Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray markabka Oruc Reis ee sahminayay shidaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.-

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar garowga toddoobaadka xorriyadda iyo Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah maalinta sabtida ah uga bilaabmi doona gobollada dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga, xasillinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu bogaadiyey geesiyaasha ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftooda u huraya difaaca dalka.

Soomaaliya ,Rwanda iyo Sudan oo ka wadahadlay Xoojinta Xiriirka iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Abdi Ali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulanka Wasiirada ee FOCAC oo ka dhacay Dalka Shiinaha,gaar ahaan Magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah ee la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirradu waxay qireen in xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda uu yahay mid istiraatiiji ah, muhiimna u ah horumarka iyo barwaaqada labada dal,iyagoo isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fog, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey doorka ay labada dal ka ciyaari karaan arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo horumarka iyo fursadaha cusub ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa, kulan wax ku ool ah la qaatay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, H.E. Xuseen Al-Xaj.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay xasiloonida gobolka, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee Suudaan.

Wasiir C/salaan ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suudaan, waxa uuna taageero u muujiyay dadaallada caalamiga ah ee socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka aan walaalaha nahay.

Wasaaradda warfaafinta oo wariyaasha u tababaraysa la qabsiga isbadalka warbaahinta casriga ah

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbedelka iyo casriyaynta warbaahinta oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 30 wariye oo ka kala socda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo tan Qaranka.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle oo Aqoon Isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbedelka iyo casriyaynta warbaahinta. Isagoo ku adkeeyey saxafiyiinta inay doorkooda ka ciyaaraan kaalinta isbedelka ee warbaahinta Soomaaliya si tan caaalamka ula ay ula jaanqaado.

Cabdishakuur Cali Axmed Agaasimaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu horeyn ka hadlay tababarka ayaa sharaxay waxyaabaha isbdelka warbaahinta casriga ah u baahan tahay, iyadoo la ilaalinayo masuuliyadda warbaahinta looga fadhiyo. Wuxuu tafaasiil dheer ka baxshay in isbedelka iyo tartanka suuqa casriga ah ee warbaahinta.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa kula dardaarmay Wariyayaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad oo la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo la falgalka isbedelka cusub ee warbaahinta carsiga ee tabin wararka.

       

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐫𝐭𝐢 𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay kulan laba Cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha madasha, sida Djibouti, Kenya, S. Sudan oo Muqdisho ay soo gaareen Agaasime yaashooda Wasaaradaha Gacansiga halka Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga XFS Mudane Maxamuud Adan Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada Wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ay hadalo guubaabo iyo mahadcelin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka.

Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada geeska Afrika sidoo kale Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).

“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.

Kulankani oo noqonaya kii 1-aad ee ay yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay guddoonka noqotay ayaa waxa uu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hey’adaha caalamiga ah iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta dedaallada wadajirka ah ee Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta, Doorashooyink iyo baahinta adeegyada dowliga ah.

Waxaa sidoo kale inta uu kulanku socday la adkeeyey iskaashiga labada dhinac iyo kawadashaqeynta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macallin” Casuumaadda rasmiga ah ee shirka 15-ka bishan way gaartay mas’uuliyiintii loogu talagalay”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa muujiyay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed asaga oo xaqiijiyey in casuumaad rasmi ah loo diray dhammaan madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si ay uga soo qaybgalaan shirka loona helo wada-tashi dhab ah oo sal u noqda mustaqbalka siyaasadeed iyo midka dastuuriga ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay 1-dii bishan Juun Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, kaas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025.

20 Diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo Kulan Dhiirrigelin iyo soo dhaweyn ah Muqdisho loogu sameeyay

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda ayaa Muqdisho kulan dhiirrigelin iyo soo dhaweyn ah ugu sameeyay 20 diblomaasi da’yar ah oo wax lagu soo baray dalka Shiinaha.

20-kan diblumaasi oo da’yar ah ayaa soo dhameystay barnaamij tababar iyo booqasho waxbarasho ah oo ay ku tageen magaalooyin kala duwan oo dalka Shiinaha ah, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa kor u qaadidda fahamka ku aaddan istaraatiijiyadaha horumarineed ee Shiinaha iyo xoojinta xirfadooda diblumaasiyadeed.

Intii ay joogeen magaalada Beijing, diblumaasiyiintan ayaa kulan dhiirrigelin leh la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman. Kulankaas ayaa noqday fursad ay dhalinyaradu ku wadaagaan waayo-aragnimadooda, halka safiirkuna ay ku boorrisay in aqoonta iyo aragtiyaha ay kasbadeen ay dib ugu celiyaan dalkooda hooyo si ay door muuqda uga qaataan horumarka Soomaaliya.

Barnaamijkani waxa uu astaan u yahay iskaashi miro-dhal ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo adkaynaya xiriirka laba geesoodka ah iyo ka go’naanta labada dal ee ku wajahan horumarinta mustaqbalka ay wadaagaan.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Faransiiska uga qaybgalaya shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee Badaha

Wafdi ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badd iyo Ilaalinta, Mudane Keenadid Mumin Ali, iyo Xirriiriyaha Mashruuca Badmaal, Abdullahi Addow, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaas oo si habsami leh uga socda magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Shirkaan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladaha Faransiiska iyo Costa Rica, wuxuuna soconayaa inta u dhaxaysa Juun 9–13, 2025.

Mawduuca shirka sanadkan ayaa ah dardar gelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo badaha iyo sidii xal waxtar leh looga heli lahaa arrimaha la xiriira badaha adduunka, taas oo qayb ka ah yoolka Horumarka Waara ee 14aad (SDG 14), oo loogu talagalay “Nolosha Badda Hoosteeda.”

Soomaaliya ayaa sanadkan xoogga saareysa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badda iyo soo bandhigista xalal waxtar leh ee ka faa’iideysiga kheyraadka badda. Wafdigu sidoo kale waxa ay u ololeynayaan ilaalinta deegaanka badeed iyo noolaha ku nool badaha, si looga hortago mushkiladaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saamaynta uu yeelan karo.

Shirkan UNOC 3 wuxuu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah ee badbaadinta badda iyo kheyraadkeeda. Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka badeed iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waafaqsan himilooyinka caalamiga ah ee ku aaddan badbaadinta iyo hormarinta badda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulmay arayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Changsha ee Shiinaha

Changsha: Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), ayaa kulan dhiirrigelin ah la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Kulankan ayaa ahaa mid diirran oo ardaydu fursad u heleen inay Wasiirka la wadaagaan waayo-aragnimadooda, caqabadaha ay la kulmaan, iyo rajadooda mustaqbalka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo xusay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dibadda ay yihiin safiiro matala mustaqbalka dalka, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan horumarka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Akadeemiyadda Yuelu oo ah goob taariikhi ah oo in ka badan kun sano wax laga baranyey. Intii uu ku sugnaa Jaamacadda Hunan, Wasiirku wuxuu booqday Machadka Daraasaadka Afrika (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga cilmiyeed iyo dhaqameed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

Booqashadan ayaa ah mid muujinaysa muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siineyso taageeridda ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha.