Shirkii golaha wasiirada oo lagu ansixiyey heshiis is-af-garad u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis is-af-garad u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.

Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaas oo ay Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Kulanka Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta shirka wada-hadalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, iyada oo Goluhu bogaadiyey shirkan iyo shirarkii ka horreeyey ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaan gashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale, warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii ka shaqeynayey dabaal-degga todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.

Golaha wasiiradda oo ansixiyey 9-ka Murrashax ee Guddiga Xuquuqul Insaanka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.

Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran).

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:

1.⁠ ⁠ Axmed Shiikh Xamsa Abshir
2. Cali Maxamed Cilmi
3. Cumar Cabdulle Calasow, (PhD)
4. Dr Maryam Qaasim Axmed
5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf
6. Farxaan Maxamed Jimcaale
7. Maxamed Cismaan Maxamuud, (PhD)
8. Maxamed Haaruun Maxamuud
9. Muumina Shiikh Cumar

        .

Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey kulankii hoggaanada Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan oo looga hadlay xaalada guud ee Amniga dalka.

Waxaa kulanka mudadii uu socday warbixino looga dhagaystay hogaanada Baarista Dambiyada , la Dagaalanka Argagixisada iyo Wacyigelinta Bulshada , waxayna soo bandhigeen howlaha waxqabad iyo dedaalada shaqo ee la faray qabsoomidooda.

Taliyaha ayaa guud ahaan Ciidanka Booliiska iyo Saraakiishoodaba ku ammaanay dedaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda Xuska maalmaha Xoriyadda , waxaana uu faray dardargelinta howlaha Amni iyo iskudubaridka wada shaqeynta dhexdooda.

Ciidanka deegaanka oo shabeellaha dhexe ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ee Macaawisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Guullane ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Labada horjooge ee la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalka ayaa kala ah Cali Xabad iyo Maxamed Cadow, kuwaas oo door muuqda ku lahaa hagidda falalka argagixisanimo ee gobolka.

Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay tiro kamid ah maleeshiyaadkii la socday.

Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo ciidamada deegaanka ay markale muujiyeen geesinimo iyo feejignaan si ay isaga dulqaadaan cadowga.

Warsaxafeedka shirkii madasha iyo Dowladda Federaalka

Shirkii Wada hadalka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo galay wareegii labaad, ayaa Maanta oo ay bishu tahay 3-da bisha Luulyo 2025, waxaa shir iskugu yimid Madaxweynaha JFS, xubnaha Guddiga dowladda u xilsaaran wadahadallada iyo Madasha Samataxibinta.

Shirka oo ku qabsoomay jawi aad u wanaagsan ayaa falanqeyn dheer kadib, waxaa la isku waafaqay in la isku soo laabto 20-ka Luulyo, 2025 si loo sii ambaqaado arrimihii laga wadahadlay.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Raiisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

            

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale qaabbilay mas’uuliyiin hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka markale ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa ajndayaashii horay loogu heshiiyay ee ay kamid ahaayeen dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan sagootin ah la qaatay danjirahii Sweden u joogay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Joachim Waern, oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee dalkeena.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Danjire Joachim, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyo arrimaha binu aadannimada, caafimaadka, waxbarashada, iyo la dagaallanka saboolnimada.

Dhankiisa, Danjire Joachim Waern, oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey kulanka sagootinta ah, ayaa tilmaamay in muddadii uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen wada-shaqeyn iyo garab istaag.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dowladda Sweden, si danaha shacabka Soomaaliyeed loogu gaaro wax-wada-qabsi iyo iskaashi.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo fursadaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Sacuudiga soo dhoweynta diirran iyo diyaar u ahaanshaha iskaashi miro dhal ah. Dhinaca kale, Danjiraha ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in la taageero dadaallada horumarineed ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kobcinta dhaqaalaha badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada masuul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta, lana dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta mashaariicda la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si loo gaaro yoolalka istaraatiijiga ah ee labada dal.

Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Wasiir Isaaq ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Jarmalka ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan miisaaniyadda dheeraadka ah ee ay hadda ku taageerayaan arrimaha amniga iyo maaraynta khataraha, taas oo waafaqsan heshiisyada iskaashiga farsamo ee labada dal ay kala saxiixdeen sanadihii 1979 iyo 2017.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka mahadnaqay taageerada aan kala go’a lahayn ee Jarmalka ee muddada dheer la garab jogaan Soomaaliya.