Wasiir Fiqi oo hambalyeeyey doorka difaaca dalka ee dhalinyaradda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin fiqi oo ka hadlay Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa ku dhawaaqay in qorshaha Wasaaradda gaashaandhiga ay ku jirto asaaska qorshaha Daryeelka Agoonta Ciidanka qaranka taas oo lagu bixin doono waxbarashadooda.

Wasiirka oo ka hadlayey dagaalka lagu jiro kooxaha Khawaarijta ayaa si weyn ugu hambalyeeyey doorka dhalinyaradda Soomaaliyeed ka qaateen dib u xoraynta deegaanada khawaarijta laga xoreeyey” dhalinyaradda Soomaaliyeed waxay laf dhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah khawaarijta,waxay ka dagaalamayaan furimaha dagaalka iyagoo ilaalinya sharafta dalkooda.”ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ganacsatada uga digay in ay lacag baad ah ku bixiyaan telefono u soo dirtay Khawaarijtu” Dowladdu way dadaashay waxay xirtay koontooyin Bangi,qofkii lagu qabto isagoo khawaarijta lacag siinaya waxa la geyn doonaa Maxkamad” ayuu yiri wasiir Fiqi,

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa deegaan oo hawlgal ka fuliyeu deegaanka Moora Godan

Shabeelaha dhexe(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Moora Godan, oo qiyaastii 5km dhanka waqooyiga kaga beegan magaalada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday goob Khawaarijta Al-Shabaab u ahayd xarun ay ku daryeeli jireen dhaawacyadooda, isla markaana ka qorsheyn jireen weerarro lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Qaranka iyo Macawiisleyda ayaa halkaas ku jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay xaruntoodii iyo dhaqdhaqaaqii ay halkaas ka wadeen, taas oo si weyn hoos ugu dhigtay awooddooda ay ku carqaladeeyaan nabadgelyada dadka deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay shacabka Soomaaliyeed ku ammaaneysaa doorka ay ka qaadanayaan difaaca dalkooda, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka ay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, nabadda iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

      

Kulan loogu ducaynayo halyeeyadii xoriyadda dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa Muqdisho lagu qabtay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadala, guddoomiyeyaasha Dhallinyarada Golaha Qaranka Soomaaliyeed iyo gobolka Banaadir iyo dhallinarada Muqdisho ayaa kulankaan Qur’aan aqriska iyo ducada iskugu jiray goobjoog ka ahaa.

   

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Pretoria kula kulmay dhiggiisa South Africa

Pretoria:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, yaa maanta oo Jimce ah kula kulmay magaalada Pretoria, dhiggiisa, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Ozzy Lamola, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga, diyaarinta heshiisyada is-afgaradka labada dal ay qorsheynayaan inay wada saxiixdaan oo uu ku jiro heshiis u dhexeyn doona labada dal oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha shuruudaha dal-ku-galka. Wadahadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray fududaynta isku socodka dadka, dib u furidda ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahaan jirtay Caasimadda Muqdisho iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Dowladda iyo Dadka Koonfur Afrika ku martigelinta dalkooda jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u weyn oo ka qeyb-qaadatay si firfircooni leh dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha, isaga oo caddeeyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Lamola ayaa markale ku celiyay in Koonfur Afrika ay si sugan oo cad ay u garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hindiseyaal wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.

Soomaaliya waxa ay Koonfur Afrika la leedahay xiriir saaxiibtimo qoto-dheer, iyadoo ay ku suntantahay taageerrada xooggan ee siyaasdeed iyo mid diblomaasiyadeed ay u fidisay halgankii Koonfur Afrika ee ka dhanka ahaa xukunkii midab-takoorka.

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Bakool:- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ka fuliyay tuulooyinka Baani, Lafaale iyo Abal ee dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Xuddur, xarunta gobolka Bakool.

Howlgalkan oo socday muddo 48 saacadood ah ayaa Ciidanku ku guuleystay in ay cagta mariyaan gabaadyo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo isku dayay in ay kasoo abaabulaan falal argagixiso ah deegaanadaas.

