𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫r𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟r𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya

Nairobi, Kenya:-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka geeska Afrika oo sanadkani ay Dowladda Soomaaliya shir-guddoon ka tahay, kaas oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay shirka  ayaa sheegay in hirgalinta qorshayaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah uu qeyb wayn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo isku xirnaanta dalalka geeska.

Kulankani ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhaxgalka adeegyada dhijitaalka ah (𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑰𝒏𝒕𝒆𝒈𝒓𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑯𝒐𝒓𝒏 𝒐𝒇 𝑨𝒇𝒓𝒊𝒄𝒂) oo muhiim u ah Bulshada Gobolka Geedka Afrika, maadaama dunida oo dhan ay la sii jaanqaadayso horumarka xiliga casriga ah oo lagu tartamayo hannaanka dhijitaalka.

Madashan Iskaashiga ah ayaa inta badan diiradda lagu saaraa sidii loo horumarin lahaa danaha iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Africa.

 

    

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dhacay.

 

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka ee muddada 2025 illaa 2030.

Shirkan oo labo maalmood socon doona ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii si wadajir ah loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka oo si aamusnaan ah bulshada u saameeya.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiilo ka socdey dowlad-goboleedyada dalka, madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha dalka, isbitaallada, iyo sidoo kale, waxaa shirka si firfircoon uga qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ugu horreeyaan WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Khudbaddii furitaanka Wasiirka ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in cudurkan la helo qorshe qaran oo mideysan oo lagu yareyn karo faafitaankiisa, waxa uuna xusay in cudurka Cagaarshowga yahay mid si qarsoodi ah ugu faafa bulshada, islamarkaana sababa dhibaato caafimaad iyo dhaqaale, wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahan uu noqonayo mid salka u dhigi doona dadaallada Wasaaradda ee la xiriira yareynta cudurrada faafa, isagoo tilmaamay in la doonayo in la helo hannaan dhammaan hay’adaha ay ka go’an tahay ay ku midoobaan.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in si wadareed loo helo talooyin, aragtiyo iyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu hagayo qorshaha cusub ee dalka uu qaadanayo si looga hortago cudurka Cagaarshowga, waxaa la isweydaarsanayaa inta uu socdo Shirka xogaha la xiriira xaaladda cudurka ee dalka, caqabadaha taagan, iyo sida ugu habboon ee bulshooyinka looga wacyigelin karo halista cudurka, sidoo kale waxaa la falanqeyn doonaa kaalinta ay yeelan doonaan dhammaan qeybaha aan dowliga aheyn.

Wakiilada ka socday WHO iyo African CDC oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka dadweynaha, waxa ayna ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada farsamo iyo midda cilmiyeed ee la xiriirta la-dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee uu ka mid yahay Cagaarshowga, sidoo kale waxay soo bandhigeen xog caalami ah iyo waayo-aragnimooyin guuleystay oo dalal kale ka hirgalay, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta diyaarinta qorshaha Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa rajeynaysa in natiijada ka soo baxda shirkan ay horseedi doonto qorshe qaran oo miro-dhal ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka marka la gaaro sanadka 2030. Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada kala duwan inay gacan ka geystaan fulinta qorshahaan, si loo xaqiijiyo himilada ah helidda bulsho caafimaad qabta oo u adkaysata cudurrada faafa.

    

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Screenshot

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa ilaa $5 milyan oo doolar si loo helo macluumaad ku saabsan Abdikadir Mohamed Abdikadir, oo sidoo kale loo yaqaanno Ikrima, iyo shaqsi kasta oo ka Masʼuul ah weerarradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda sanadkii 2010-kii.

Sida ay qortay Waaxda Cadaaladda dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegayin 11-kii Luulyo, 2010-kii, Argagixisada Al-Shabab ayaa weeraro Ismiidaamin ah ka fulisay laba goobood oo ku yaalla caasimadda Uganda ee magaalada Kambala, intii ay socdeen baaritaanno ku saabsan finalka koobka adduunka, halkaasi oo ay ku dhinteen 76 qof oo uu ku jiro Nin u dhashay dalka Marayka.

Duqeymahan ayaa ahaa weerarradii ugu horreeyay ee waaweyn oo ay Al-Shabab ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya, iyadoo Qaraxii ugu horreeyay ee ismiidaamin ah ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo. Maqaayad Itoobiyaan ah oo ku taal xaafadda Kabalagala, kadibna, qof labaad oo is qarxiyay iyo walxaha qarxa ayaa qarxay abaare 11:20 habeenimo. naadiga rugby ee xaafadda Nakawa, sida la sheegay waxaa ka qeybqaatay Xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed.

Cabdiqaadir oo loo yaqaan Ikrima ayaa kaalin muuqata ka qaatay qorsheynta iyo hagidda weerarradii Kampala. Ikrima waxa uu helay warbixino ilaalo ah oo ku saabsan meelo kala duwan oo Kampala ah iyo xybno kale, iyada oo madaxda kale ee Al-Shabaab, ay go’aansadeen in ay weeraraan Baararka dibadda ee loo arkay in ay yihiin bartilmaameedyo jilicsan. Ikrima waxa uu tababaray oo hagay hawl-wadeenada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa is-qarxiyay, waxa uuna fududeeyay qaadista jaakadaha ismiidaaminta ah ee loo adeegsado weerarada.

Al-Shabaab, oo ah maamulaha ugu sarreeya Al-Qaacida ee Bariga Afrika, ayaa mas’uul ka ah weerarro Argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya, iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Al-Shabaab u magacawday ama u aqoonsatay ‘Urur Argagixiso Shisheeye’ (FTO) iyo ‘Argagixiso Caalamiga ah ee Gaarka ah’ (SDGT) bishii Maarso 2008-dii. Bishii Abriil 2010-kii, Al-Shabaab waxaa sidoo kale u aqoonsaday UNSC cunaqabateynta Soomaaliya.

Ciddii keenta macluumadka Ikrama waxay heleysaa Abaalmarin gaareysa 5 Malyan oo doolarka Maraykanka ah.

Haddaba haddii aad heyso wax macluumaad ah ama xog ku saabsan weeraradaasi, Ikram, ama Shaqsiyaad kale oo ku lug lahaa Qaraxyadaasi ha la xariiraan signalka Telegraamka ama Whatsapp-ka ama Khadka Fariimaha. haddii aad macluumaadka aad keento waxaad ku heli kartaa Abaalmarin iyo dib u dejin.

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Laascaanood oo shirweynaha dhameystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo uu ka socdo ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka uu matalo.

Kulanka ayaa looga arrinsaday ahmiyadda ka qaybgalka iyo xoojinta dedaallada Dowladda ee ku aaddan dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Laascaanood(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shalay magaalada Laascaanood ka furtay shirweynaha Dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhameystirka maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo wakiill uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Arrimaha dhameystirka dowlad-goboleedkan cusub ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada SSC ay qaadtey go’aanka aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.”

Wasiir Cali Xoosh ayaa isagoo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Sido kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka isagoo yiri”Isimada dhaqanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa doorkooda, waxaanan ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan hoggaaminta nabadda iyo
guusha shirweynaha.”

Wasiir Xoosh ayaa baaq u diray bulshada SSC, isagoo yiri ”Waxaan baaq iyo dardaaran u dirayaa dhammaan qeybaha bulshada sida; isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan dowladnimadda iyo horumarka.

Dhamaan, Siyaasiinta, waxgaradka iyo Ergada ka soo qeyb-gashay shirweynahan ee munaasabadda furitaanka ka hadashay ayaa is-dul-istaagay ahmiyadda shirweynahan lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, kuwaas oo sheegay in qeyb wayn uu ka qaadan doono dowlad dhiska casriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horseedeya wadajirka dhuleed Soomaaliya.

Hirgelinta dowlad-goboleedka SSC Khaatumo ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkaynta wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Dowladda Federaalka lagu bogaadiyey dadaallada ku aadan nidaam u sameynta gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo taariikh facayn ku leh gayiga Dalka.

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday safaaradaha dalalka Carabta ee fadhigooda yahay dalka Kenya, kuwaas oo booqasho shaqo ku tagay Gobolka Ismaamulka ee degaanka Lamu. Gobolkan ayaa ah mid ku teedsan xuduudaha dalkeenna Soomaaliya.

Safarkan ayaa ah mid ay Danjireyaasha uga Jawaabayeen martiqaad uu u fidiyay Guddoomiyaha Gobolka Lamu Mudane Ciisa Cabdalla Timamy. Gobolka Lamu ayaa ah mid ay ku nool-yihiin dad badan oo Soomaali ah ganacsi badana ku leh halkaas.

Safarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dhiirigalinta maalgashiga gobolka iyo taakuleynya Mashaariicda horumarineed ee ka socoto gobolka.

Danjire Jibriil Ibraahim ayaa intii uu ku sugnaa gobolka waxa uu shirar gaar gaar ah oo ugu kuur-galayay nolosha dadka Soomaalida la qaatay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Lamu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaaweyay booqashada Danjiraha, waxaana lagu balamay in safar gaar ah oo ay safaaradda Soomaaliya ku soo booqoto gobolka Lamu.

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Nageria, Muhammadu Buhari.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri:

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Madaxweynaha Nigeria H.E. Bola Ahmed Tinubu, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Nigeria, geeridii ku timid Madaxweynihii hore Muhammadu Buhari. Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo iyo u heelnaanta dalka iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta shacabka iyo dowladda Nigeria, xilligan murugada iyo tiiraanyada leh”

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa maalmahan xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah.

Allah unaxariiste Madaxweynihii hore Nigeria waxa uu dalkaa oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, xukumayay muddo 8 sano ah, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta, la dagaallanka musuqmaasuqa

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo wakiil ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay xiritaanka Shirweynihii Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Malabo.

Shirkan heerkiisu sarreeyo ayaa isu keenay madaxda Midowga Afrika, Ururrada Dhaqaalaha Goboleedyada (RECs), iyo dowladaha xubnaha ka ah Midowga, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed iyo dadaallada lagu hirgelinayo himilooyinka Qaaradda Afrika.

Waftiga Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Wasiirku wuxuu si cad u adkeeyey muhiimadda mas’uuliyadda wadajirka ah, nabadda waarta, iyo is-dhexgalka goboleed ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxay markale muujisay go’aankeeda ku aaddan taageeridda yoolalka Ajandaha 2063 iyo u doodista caddaalad, karaamo, iyo sinnaanta dhammaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa asal ahaan Afrikaan ah.

Shirweynaha Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo ka furmay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka gurney Shirwaynaha dhammeysttirka Dowlad Gobolleedka SSC-Khaatumo.

Shirweynaha waxaa ka soo qeyb galay  guddoomiye ku-xigeenka golaha Aqalka sare Sen. Cabdullaahi Timacadde, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Yusuf Ali Xoosh, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane C/qaadir Firdhiye,Wasiirro ka tirsan & xildhibaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka Dhaqanka SSC-Khaatumo, Ergooyinka ka socda SSC-Khaatumo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shirka ayaa muddada uu socdo waxaa looga tashanayaa ayaaha iyo dhammeystirka Dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.