Wasiir Biixi oo ku guuleystay wasiirka maaliyadeed ee Afrika ugu wanaagsan 2025

London: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa lagu maanta la guddoonsiiyay billadda wasiirka maaliyadda Afrika ugu wanaagsan 2025, kadib xaflad ka dhacday magaalada London.

Abaalmarintan ayaa loogu aqoonsaday Wasiirka Maaliyadda XFS muddadii 2-da sanno ahayd ee uu joogay Wasaaradda Maaliyadda oo uu ku hoggaamiyay hannaan hufan iyo dadaalka uu geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka, gaar ahaan guushii dayn cafinta ee la gaaray 2023-kii, casriyeynta hannaanka dakhliga oo sahlay in Dakhliga gudahu koboc sameeyo, Qorshihii deyn cafinta kadib, doorka hogaamineed ee uu ka qaatay dedaalada dib-u-hababaynta hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga oo Dowladda Soomaaliya u horseeday in ay ka baaqsato Daymo cusub, heshana maalgalin deeq ku dhisan. Is bedelkaas Soomaaliya hormuudka ka hayd oo dalal kale u horseeday in ay maraan dhabbaha Soomaaliya ay jeexday helaanna macaamilaad maaliyadeed oo deeq ku dhisan.

Wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa sheegay in guushada saxda ah iyo abaalmarintaba ay mutaysteen shacabka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka horumarinta dhaqaalaha iyo soo kabashada dalka, Wasiirka ayaa ku ammaanay ganacsatada habka ay ugu dhiiran yihiin dib-u-dhiska dalka iyada oo ay jiraan caqabado badan oo haysta.

   

Taliyaha Booliska oo Safaaradda Maraykanka kala wareegay gaadiid ay ku taageertay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa safiir ku xigeenka safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Steven Gillen kala wareegay gaadiid Dawladda Maraykanka gaar ahaan waaxdeeda la dagaalanka Argagixisadu ugu talagaleen Ciidanka Booliiska.

Munaasabad kooban oo wareejinta gaadiidka loo qabtay ayuu Taliyuhu uga Mahadceliyey Dawladda Maraykanka taageerada iyo garab istaagooda, waxaana uu sheegay in Ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka Argagixisada qeybna ka ah Booliiska oo horumarin balaaran lagu sameeyey gaadiidkan adeegsan doonaan.

Wasaaradda difaaca XFS oo war-saxaafadeed ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagar-qabe naftii hallige ah, kaasi oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Qarax ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab.”

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in laamaha amnigu ay hadda wadaan baaritaanno ku saabsan falkaasi argagixiso, isla markaana bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono natiijada baarista marka ay soo dhammaystiranto.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qoryashaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka horumarka iyada oo lagu salaynayo cilmi baarisyo, kuwaas oo lagu qeexay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyo Qorshaha Hiigsiga (2060, iyo NTP-2025 2029) ee la doonayo in horumar muuqda lagu gaarsiiyo dalkeenna.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Aqoonyahanka Soomaaliyeed looga baahan yahay samaynta cilmi-baaris la xiriirta yareynta saboolnimada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, iyo istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan Cilmi-baarisyo waaweyn oo lagu saleeyay Qorshaha Qaranka ee sannadaha soo socda, sidaas darteed Aqoonyahanka iyo Haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan sahanka u maqan dalkeenna iyo halka aynu berri degi doonno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in hadda ay xaqiiqo tahay waxa uu dalkeennu u baahan yahay sidaas darteed dowladdu ay u sahmisay istaraatiijiyad cad, iyada oo laga faa’iideysanayo Khayraadka dabiiciga iyo tan ugu muhiimsan oo ah awoodda shacabkeenna dhallinyarada u badan.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa maanta weerar ku qaaday xero ay deganaayeen Khawaarijta oo ku taalla duleedka deegaanka Kurtun ee gobolka Baay.

Weerarkaasi waxay ciidamadu ku gaarsiiyeen cadowga dharbaaxo culus, iyagoo sidoo kale ka soo furtay hub iyo saanad ciidan.

Duqa muqdisho oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay waddada 26-ka June ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan, taasi oo uu burbur xooggan kasoo gaaray roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maalgalinta ugu weyn ee dhismaha waddadan ay ka imaanayso sanduuqa gobalka Banaadir, arrintaas oo ah mid ka dhalatay dib-u-habeyn maamul iyo mid maaliyadeed oo la sameeyay taas oo suurtogalisay in la beeqaamiyo dakhliga, waxa uuna guddoomiyuhu ballanqaaday in canshuurta shacabka caasimadda loo adeegsan doono fulinta mashaariicda horumarinta.

Munasaabadda dhagax-dhigga dhismaha waddadaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Fahle, Odayaal dhaqan, madaxda Shirkadda Docol oo dhismaha fulineysa iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, difaaca dalka, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay doorka Haweenka ee siyaasadda, maamulka iyo arrimaha bulshada, isaga oo ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, difaaca, amniga, ka shaqeynta danta guud iyo dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

“Waxaa lagama maarmaan ah oo waajib ah in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, haddii kale gaari meyno Soomaaliyada aan dooneyno, gabdhaha Soomaaliyeed muhiim ayay u yihiin xaqiijinta yoolasha fog ee dalka iyo sidii wadajir loogu xoreyn lahaa dalka”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin nolosha bulshada, waxa uuna adkeeyay in dowladdu ay xoojinayso fursadaha shaqo ee Haweenka iyo ilaalinta saamigooda siyaasadeed iyo maamul ee dalka. Isaga oo intaas raaciyey in xaquuqda ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed ay ku dhammeystirmi karto marka la xaqiijiyo xuquuqda muwaadinku u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

Kulanka oo ciwaankiisu ahaa Difaac iyo Doorasho, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta Amniga iyo Nabadda Haweenka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka , Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka iyo haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hogaamiyaha Khaatumo oo Laascaanood ku soo dhaweeyey Ergo ka socota Sanaag

Laascaanood: Hoggaamiyaha Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ah iyo ergooyin ka socday gobolka Sanaag, kuwaas oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Wafdiga ayaa u yimid Laascaanood si ay uga qaybgalaan kulammo tashi ah iyo wada-xaajood ku saabsan maamul u samaynta gobollada Sanaag iyo Sool, dadaalladaas oo lagu doonayo in lagu dhiso hannaan maamul daadejin ah oo lagu mideeyo bulshada deegaanka.

Soo dhoweynta wafdiga ayaa ka dhacday Madaxtooyada Khaatumo waxaana goobjoog ahaa Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS Xil. Maxamuud aadan Geesood Senator Saynab ismaaciil Tiimbiye oo lagasoo doorto gobolka Sanaag, kuwaas oo qayb ka qaadanaya dadaalada lagu midaynayo gobolada Sool iyo Sanaag.

      

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nidaamka sharciga iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Wasiirka amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay martida doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dib-u-habaynta laamaha amniga iyo horumarinta hay’adaha garsoorka, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac.

     

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Marka- Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellada hoose, kaas oo lagu beegsaday malleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo kooxda Khawaarijtu u adeegsan jirtay in ay isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, si ay u gudbiyaan saanad, una fuliyaan falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah.

Sidoo kale, hawlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahayd deegaankaas, kuwaas oo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo Khawaarijtu u adeegsanayeen gabbaad iyo kaydinta hubka.