MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

Munaasabad lagu abaal-marinayo Saraakiishii ka qeyb qaatay sugidda Amniga todobaad xorriyadda oo lagu qabtay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Dhiirragalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay Munaasabadaha Xuska Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa bogaadiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee kaalinta wax ku oolka ah ka qaatay Qabsoomidda Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo soo xiray Munaasabadda ayaa bogaadiyay kaalinta lama illaawinka ahayd oo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qaateen qaban-qaabada munaasabadaha Xuska Maalmaha Xorriyadda, isagoo sidoo kale ku bogaadiyay sugidda Amniga dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xidlhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Diyaano Iyo Wasiiru Dowlaha Amniga ayaa shahaadada sharaf guddoonsiiyay Dhammaan Ciidamada kasoo shaqeeyay qabsoomidda Munaasabada Maalmaha Xorriyadda.

 

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar siyaasadeed ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta SSC-khaatumo

Ujeeddada safarka ayaa ahayd inuu ka qeybqaato dadaallada lagu midaynayo Gobolada Sool iyo Sanaag.

Waftiga waxa qaybka Sanater Saynab ismaaciil, Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno oo door muhiim ah ka qaadanaya dib-u-dhiska iyo is-afgaradka siyaasadeed ee deegaanka.
     

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxaana ku dhintay tobaneeyo qof oo ay ku jiraan carruur, halka ay jiraan qaar kale oo weli la la’yahay.

Kooxaha samatabbixinta ayaa ku howlan baadigoobka dad u badan carruur oo la la’yahay, iyagoo isticmaalaya diyaarado helicopter ah, doomo, iyo diyaarado aan duuliye lahayn si ay u raadiyaan dadka badbaaday, kuwa ku ku go’doonsan dhulka iyo dadka meydadka ah.

waxyeelada ugu badan ayaa la sheegay in ay gaartay xero lagu magacaabo Camp Mystic oo u dhow wabiga Kerr County,halkaasi oo ay ku jireen gabdho Masiixiyiin ah.

Ugu yaraan 50 qof ayaa dhimatay ilaa hadda, halka 27 gabdhood oo ku jiray hal xero weli la la’yahay. Maamulka ma aysan sheegin tirada guud ee dadka la la’yahay marka laga reebo carruurta ku sugneyd xerafaasi.

Saacadihii hore ee 4-tii bishaan daadad ayaa ku soo rogmaday meel qiyaastii 112km galbeed ka xigta San Antonio,kuwaas oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo buux-dhaafiyay webiga Guadalupe,kadibna sababay fatahaad gaartay dhul baaxad leh,waayna qaadeen dad nool,guryo iyo gaadiid.

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy).

Kulanka oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir, madaxda xafiisyadda warbaahinta ee xafiisyadda DFS, wakiilo kasocda Warbaahinta Madaxa Banaan, Gollaha Madaxa Banaan ee Warbaahinta iyo Dadka Caanka ka ah Baraha Bulshada (social media).

Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay ujeedka kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Warbaahinta ‘’maaraynta khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada’’ iyo Ajendihiisa, isagoo kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cabdilaahi Xayir Ducaale oo kalmada soo dhawaynta ka jeediyay madasha ayaa si kooban faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka kulanka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad mideysan oo lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in kulanka ay uga faa’iideystaan sidii loo dhisi lahaa hannaan siyaasadeed oo suurtagelinaya in baraha bulshada loo adeegsado si waxtar u leh bulshada, loogana hortago wararka khatarta ah sjda xagjirnimada, been abuurka, iyo marin-habaabinta.

    

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-mariyeen xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

-Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay ku abaal-mariyeen xubnihii sida tooska ah uga qeyb qaatay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta gaarka loo leeyahay, Dhallinyaradii dabaal-degga uga qeyb qaadatay baraha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradii abaal-marinta la guddoonsiiyey iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay munaasabadihii dhacay uga mahadceliyey doorkooda, iyagoo kula dardaarmay in midnimada, nabadda iyo gobanimada umadda Soomalaiyeed ay adkeeyaan.

 

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu Duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Xafiiska Soomaaliya Mudane George Conway.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Gargaarka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Baydhabo- Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabada Dhagax-Dhiga Madaxweynaha waxaa kala Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Xarunta Maanta uu Dhagax dhigay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka kooban qeybo kala duwan iyadoona noqon doonta mid lagu Tababaro Maclimiinta Koonfur Galbeed.

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Baydhabo- Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo mas’uuliyiin ka socda shirkad laga leeyahay Dalka Norway oo Baydhabo usoo gaaray Horumarinta Korontada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Wafdiga ka socday Dowladda Norway la wadaagay qorshaha ballaaran ee maamulka Koonfur Galbeed ku dooneyso in lagu horumariyo adeegyada tamarta iyo Haqabtirka Bahiyaha Koronto ee haysta Bulshada.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Khawaarijta ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Khawaarijtii saakay lagu ekeeyey weerarka.

Howlgalka oo weli socda wixii kasoo kordha kala soco Warbaahinta Qaranka.