Taliyaha Ururka 93-aad, Dhamme Maxamed Nuur Sheekh (Tarre), ayaa warbaahinta Ciidanka u sheegay in howlgalku uu qayb ka yahay qorshaha ciidamada qaranka uga go’an ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya meelo ka mid ah gobolka Bakool.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa cadawga, isla markaana ay weli socdaan baadi-goobka iyo raad-raaca kooxaha firxadka ah ee Khawaarijta.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar walba u taagan difaaca shacabka iyo xoreynta dhammaan deegaanada ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 4-ta July, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatey xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka si looga wadahadlo aayaha iyo masiirka siyaasadeed ee dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay bandhigga sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65- guurada xornimada iyo midowga labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfuur ayaa ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal hambalyo ah u diray dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Djibouti, munaasabadda 48-guuradii ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Djibouti awegeed.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom) ee magaalada Muqdisho.

10- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley adkaynta iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Joachim Waern, oo ay u dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee dalkeena.

12- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

14- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Madaxabaan ee Xuquuqda Aadanaha.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shirka 4aad ee Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Seville ee dalka Spain.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla Marwo Amina Mohamed, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Dar es Salaam, kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo,

18- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa kala saxiixday baaq ku saabsan xoojinta iskaashiga labo geesoodka ee dhinaca duulimaadka rayidka.

19- Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ka qeybgaley daahfurka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Dowladaha Hoose oo ka bilawdey magaalooyinka Baydhaba iyo Dhuusamareeb

20- Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaana diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada iyo mashaariicda caafimaadka.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

22- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.

23- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u- Dhiska Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee dibadda ee Netherlands, Ms. Pascalia Grotenhuis.

24- Ciidanka ayaa hawlgal ka fuliyay degaanka Guullane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, iyagoo halkaasi ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta oo kala ahaa Cali Xabad iyo Maxamed Cadow, kuwaas oo door muuqda ku lahaa hagidda falalka argagixisanimo ee gobolka.

25- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah magaalada Seville kula yeeshay Mr. Claver Gatet oo ah Xoghayaha Fulinta Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.

26- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka dhacay magaalada Istanbul, Türkiye.

27- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan dhiggiisa Tanzania ayaa kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Xornimada Soomaaliya oo lagu qabtey magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

29- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

30- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tegay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe ee magaalada Muqdisho.

32- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS ee Soomaaliya.

33- Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay degaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ee Dowlad Goboleedka HirShabelle, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan khawaarijta.

34- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ee hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan oo looga hadlay xaalada guud ee amniga dalka.

35- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyaysay Howlgalka AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Uganda khasaarihii ka soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo dhacdey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

36- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young.
37- Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ku dilay 19 Khawaarij ah degaanka Baqooqaha ee gobolka Jubadda Hoose oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.

38- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.

39- Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxuloow oo qaabilay Safiirka Jarmalka ee arrimaha Soomaaliya.

40- Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera.

41- Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee magaalada Riyaad, ayaa qabtay xaflad lagu xusayay 65-guurada Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.

42- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha DIbedda ee Algeria Marwo Salma Bakhta Mansuuri.

43- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan 65 guuradii ka soo wareegatay maalinta xornimada u diray Soomaaliyeed.
44- Geesiyayaasha degaanka ee Daaru-Nimco ee gobolka Shabeellada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle ayaa hawlgal Ay fuliyeen waxay ku dileen Xamsa Faracadde oo ka mid ahaa horjoogayaasha maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee degaanada Hirshabelle.

45- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

46- Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay Bangkok, Thailand.

47- Wasiiru Dowlaha Qorsheynta ayaa ka qeybgaley Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API).

48- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusf Maxamed Aadan ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Caraabiya u fadhiya Soomaaliya Ahmed Muhammad Al Muwalad.

49- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa u asteysay xilliga qabashada shirweynaha dhamaystirka dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khatumo 10-ka Bisha July 2025.

