Sanad guurada 9-aad ee afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga sanadkii 2016.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Xarunta Aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu daahfuray Iskuulka Luuqadda Turkiga oo si rasmi ah loogu kordhiyay xarunta, si kor loogu qaado xirfadda luuqadeed ee ciidamada, loona xoojiyo xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiir Fartaag ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku ammaanay doorka dowladda Turkiga ee taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga. Waxa uu intaas ku daray in iskuulkan cusub uu fursad weyn u yahay ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u bartaan luuqadda Turkiga, taasoo sare u qaadi doonta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka Caddaaladda oo maanta ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya adeegyada caddaaladda iyo caafimaadka, kaas oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda Palermo ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mashruucan oo socon doona muddo saddex sano, ayaa lagu siinayaa tababbaro shaqaalaha ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda Caafimaadka, si loo tayeyo adeegyada ay bulshada u fidiyaan.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in mashruucani uu caddeyn u yahay dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada dadweynaha, isla markaana uu xoojinayo iskaashiga waxbarasho ee caalamiga ah si loo dhiso hay’ado hufan oo bulshada si siman ugu adeega.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Swizerland u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, Talaado 15 Luulyo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran xaqiijisay iyo sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay gaarto horumar la taaban karo, oo ay hormuud u tahay doorashooyinka dadweynaha talada loogu celinayo .
Dhankiisa Mr. Giulietti, ayaa sheegay in dowladda Switzerland ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo
horumarinta.

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada 34‑aad ee xubnaha siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee Bariga Afrika (EASF), iyada oo ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan muhiimka ah .

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa daahfuray wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya , Cumar Cali Cabdi.

Kulankaan ayaa soconaya 15-19 Luulyo 2025, waxaa sanadkan kulanka guddoominaysa madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo qabanaysa xilka guddoomiyaha ee EASF .

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo istiraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda, amniga iyo iskaashiga dhanka ciidamada, booliiska iyo qaybaha rayidka, iyada oo loo eegayo dhacdooyinka amni ee ka jira gobolka Bariga Afrika.

Soomaaliya oo martigalisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada 34‑aad ee xubnaha siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee Bariga Afrika (EASF), iyada oo ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan muhiimka ah .

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa daahfuray wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya , Cumar Cali Cabdi.

Kulankaan ayaa soconaya 15 Luulyo illaa 19 Luulyo 2025, waxaa sanadkan kulanka guddoominaysa madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo qabanaysa xilka guddoomiyaha ee EASF .

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo istiraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda, amniga iyo iskaashiga dhanka ciidamada, booliiska iyo qaybaha rayidka, iyada oo loo eegayo dhacdooyinka amni ee ka jira gobolka Bariga Afrika.

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Md. Cabdullaahi Al-cutaybi oo booqasho sharafeed ku yimid Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Caasimadda ayaa soo-dhawayn ka dib waxa uu Danjiraha Jaamacadda Carabta la wadaagay dadaallada baaxadda weyn ee ay dowladda hoose ka waddo Caasimadda, kuwaas oo isugu jira dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta, hagaajinta kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, bullaacadaha iyo biyo-mareennada, iyo weliba horumarinta arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku amaanay Jaamacadda Carabta kaalinta soojireenka ah ee ay ka qaateen taageeridda shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee la soo maray, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo xiriirkaas taariikhiga ah, loogana faa’ideysto dhinacyada muhiimka ah marxaladdan uu dalku soo-kabashada ku jiro.

Danjire Al-cutaybi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo-dhawaynta wanaagsan ee kala kulmay Duqa Caasimadda Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in Jaamacadda Carabtu ay ku dadaalayso sidii ay Soomaaliya, dal iyo shacabba uga taageeri lahayd dhinacyada kordhinta aqoonta iyo karaan-dhiska dhallinyarada Soomaaliyeed, xoojinta kaalinta luuqadda Carabiga, iyo arrimaha kale ee la xiriira dawlad-dhiska iyo xaqiijinta isku-filnaanta heer qaran ee Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ayaa xiray Askari jirdilay gabar Soomaaliyeed

Hay’adaha ammaanka ayaa soo xiray Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari loo heysto in uu jir-dil u geystay gabar Soomaaliyeed, falkaas oo si cad uga soo horjeeda sharciga iyo anshaxa ciidanka.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in lasoo xiray eedeysanaha, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda awooddda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Charles King, Kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.

Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda kala guurka amniga Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u qiimeeyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Ingiriisku ku leedahay taageerada Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelay hawlgalkii ATMIS.

Waxaa la isla qaatay in ay muhiim tahay in UK ay sii waddo taageeridda ciidamada nabad ilaalinta, si ay uga qeyb qaataan la-dagaallanka Al-Shabaab iyo xoojinta xasilloonida guud.

Kulankan waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, kaas oo muujinaya sida Soomaaliya iyo UK uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta.

   

Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ugu horeyn si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kadib waxay booqdeen Xarunta Golaha Murtida iyo Madaddaalada, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa sii diiran u soo dhoweeyay Hoballada Qaranka ee Waaberi, oo uu horkacayay Maareeye Ku-Xigeenka ahna Ku-Simaha Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada Qaranka Mudane Maki Xaaji Banaadir.

Booqashada Xarunta Tiyaatarka ayaa la xiriirtay qorshe la doonayo in dib u habeen casri ah lagu sameeyo xaruntan oo udub dhexaad u ah horumarinta suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada.

Intii ay booqashadu socotay, Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen, iyo ciyaaro dhaqameed.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee Shiinaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirku waxa uu xusay in sanadkan la xusayo 65 sano oo xiriir saaxiibtinimo ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna yiri:

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii. Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta.”

‘’Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jiray’’ ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka Shiinaha danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo China oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee labada Madaxweyne ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Wasiirka waxa kulanka iyo booqashada ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Mudane Maxamedkafi Sheekh Abukar.

      

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulanka maanta uga wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.