Wasiirka arrimaha dibadda Malawi oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda waddanka Malawi Nancy Tembo ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoontay Danjire Ilyaas Cali Xasan.

“Waxaan si weyn u rajeynaynaa in ay fursadan horseedi doonto xoojinta xiriirka laabo geesoodka ah gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga, waxbarashada iyo iskaashiga guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada Kaxda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Md. Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee G/Banaadir. Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Kaxda laga qaaday Md. Cabdiwali Xasan Nuur.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Kaxda in uu dardargeliyo howlaha shaqo ee loo idmaday.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay safiirka Jarmalka iyo wafdi uu hogaaminayo

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Amb. Sebastian Groth ayna kamid ahaayeen, Safiir K/xigeenka safaaradda, Madaxa xasillinta iyo Madaxa barnaamijyada harumarinta ee dowlada Jarmalka.

Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wadaagay isbeddelka horumarineed oo ay hay’addu ku tallaabsatay, isagoo si gaar ah u iftiimiyay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, sida casriyeynta nidaamyada tiknoolajiyadda, tayeynta shaqaalaha, iyo kor u qaadidda hufnaanta adeegyada ay hay’addu bixiso.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxa uu Safiirka kala hadlay muhiimadda ay leedahay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, waxana uu si gaar ah kaga codsaday in la dar dargaliyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed si loo fududeeyo isku- socodka labada dal.

Safiirka Groth ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta hufan, isagoo bogaadiyay dadaallada ay hay’addu ka waddo dib-u-habeynta iyo casriyeynta nidaamka socdaalka dalka. Waxa uu sidoo kale safiirka sheegay in Dowladda Jarmalka ay wado qorsheyaal ku aaddan aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, iyadoo qorshuhu yahay in tallaabada koowaad lagu bilaabo baasaboorka diblomaasiga ah iyadoo lagu xejin doono kan shaqaalaha dowladda iyo Shacabka.

  

Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo ka hadlay shil diyaaradeed oo Muqdisho ka dhacay

War saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee loo yaqaano AUSSOM ayaa waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in 3 qof ay ka badbaadeen diyaaradda oo nuuceedu ahaa helicopter-ka oo subaxnimadii maanta ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, sida laguna sheegay war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska AUSSOM.

Diyaaradan oo Helicopter ahayd ayaa ka soo kacday saldhigga Ciidamada Balidoogle oo 100-km dhinaca galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa 8 qof, 3-da la badbaadiyay ayaa la geeyay cisbitaalka AUSSOM ay kuleeyihiin magaalada Muqdisho.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sababta shilka keentay, sidoo kalena haatan ay si caadi ah u socdaan hawlaha garoonka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay xudduudaha dalka

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u daah-furtay nidaam cusub oo lagu sugayo amniga xuduudaha uu la wadaago dalalka dariska la ah, kaasi oo loo adeegsanayo qalab casri ah oo Mareykanku ugu deeqay Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qalabkaan casriga ah uu saraakiisha Hay’adda Socdaalka ka caawinayo inay xoojiyaan guud ahaan amniga Qaranka iyo ka hortegidda tahriibinta sharci- darada ah iyo kooxaha Argagixisada ah.

Daah-furka qalabkaan cusub oo ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka ayaa daba socday tababar afar maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo qubaro Mareykanka ka socday ay ku tababarayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliya si ay u adeegsadaan Nidaamka Isbarbardhigga iyo qiimeynta Aqoonsiga Gaarka ah (PISCES) oo ah qalab casri ah oo lagu isticmaalo goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka gaar ahaan dhanka xuduudaha si loo hubiyo dadka ka soo gudbaya xadka.

“Nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa saraakiisha ku sugan xuduudaha in ay ogaan karaan sugnaanshiyaha saxda ah sharciyada ay wataan dadka xadka ka soo talaabaya nuuckasta oo ay yihiin, lana socdaan dhaqdhaqaaqa shakhsiga ah”. Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay adkaynayso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirku wuxuu xusay in dowlada Shiinuhu ay adkaynayso midnimada Soomaaliya, iyadoo ay ixtiraamayso qawaaniinta caalamiga ah ee qeexaya madaxa-bannaanida ay leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas ka dib, Safiirka ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Shiinuhu ay diyaarisay barnaamij aqoon is-waydaarsi iyo aqoon kororsi ku saabsan howlaha sharci dejinta, korjoogtaynta iyo maamulka ay iswaydaaran doonnaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Shiinaha, taas kaalin wayn ka qaadan doonta adkaynta xiriirka labada Baarlamaan.

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka, ilaalinta bulshada (social protection) iyo kor u qaadista badqabka goobaha shaqada.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta (child labour) iyo difaaca xuquuqda carruurta aan gaarin da’da shaqada, si looga hortago ku xadgudubka xuquuqdooda.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya dardargelinta wada-shaqeynta iyo hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo arrimahan muhiimka ah.

Dabaaldegga maalmaha xoriyadda oo lagu qabtay Hindiya

Safaaradda JFS ee Hindiya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda New Delhi ayaa soo qaban-qaabisay munaasabad lagu xusaayey Usbuuca Xorriyadda iyo Midowga Qaranka Soomaaliya.

Munaasabadan oo ka qabsoontay Huteelka Saket 27, habeenkii 1-da Luulyo ayaa ahayd horreysay ee noocan oo kale ah oo dalka Hindiya, gaar ahaan magaaladda New Delhi lagu qabto.

Waxaana ka soo qayb galey, diblomaasiyiin, ganacsato, madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee New Delhi, xubno ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mida Saaxiibadda Soomaaliya ee Hindia .

Waxaa si doo kale xafladda ka soo qaybgaley Dhakhaatiir ka socday Usbutaaladda waawayn ee u adeega Soomaalidda caafimaadka u timaadda New Delhi.

Danjire Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay, taariikhda halganka, midowga iyo dawlad dhiska Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuux sadey in 65-sanno ee Soomaaliya ahayd dawlad madaxbanaan , ay tahay mudo dheer oo u baahan in wax laga barto.

Wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney midoobaan , iskuna tashadaan mee kasta oo ay joogaan.

Xubno ka midda Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa soo ban dhigay heeso wadani iyo ciyaaraha dhaqanka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Danjiraha ayaa shahaadooyin mahadnaq gudoonsiiyey qaar ka mida Diblomaasiyiinta, Madaxda Jaaliyadda iyo Saaxiibadda Soomaaliya doorkii ay ku lahaayeen qaban-qaabadda Xafladda 65-naad ee ka soo wareegtay Maalmihii Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kulan la yeeshay ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka socdo shirka caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta, Marwo Amina Mohamed, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee taageeraya nabadda iyo horumarka dalka.

NISA oo howlgallo ka fulisay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in khawaarijta ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xorreeyey, kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada dhexe ah.

Saraakiisha Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen khawaarijta .