 

50- Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka ah oo ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Madashan ayaa hordhac u ah Shirweynaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dijitaalka ah.

 

===========DHAMMAAD==========

Danjire Cabdicasiis Maxamuud oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Poland

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aan deganayn Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa warqadaha aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Poland Andrzej Duda.

Danjire Cabdicasiis Farabadane oo ka hadlay xafladdii wareejinta waraaqaha aqoonsiga ayaa madaxweynaha gaarsiiyay salaan diirran iyo dhambaal dardaaran ah oo uu ka siday Madaxweynaha SoomaaliyaDr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Duda ayaa soo dhoweeyay Safiirka, wuxuuna qiray muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Poland iyo Soomaaliya.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Poland waxa uu si rasmi ah u bilowday 11 July sanadkii 1962,iyadoo labada dal ay  ka go’an tahay horumarinta iskaashiga iyowax wadaqabsiga Soomaaliya iyo Poland.

Bulshada Warshiikh oo helay adeeg caafimaad oo xagga indhaha ah

Ku dhawaad 300 oo ruux oo kamid ah dadka Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta adeegyo caafimaad oo wax ka taraya cudurada ku dhaca indhaha.

Adeegyadaan oo ah kuwo saamofal ah oo loogu talagalay dadka ku dhaqan Degmadaasi waxaa ku dhaqaaqay Koox dhallinyaro  dhaqaatiir ah oo isu xilqaamay howshaasi dhanka caafimaadka ah.

Howlahaan caafimaad oo oo loo qabay baahi weyn waxaa ka faa’ideystay dad gaaraya 300,kuwaas oo loo sameeyay baaritaanno,qalliin iyo daaweyn dhanka indhaha ah.

Ololahaan la xiriira daaweynta indhaha waxaa ka faa’iideystay dadka danyarta ah ee ku nool degmadaasi.

Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isku diyaarinaya todobaadka soo socda inuu martigeliyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si uu u riixo xabbad-joojin dhexmarta Israel iyo Xamaas.

Donald Trump oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa ku andacoonaya inuu doonayo badbaadinta dadka reer Gaza oo in muddo ah ku jira dagaallo,baahi iyo barakac.

Xamaas ayaa raadinaysa dammaanad ah in hindise xabbad-joojinta cusub ee Maraykanku taageerayo ay noqoto dhamaadka dagaalka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow kooxdaasi.

Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu dalkiisa ku soo celin doono dhammaan maxaabiista ay weli Xamaas ku hayaan Gaza,halka dhanka kale, dhakhaatiirta Gaza ay sheegayaan  in duqaymaha Israa’iil ee guud ahaan dhulka ay ku dhinteen 73 qof.

Madaxii hore ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ku eedeeyay kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Mareykanka inay boqolaal Falastiiniyiin ah ku dileen Gaza, isagoo dhanka kale dhaleeceeyay waxqabad la’aanta Midowga Yurub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo boogaadisay kaalinta waxqabad ee Sacuudi Carabiya

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS,gaar ahaan Agaasimaha Waaxda Carabta  Mudane Maxamed Xasan Maxamed iyo Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid ayaa isku raacay in la dardargeliyo hannaanka hay’adaha duulista rayidka ee labada dal.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa caalamiga ah, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumarada la taaban karo ee laga gaaray dhanka amniga ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen guulaha la taaban karo ee ay gaareen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed sannadihii u dambeeyay, taas oo ay qeyb weyn ku leeyihiin Dalka Sacuudiga oo bixiya taageerada joogto ah oo lagu garab istaagayo Soomaalia.

Agaasimaha Waaxda carabta iyo Safiirka Sacuudiga waxa ay kulankaasi isku dhaafsaden aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo diyaar garowga dalka ee doorashada tooska ah ee la filayo waqtiyada soo socda.

Mudane Maxamed ayaa boogaadiyay mowqifka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aadan in dalka Soomaaliya laga taageero dhinacyada amniga, xasiloonida iyo midnimada dhuleed ee dalka.