasiya iyo Afrika.

Zhou Enlai waxa uu booqday Soomaaliya sanadihii 1960-meeyadii, waana arrin ay dad badan oo Soomaaliyeed xasuus gaar ah u leeyihiin.

Hadda, Kulliyadda Afrika ee Jaamacadda BFSU waxay furtay in ka badan 20 luqadood oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: af Sawaaxili, af Hawsa, af Zuulu, af Amxaariga, af Madaqaskaari, af Soomaali, af Yoruba, Afrikaans, af Tswana, af Ndebele, af Komoro, af Kiriyoole, af Shona, af Tigrinya, af Rundi, af Ruwanda, af Chewa, af Sesotho, af Sango iyo af Tamaazight.

Waa kulliyadda ugu luqado badan ee Afrikaanka ah ee wax ka dhigta gudaha dalka Shiinaha.

Kulliyaddu sidoo kale waxay leedahay waax cilmi-baaris oo ku takhasustay daraasaadka gobollada Afrika, waxayna daabacdaa joornaalka “Cilmi-baarista Luqadaha iyo Dhaqamada Afrika” oo ah daabacaad laba-luqadood (af Shiineys iyo af Ingiriis), kaas oo soo bandhiga natiijooyinka ugu dambeeyay ee cilmi-baarayaasha gudaha iyo dibadda ee ku saabsan luqadaha Afrika, suugaanta, taariikhda, dhaqanka, iyo bulshada.

Kulliyadda Afrika waxay sidoo kale sanad walba qabanqaabisaa “Shir Caalami ah ee Cilmi-baarista Luqadaha iyo Dhaqamada Afrika”, kaas oo ah madal ay si joogto ah ugu kulmaan cilmi-baarayaal Afrikaan iyo kuwo caalami ah si ay is dhaafsadaan aqoon iyo aragtiyo.

Intaa waxaa dheer, Kulliyadda Afrika ee Jaamacadda BFSU waxay heshiisyo iskaashi la saxiixatay in ka badan 20 jaamacadood oo ku kala yaalla dalal ay ka mid yihiin: Soomaaliya, Koonfur Afrika, Nayjeeriya, Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Zimbabwe, iyo Senegal.

Waxa kale oo ay xidhiidh iskaashi la leedahay jaamacado Yurub iyo Maraykan ah sida: Kulliyadda Daraasaadka Aasiya iyo Afrika ee Jaamacadda London (SOAS), Machadka Qaranka ee Luqadaha iyo Dhaqamada Bariga ee Faransiiska (INALCO), iyo Jaamacadda Leiden ee Netherlands.

Qaybta Afka Soomaaliga ee jaamacada BFSU waxaa si rasmi ah loo aasaasay 2013, waana meesha kaliya ee Shiinaha lugu dhigo af Soomaali si xirfad leh.

Laga soo bilaabo Maarso 2017-kii, af Soomaaliga waxaa lagu daray koorsada afafka saddexaad ee la doorto (selective courses). Anigu waxaan xilka baridda af Soomaaliga ah bilaabay Sebtembar 2020-kii.

Waxaan qoray buugga “Hordhac Ku Saabsan Barashada ku Hadalka Af Soomaaliga” (Somali spoken), waxaana dhawaan soo baxaya buugagga af Soomaal ah oo wax lugu Baro “Taariikhda, Dhaqanka iyo Bulshada Shiinaha” iyo “Buugga Koowaad ee Manhajka Guud ee Af Soomaaliga”.

Waxa kale oo aan hadda qorayaa buug kale oo la yidhaahdo “Af Soomaali Fudud oo La Adeegsado”. Intaa waxaa dheer, waxaan qoray maqaalal cilmiyeed iyo qoraallo aragtida bulshada ah.

Soomaaliya gudaheeda, dadka waxay aad ugu xiiseeyaan Shiinaha, isla markaana gudaha Shiinaha, Shiinayskuna aad bay ugu hamuun qabaan inay fahmaan Soomaaliya iyo af Soomaaliga.

Waxaan wareystay dhowr ka mid ah ardaydayda sanadkan si ay uga hadlaan dareenkooda ku aaddan Soomaaliya iyo barashada af Soomaaliga. waxayna si toos ah u muujiyeen dareenkooda oo ah:

Ardayga Ma Haoyang wuxuu yidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer. Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu isku daraa dhaqamada Afrika, Carab, iyo kuwa xeebaha Badweynta Hindiya. Muusikada, qoob-ka-ciyaarka, iyo gabayada dhaqameedku waa kuwo si gaar ah u taagan, waxayna ka tarjumayaan xigmadda nolosha reer guuraaga.

