Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku guddoomiyay kulan looga hadlaayay dardargelinta amniga caasimada.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbixinno looga dhaggeystay saraakiisha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, nabadsugidda iyo Police Military.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay dadaallada hey’addaha amniga ay ku xaqiijinayaan amniga caasimadda, asigoo kula dardaarmay in la dardargeliyo amniga iyo wada shaqeynta.

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobollada Waqooyi ee dalka. Labada mas’uul waxay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abaarta, iyagoo muhimad gaar ah siiyey in laga hortago saameynta ay abaartu ku leedahay nolasha bulshada, iyadoo la qorsheynayo in ceelal biyoodyo laga hirgeliyo deegaannada sida joogtada ah abaartu ugu soo noqnoqoto.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safiirka la wadaagay qorshe safar rasmi ah oo uu dhowaan ku tagi doono Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hay’adaha gargaarka iyo gurmadka degdegga ah ee dalkaasi. Ujeeddada safarkaasi waa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo u ololeynta in la kordhiyo kaalmada tooska ah ee la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo is-garabsi.

Dhankiisa, Safiir Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan qaaday in Dowladda Imaaraadku ay si buuxda uga shaqeyn doonto qodobadii laga wada hadlay, isla markaana ay dhawaan Soomaaliya soo gaarsiin doonaan shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha bini’aadantinimo.

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi , Xilli ay Soomaaliya ka qayb geli doonta dhawaan ciyaaraha jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Doha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaaraha jaamacadda Carabta oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa dhanka kale la wadaagay safiirka muhiimadda ay Soomaaliya siineyso horumarinta kaabayaasha isboortiga iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa tilmaamay ahmiyada ay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada waddan ee Soamaaliya iyo Qatar u leedahay horumarinta dhallinyarada iyo Isboortiga iyo sida ay Qatar kaga go’an tahay garab siinta Kaabayaasha Ciyaaraha iyo Horumarinta Dhallinyaradaba.

Wasiir Maxamed ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar kaalinta ay ka qaadato taageerada dhanka horumarka dhallinyarada iyo isboortiga, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo fursado cusub oo horumarineed.

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay danjiraha dalka Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Afandi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashi ee dhex mari kara caasimadaha Muqdisho iyo Khartoum.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay khibrad-wadaagga labada dal si gaar ah caasimadaha oo duruufo isku mid ah la kulmay wax badanna iska kaashan kara dhanka dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa ka sheekeeyay sida ay shacabka Soomaaliyeed abaalka weyn ugu haayaan dalka iyo dadka Sudan oo xiriir soojireena wadaaga, asigoona u rajeeyay walaalaha reer Sudan in ay si dhaqso ah uga soo kabtaan xaaladaha colaadeed ee dalkooda saameeyay.

Safiirka ayaa ka mahadnaqay soo-dhawaynta loo sameeyay, wuxuuna Duqa Magaalada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Jaaliyadda Sudan ee Muqdisho, arrintaas oo uu Guddoomiye Muungaab ballanqaaday in uu taageerayo dadaal kasta oo khuseeya jaaliyadda iyo isdhexgalkooda iyo khibrad-wadaagga ay la yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda warfaafinta oo soo gabangabaysay tababar ku saabsan maareynta qataraha baraha bulshada

Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay kulanka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka qaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy), kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, ururrada warbaahinta, bulshada rayidka ah, iyo dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay doodaha iyo aragtiyaha la isku dhaafsaday kulanka, isagoo xusay in kulanku ahaa fursad muhiim ah oo lagu wadaagay fahamka iyo talooyinka la xiriira diyaarinta siyaasadda lagu wajahayo khataraha ka dhasha warbaahinta bulshada ee aan xakamaysnayn.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka. Wuxuu sheegay in talooyinka iyo fikradaha laga soo ururiyay wadatashiga lagu saleyn doono siyaasadda qaran ee warbaahinta bulshada. Wuxuuna u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha kaalintii firfircoon ee ay ku lahaayeen kulanka.

Wasiir Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dowladda u leedahay sameynta siyaasad qaran oo ka tarjumaysa xal u helidda mushkiladda ka jirta si xun u isticmaalka baraha bulshada.

Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska oo kaashanaysa hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo qeybaha bulshada, waxaa ka go’an dhameystirka iyo dhaqan-gelinta Siyaasadda Qaran ee maareynta Khataraha Isticmaalka qaldan ee Warbaahinta Bulshada, si waafaqsan qaraarkii Golaha Wasiirrada kasoo baxay bishii Febraayo ee sanadkan, kaas oo diiradda saaraya wacyigelinta iyo xakameynta isticmaalka khaldan ee warbaahinta bulshada.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir mira-dhal leh la qaatay dhigiisa Masar

Qaahira: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahadceliyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

      

Wasiirka hawlaha guud oo Madrid uga qaybgalaya shirka Afrika iyo Spain

Madrid: Shirweynaha Spain iyo Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nurur oo madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah ayaa hadlay arrimaha dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo qorshaha cusub ee Soomaaliya ee isbeddelka qaranka (2025–2029), kaas oo la jaanqaadaya Ajendaha Afrika 2063 iyo istaraatiijiyadda Spain–Africa.

Wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda dib-u-dhiska dekedaha, wadooyinka, tamarta, biyo-xireennada, iyo isku xirka gobollada. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Spain iyo beesha caalamka inay maalgelin muuqata ku taageeraan horumarka Soomaaliya.

Halkudhigga sanadkan ee Soomaaliya: “Soomaaliya dib looma dhisayo, balse waa la beddelayaa.”

Tani waxay muujinaysaa hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee ku saleysan horumar, xasillooni iyo iskaashi caalami ah.

  

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐃𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲, 𝐗𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚𝐧𝐚 𝐊𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐊𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡

Baydhabo; – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay ballaarinta dhismaha Isbitaalka Gobolka Baay, sidoo kale wuxuu xarigga ka jaray qaybo cusub oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay isbitaalka, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda dhexe ee ku aaddan horumarinta adeegyada Caafimaad ee dalka.

Munaasabaddan dhagax dhigga iyo xarig jarka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Saciid Cali, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, Dr. Guuleed Cabdijaliil, mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay mashaariicdan u leeyihiin horumarinta adeegyada Caafimaad ee dalka, gaar ahaan heer gobol.

Ballaarinta cusub ee isbitaalka ayaa diiradda saareysa sare u qaadidda tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaad ee la heli karo, iyadoo la dhisay qayb cusub oo loogu talagalay gargaar degdegga ah, laguna daryeelayo xaaladaha culus, qol qalliinka ah, shaybaar casri ah iyo farmashiye buuxa oo bixiya adeegyo dawo bixineed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xarigga ka jaray qaybo dhismeed iyo qalab Caafimaad oo horay loo dhammeystiray, kuwaas oo qayb ka ah mashruuca Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, qaybahaan cusub waxay ka mid yihiin dhismaha bangi dhiig oo gaar ah, dayactirka iyo casriyeynta shaybaarka iyo qaybta raajada, iyo wareejinta qalab caafimaad oo casri ah, oo ay ku jiraan warshad ogsajiin (PSA Oxygen Plant), matoor koronto (Generator), 260 haan ogsajiin ah, iyo agab kale oo muhiim ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay adkaysay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhisayo, lagu dayactirayo, laguna qalabeynayo xarumaha caafimaad ee dalka oo dhan, waxa ay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee kala dhexeeya dowlad goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro nidaam caafimaad oo adkeysi leh, caddaalad ah, loona heli karo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

     

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad wada-shaqeyn oo ku saabsan horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska dalka.

Heshiiskan iskaashi waxaa dhinaca Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, halka Jaamacadda Muqdisho uu u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo guddiyo matalayay labada dhinac oo si wadajir ah uga shaqeeyay diyaarinta heshiiskan is-afgaradka ah.

Ujeeddada iskaashigan waa in la xoojiyo cilmi-wadaagga, tababarrada xirfadeed, iyo horumarinta aqoonta la xiriirta warbaahinta, suugaanta dhaqanka, iyo kobcinta dalxiiska, si loo taageero himilooyinka horumarineed ee dowladda iyo kor u qaadista tayada warbaahinta Soomaaliyeed.

 

 

       

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka oo xoogga lagu saarayo wax ka qabashada iyo ka hortagga dembiyada Haweenka laga galo.

Munaasabadda ayaa waxa goobjoo ahaa  sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda iyo Haweenka gobolka Banaadir