Xubin ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibtay Ciidanka Xoogga

Mohamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta, ayaa si rasmi ah isku soo dhiibay ciidamada Guutada 23-aad, gaar ahaan Ururka 231-aad ee fadhigoodu yahay deegaanka Darmoole, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isdhiibiddan ayaa dhacday kadib markii uu sheegay in uu aad u dhibsaday ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta iyo sida ay u beegsadaan dadka rayidka ah, culimada iyo maamulka deegaanka. Wuxuuna sidoo kale tilmaamay in uu muddo badan la socday ficillo guracan oo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, taas oo ku kaliftay in uu ka fakaro sida uu uga baxsan karo kooxdaasi.

Saraakiisha Ururka 231-aad ayaa si nabad ah u soo dhaweeyay, iyagoo muujiyay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay fursad siiyaan cid kasta oo kasoo go’da fikirka gurracan ee Khawaarijta. Mohamed ayaa la wareystay, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan saldhigyada, dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha kooxda uu ka tirsanaa.

Taliska Guutada 23-aad ayaa sheegay in isdhiibista Mohamed ay muujinayso burburka iyo kala shakiga ka dhex jira maleeshiyaadka Khawaarijta, isla markaana ay dhiiragelin doonto kuwo kale oo weli ku dhex milan kooxda in ay isaga soo baxaan, iskuna soo dhiibaan ciidamada dowladda.

Guddiga Farsamada ee dhameeystirka SSC-Khaatumo oo kulan la yeeshay Hoggaamiye Ku-xigeenka SSC-Khaatumo

Laascaanood:-Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhameeystirka geedi-socodka SSC-Khaatumo, ayaa kulan talo-aruurin ah la yeeshay Hoggaamiye Ku-xigeenka SSC-Khaatumo Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine).

Kulankan ayaa qeyb ka ah la-tashiyada uu guddiga la yeelanayo madaxda, saamileyda iyo daneeyayaasha geedi-socodka dhameeystirka SSC-Khaatumo, si loo xaqiijiyo geedi socod loo dhan yahay.

      

Wasaaradda Waxbarashada oo bogaadisay ansaxinta xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay si weyn u bogaadinaysaa ansaxinta Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ansaxiyay Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka. Guddigan oo xeer ahaan ku dhisan Sharciga Tacliinta Sare 𝗟𝗿.𝟯𝟬 ee Qaranka ee soo baxay Disember 2024kii, waxa ay hawshiisu tahay in uu hoggaamiyo, maamulo, islamarkaana hago Hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka, si waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare.

Geeddisocodka xulista xubnaha Guddiga ayaa soo maray heerar kala duwan. Mas’uuliyiinta loo xilsaaray xulista Guddiga oo ka ambaqaadaya shuruudaha iyo halbeegyada sharciyeed ee loo dajiyay xubinnimada Guddiga, ayaa si hufnaan, caddaalad iyo madaxbannaani leh u eegay dhammaan codsiyadii la soo diray, iyada oo si gaar ah ay diiradda u saarayeen aqoonta, kartida iyo waaya-aragnimada musharixiintii soo dalbaday kamidnoqoshada xubnaha Guddiga.

Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay hay’adaha tacliinta sare ee dalka, Guddigan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona habsami-u-maamulidda, hagidda iyo horumarinta tacliinta sare ee dalka. Unkidda Guddigan waxa uu sare u qaadayaa martabadda tacliinta sare ee dalka; waxaana uu islamar-ahaantaa aqoonsi caalami ah siinayaa hay’adaha tacliinta sare.

Ugu dambeeyntii, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay u hambalyeyneysaa xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, waxaana ay u rajeyneysaa in ay ku guuleeystaan mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku aaddan hantidhowrka

Ankara- Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:

1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay’ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.

2. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.

3. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.

4. Suuragelinta waxbarashada heerarka Master’s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.

5. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hay’adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabda’a hantidhowrista.

Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga go’an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey xubnaha guddiga tacliinta sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.

Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15-xubnood oo ah aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka, waxaana ay kala yihiin:

1.⁠ ⁠Dr. Cabdinuur Maxamud Guddoomiyaha Guddiga
2.⁠ ⁠Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga
3.⁠ ⁠Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed Xubin
4.⁠ ⁠Dr. Axmed Adam Maxamed Xubin
5. Dr. Roble Ibrahim Liban Xubin
6.⁠ ⁠Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar Xubin
7.⁠ ⁠Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) X u b i n
8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif Xubin
9.⁠ ⁠Dr. Cabdiwahab Ali Mumin Xubin
10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman Xubin
11.⁠ ⁠Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xubin
12.⁠ ⁠Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub Xubin
13.⁠ ⁠Dr. Maxamad Ibraahim Nuur Xubin
14.⁠ ⁠Dr. Maxaamuud Yusuf Garre Xubin
15.⁠ ⁠Dr. Nadiifa Sheekh Cumar Xubin

Dhinaca kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hey’adaha dowladda iyo sida loo waafajinayo shuruudaha xeerka kala xadeynta.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qeybo kamid ah dalka, iyada oo lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh.

Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu bogaadiyey horumarinta iyo tayeynta ay ku sameysay adeegga Xajka, taas oo keentay in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka gasho dalalka sida ugu wanaagsan ugu adeegay Xujeydooda.

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta tiknoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadaysa adeegyada dadweynaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, oo kulanka uga qeyb qaatay dhinaca farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dhijitaalka ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Sacuudi Carabiya uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ku guuleysatay Abaalmarinta hoggaaminta saameynta bulshada ee Afrika

London- Hay’adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Hoggaaminta Saameynta Bulshada ee Afrika, oo lagu guddoonsiiyay shirka ALM Africa Summit oo sanadkii 10ᵃᵃᵈ lagu qabtay magaalada London ee dalka UK.

Madaxweynihii hore ee Tanzania, Dr Jakaya Kikwete, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoonsiiyay abaalmarintan oo ay hay’addu ku muteysatay hawlaha samafalka ah ee ay ka waddo dalka iyo dadaallada joogtada ah oo ay uga qeybqaadato kaalmeynta iyo samatabixinta bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Addis Ababa- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha dalka Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada ee Geeska Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxa African Electronic Trade Group (AeTrade), Mudane Mulualem Syoum, iyadoo kulankaasi lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed si loo horumariyo mustaqbalkooda.

Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac, kaas oo ka shaqeyn doona hirgelinta iskaashiga labada dal.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga XFS oo dalka Urdun ugu qaybgalay shirka dhallinyarada Carbeed

Urdun-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Wasiirka ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurka istaraatiijiyadda oo ay kasoo wada qeybgaleen wasiirrada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalalka Carabta.

Magaalada Cammaan ayaa sidoo kale sanadkaan noqotay caasimadda dhallinyarada Carabta.

Wasiirka inta uu joogo magaalada Amman, waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dhiggiisa ah iyo hey’adaha caalamiga ah si uu warbixin kaga siiyo qorshaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga Soomaaliya oo heer gabogabo ah maraayo.

Wasiirka amniga oo kulan la qaatay guddi loo xilsaaray habka waddo marista Muqdisho

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in ay xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga gudaha.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo, loogana hortago caqabadaha ay sababaan xayiraadahaasi.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay si degdeg ah u bilaabaan shaqada muhiimka ah, isla markaana ay soo jeediyaan talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo arrintan, iyagoo la kaashanaya hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulada degmooyinka.