Sidoo kale, muuqaalka dabiiciga ah ee Soomaaliya waa mid aad u qurux badan. Soomaaliya waxay ku taallaa Geeska Afrika, waxayna leedahay xeeb aad u dheer, lamadagaanno iyo buuraley, sidoo kalena waa dal hodan ku ah kala duwanaanshaha noolaha waxa jira dhagaxaan xeebeed coral reef ah iyo duurjoog gudaha ku nool. Sababta aan u bilaabay barashada af Soomaaliga waxay ahayd inaan mustaqbalka tago oo indhahayga ku arko dalkaas quruxda badan”.

Ardayda Rao Yuqi waxay tidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waa dad diirran oo martida jecel, daacad ah oo naxariis badan. Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay muuqaal dabiici ah oo qurux badan, xeebo qurxoon, lamadagaanno iyo dhaqan gaar ah.

Waxaan aaminsanahay in af Soomaaligu yahay luqad gaar ah, waxaana doortay inaan barto af Soomaaliga si aan u barto luqad ka duwan kuwa kale, isla markaana aan si qoto dheer ugu fahmo dhaqanka Soomaaliyeed”.

Ardayada Chen Jianan waxay tidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay leedahay soo jiidasho dhaqan oo gaar ah, dadka Soomaaliyeedna waa dad adkaysi badan oo rajo leh.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxay xidhiidh diblomaasiyadeed yeesheen 1960-kii, waxayna leeyihiin saaxiibtinimo taariikhi ah iyo is-dhexgal ballaadhan. Waxaan rajaynayaa in xidhiidhka Soomaaliya iyo Shiinuhu uu si wanaagsan u sii kobco.

Af Soomaaligu wuxuu leeyahay hab dhawaaqeed iyo nidaam codsiyeed u gaar ah, wuxuuna ka kooban yahay dhawaaqyo gaar ah oo hodan ah isla markaana leh miisaan iyo laxan. Qaab-dhismeedka naxwaha af Soomaaliga wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah; taas oo muujinaysa hodantinimada iyo nidaamka adag ee af Soomaaliga.

Af Soomaaligu waa waddo muhiim ah oo lagu gudbiyo dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna ka tarjumayaa taariikhda, dhaqanka, qiyamka, iyo hab nololeedka dadka Soomaaliyeed. Barashada af Soomaaliga waxay ii suurtagelinaysaa inaan si qoto dheer u fahmo macnaha dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay iga caawinaysaa inaan barto luqad kale oo shisheeye ah, balaadhinta aragtidayda, waxayna gacan ka geysanaysaa in aan si toos ah oo qoto dheer ula xidhiidhdi karo dadka Soomaaliyeed, taasoo horumarinaysa is-dhaafsiga iyo wada-shaqaynta dhaqamada labada dhinac, isla markaana kor u qaadaysa awooddayda waxbarasho iyo xirfadda isgaarsiinta dhaqamada kala duwan”.

Ardayada Ma Rong waxay tidhi: “Aad ayaan u jeclahay Soomaaliya, anigoo baranaya casharrada macalinka fasalka, waxaan ogaaday in Soomaaliya ay tahay dal marti-soor leh oo diiran. Aad ayaan ugu rajo weynahay mustaqbalka inaan fursad u helo inaan booqdo Soomaaliya.

Waxaan u arkaa barashada af Soomaaliga inay tahay mid fudud, laakiin af Soomaaligu wuxuu leeyahay kala duwanaansho ku saabsan jinsiga (lab iyo dhedig), taasina waxay igu tahay wax yar oo adag, laakiin macalinka ayaa si fiican noo fahmsiiyay.

Waxaan doortay inaan barto af Soomaaliga si aan u barto luqad cusub, isla markaana aan wax uga ogaado dhaqanka Soomaaliya, taasoo ka dhigi doonta nolosha jaamacadeed mid xiiso leh”.

Ardayada Li Fei waxay tidhi: “Waan jeclahay Soomaaliya, sababtoo ah tan iyo yaraantayda waxaan xiise weyn u qabay Afrika. Markaan bartay af Soomaaliga, waxaan ogaaday in dhaqanka Soomaaliyeed uu leeyahay astaamo gaar ah, taasoo iga dhigtay inaan aad u jeclaado dhulkaas.

Waxaan dareemayaa in af Soomaaligu si weyn uu uga soo jeedo dhaqanka Carabta, taasina waa waxa ka dhigaya mid gaar ah. Barashada af Soomaaliga waxaan rajaynayaa inaan si qoto dheer u fahmo dhaqamada Afrika qaar.”

Ardayga Shi Quanhang wuxuu yidhi: “Xiisahayga ku aaddan Soomaaliya iyo af Soomaaliga waxa uu ka bilowday markii aan bartay Carabiga, taasoo ah takhasuskayga, maadaama aan aad u xiiseeyo dalalka Islaamka iyo Carabta.

Taas awgeed, waxaan dareemay xidhiidh dhow oo aan la leeyahay Soomaaliya. Gaar ahaan markaan bartay af Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida, waxaan la kulmay ereyo iyo dhaqamo aad isugu dhow takhasuskayga, ama xitaa waxyaabo ku saabsan Qur’aanka, taasoo iga dhigtay inaan xiisahaas sii kordhiyo.

Aniga ahaan, af Soomaaligu waa luqad soo martay waayo-aragnimooyin badan isla markaana si ballaadhan u qaadatay erayo iyo saamayn. Afka waxaa lagu qoray xarfo Carabi ah markii hore, kadibna waxaa loo beddelay xarfo Laatiin ah xilligii gumeysiga.

Intii lagu guda jiray gumeysiga iyo horumarka, af Soomaaligu wuxuu la qaatay erayo ka yimid dalal badan oo ay ka mid yihiin Carabi, Ingiriis, Talyaaniga, taasoo ka dhigtay luqad leh taariikh qoto dheer iyo xusuus casri ah oo gaar ah”.

Ardaydani waxay si daacad ah uga jawaabeen wareysigeyga, waxaana wareysiyadaasi ka muuqata in waxbarashada af Soomaaliga ee Shiinaha gudihiisa ay si xawli ah u korayso.

Waxaan diyaar u ahay inaan qayb ka qaato horumarinta af Soomaaliga gudaha Shiinaha anigoo adeegsanaya wixii aan bartay. Sidoo kale, waxaan si qalbi furan ugu casuumayaa aqoonyahannada Soomaaliyeed inay yimaadaan Shiinaha, gaar ahaan jaamacada BFSU, si ay u sameeyaan booqasho, iskaashi iyo wadashaqeyn.

Waxaan sidoo kale rajeynayaa in laga wada shaqeeyo ama la isku casuumo shirarka iyo doodaha ku saabsan af Soomaaliga.

W/Q Dr. Abdillahi Ismail Abdillahi, ( Lecture at School of African Studies, Beijing Foreign Studies University).

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 la k𝐮𝐥may w𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 QM 𝐮 q𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧 h𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 d𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seville ee Dalka Spain, 𝐌𝐫. 𝐂𝐥𝐚𝐯𝐞𝐫 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐭𝐞 oo ah Xoghaya Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo bulshada looga faa’iidaynayo iyo hannaanka isbaddalka qorshaha Qaranka (NTP).

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa is af garad looga gaaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo horumarinta qorshayaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya u dagsan.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamada heer wasiir ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo in uu kulamo kala duwan la qaato masuulyiin iyo madaxda ka soo qeybgashay shirka sanadkan, kulamadaas oo dhammaantood ku qotoma horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ayna leeyihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kana soo kacday deegaanka Baledoogle ay ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in diyaaraddu ay saarnaayeen 8 qof kuwaas oo aan wali la xaqiijin karin xaaladdooda maadaama ay socdaan gurmadyo la xiriira daminta dabka ka kacay diyaaradda ku bur-burtay halkaas, lana ogaan doono sababta keentay soo dhicista diyaaradda.

Maareeyaha ayaa sheegay in shaqada garoonka hadda sidii caadiga aheyd ay ku socoto, balse la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.

Dalka Qadar oo laga xusay 1-da luulyo

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Doha oo u dabaal dagaysa todobaadka Xorriyadda ayaa qabatay xaflad aad loo soo agaasimay oo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socda Dowladda Qatar , Diblomaasiyiinta dalalkooda ku matala Qatar iyo qeybaha Kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Qatar Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali oo khudbad ka jeediyey Xaflada ayaa ka hadley halgankii loo soo maray Xorriyadda, Siyaasada Xukuumadda Federaalka ee ku aadan horumarinta dalka, amniga, iyo la dagaalanka argagaxisada Al-shabab iyo Daacish iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Danjiruhu waxa uu ku xusay qudbadiisa xiriirka soo jireenka ah oo Soomaaliya iyo Qatar oo 51 jirsaday sanadkan.

Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco oo dilay horjooge ka tirsanaa khawaarijta

Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ee gobolka Shabeellada hoose ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan , kaas oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa magaciisu ahaa Muxumed Axmed Guure, oo Khawaarijta ay u taqaanay Xamse Faracadde.

Ninkan ayaa ahaa horjooge khatar ah oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, wuxuuna ahaa taliye u qaabilsan kooxdaas gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Xamse Faracadde ayaa sidoo kale horey usoo noqday madaxa qaraxyada ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, isagoo door weyn ku lahaa abaabulka iyo fulinta falal argagixiso oo lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi.