Wasiirka maaliyadda XFS oo billad sharaf la guddoonsiiyay

Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa xalay munaasabad ballaaran waxa ay ku maamuuseen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo dhawaan ku guulaystay billadda Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025-ka.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah goleyaasha dowladda, ururada bulshada rayidka, aqoonyahano iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda sida Wasiiru dowlaha wasaaradda Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo wasiir Ku xigeenka wasaaradda mudne Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Munaasabadda ayaa intii ay socoday waxaa sidoo kale bilad-sharaf lagu guddoonsiiyay wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer ugu mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee cashuur bixiye-yaasha ah iyo ganacsatada had iyo jeer u taagan ka qeyb qaadashada dib-u-dhiska dalkooda.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa ugu dambayn halkaasi lagu guddoomsiiyay billad sharaf qaali ah, maaddaama loo aqoonsaday dhowaan wasiir maaliyadeedka ugu wanaagsan Afrika.

Wafdi ka socda wasaaradda hawlaha guud oo shir uga qaybgalay Algeria

Algers: Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Wasiir Xayd iyo wafdigiisa waxay shirkan ku metelayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeyb qaadan doona wada-tashiyo muhiim ah oo la xiriira ajandayaasha shirka.

Inta uu socdo shirku, oo ah muddo afar maalmood ah, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo ay kamid yihiin: sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika, iyo sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya kamid tahay, shanta sano ee soo socota.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran waxaa u soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Howlaha Guud ee Dalka Aljeeriya Iyo Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

 

  

Wasaaradda isgaarsiinta oo ka qaybgashay shirka 48-aad ee Arabsat

Agaasimaha qaybta hawada sare iyo Dayax-gacmeedyada ee Soomaaliya mudane Maxamed Abuubakar oo matalayey wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa ka qeyb galay kulanka 48-aad ee Arabsat oo si fogaan-arag ah lagu qabtay 15-kii Luulyo 2025.

Shirka waxaa lagu ansixiyay warbixinta sanadlaha ah ee miisaaniyadda xisaab-xirka sannadkii 2024, iyo doorashada xubnaha cusub ee golaha Maamulka, kuwaas oo shaqeyn doona sannadaha 2025 iyo 2026.

Sidoo kale, dowladaha xubnaha ka ah ururka ayaa lagu wargeliyay in si rasmi ah loogu soo diri doono faahfaahinta deymaha saaran dal kasta, si loo xaqiijiyo in xaaladaha maaliyadeed la waafajiyo, loona ilaaliyo xasilloonida hay’adda iyo sii wadista adeegyada si hufan.

Waxaa kale oo la isla gartay in Shirka Sanadlaha ah ee sannadka 2026 lagu qabto magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah xarunta ARABSAT.

Sanadkaas 2026 waxaa sidoo kale loo dabaal-degi doonaa 50 sano guurada aasaaska ururka ARABSAT.

Xubnaha Golaha Maamulka ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee ARABSAT sannadaha 2024 iyo 2025.

Agaasimaha Qeybta Hawada Sare, Mudane Maxamed Abuubakar, ayaa khudbad ka jeediyay shirka, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta hawada sare ee Carabta.

Ka qeybgalka shirkan wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee ku aaddan xoojinta xiriirka Carabta iyo horumarinta teknoolojiyadda hawada sare.

Shirka waxaa si rasmi ah uga qeyb galay Agaasimaha Qeybta Hawada Sare iyo Dayax-gacmeedyada, Mudane Maxamed Abuubakar, iyo xubnaha Abuubakar Xasan iyo Cali Afey.

 

Wasaaradda beeraha oo xoogga saaraysa beerashada casriga ah

Ku dhawaad 50 arday oo ka qaybgalaya Barnaamijka Tababarka Internet of Things (IoT) ee Beerashada Casriga ah ayaa booqasho waxbarasho ku yimid beeraha tijaabada ah ee ku dhex yaala xarunta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Booqashadan oo si hufan loo agaasimay ayaa qayb ka ah dadaalada lagu kobcinaayo aqoonta iyo hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaataan horumarinta nidaamka beeraha dalka, inta ay socotay booqashada, ardayda ayaa kormeer ku sameeyeen qeybo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

– Beeraha Guryaha Dadan (Greenhouses)

– Nidaamyada Hydroponics ee aan ciidda ku salaysnayn

– Goobaha tijaabada abuurka kala duwan

– Nidaamka waraabka dhibicda (Drip Irrigation)

– Qalabka saadaasha cimilada iyo xog ururinta ee wasaaradda

Ujeedada booqashadan ayaa ahayd in lagu dhiirigeliyo maskaxda hal-abuurka ee ardayda si ay ugu fikiraan una horumariyaan xalal casri ah oo ku saleysan teknolojiyadda IoT, kuwaas oo lagu horumarin karo wax soosaarka iyo waxtarka beeraha Soomaaliyeed.

   

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Ingiriiska

Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King, safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Ingiriiska.

Kulanka ayaa lagu lafaguray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhanka amniga, tababarada iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiir Fiqi iyo Danjire Charles ayaa si qoto dheer uga wadahadlay sidii iskaashiga labada dal uu gacan uga geysan lahaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga, la dagaalanka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha la xiriira taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  

Soomaaliya iyo QM oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo isbeddelka dijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday UNDP, oo uu horkacayay Mr. Lionel Laurens – Wakiilka Joogtada ah ee UNDP ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hay’addoodu inay xoojiso taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Isgaarsiinta, oo uu ku tilmaamay hay’ad hormuud u ah isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

Wasiir Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskani yahay mid muhiim ah oo xoojinaya iskaashiga labada dhinac, ayna ka tarjumayso aragtida wadajirka ah ee Soomaaliya horumarsan oo dijitaal ah.

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay UNDP iyo Xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay dadaalkooda joogtada ah ee ku wajahan horumarinta dowladnimada casriga ah.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay xilliga la bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi lahaa, khayraadka dalkeenna ee badda iyo berriga dalkeennu uu hodanka ku yahay.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in sannadkan gudihiisa ay ka shaqaynayso dowladda Soomaaliya in la qodo khayraadka berriga, kaas oo manaafacaad fara badan u leh guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, wadankana u horseedi doonta inuu mid barwaaqo ah.

“Sanadkaan inta uusan dhammaan waxaa la bilaabi doonaa qodista ceelasha shidaalka, taas oo keeni doonta in Soomaaliya ay noqoto dal loo soo shaqo tago.”, ayaa uu yidhi Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, mar uu ka hadlayay arrintaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo muqdisho ku yeeshay kulan muhiim ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka sanadlaha ah ee Guddiga Sare ee Hogaaminta Wadajirka ah (JSC), si dib loogu eego hirgelinta Qorshaha Iskaashiga Qaramada Midoobay (2021–2025), looguna gogol xaaro iskaashiga sanadaha xiga.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo si wadajir ah ay u shir-guddoomiyeen Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay natiijooyinka la gaaray barnaamijyada Qaramada Midoobay sannadkii 2024, qorshaha mudnaanta leh ee 2025, iyo talooyinka qiimeynta Qorshaha Iskaashiga. Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday jihada Qorshaha cusub ee 2026-2030, oo ay ka mid yihiin maamul wanaag, horumar dhaqaale, adeegyada bulshada, iyo u-adkeysiga cimilada.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad lagu meel mariyay tallaabooyin lagu hormarinayo sanadka 2025 iyo ballanqaad ah in dib la isugu yimaado dhammaadka sanadka si loo qiimeeyo horumarka iyo wada-jirka istiraatiijiyadeed ee mustaqbalka.

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in dowladda Federaalka ay ka xuntahay dhacdadii nasiib daradda ahayd ee ka dhacday degmada Dhahar ee gobalka Sanaag.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri” Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay dhacdadda nasiib darrada ah ee ka dhacday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag”.

Wasaaraddu waxay tacsi u direysaa muwaadiniinta halkaas ku geeriyooday waxeyna alle uga baryeysa caafimaad taam ah intii ku dhaawacantay.

Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa daganaan iyo xasillooni.

Wasaaraddu, waxay si xushmad leh uga codsanaysaa Isimada dhaqanka, culimada iyo waxgaradku in ay u istaagaan xakameynta iyo soo afmeerista xiisadda Dhahar lagana hortago dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda isla markaana uu dib u celiyo ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talo galay in ay Khawaarijta ladagaalamaan balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan wax tar lahayn.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-udhiska iyo Guriyeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud-Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Wasiir Xeyd iyo wafdigiisa ayaa shirkan ku matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeybqaadan doona wada-tashiyada muhiimka ah ee ajandayaasha shirka.

Muddada afar maalmood ee uu shirka soconayo, waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo la xiriira sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika iyo sidii wadashaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo inta badan dalalka Afrika, oo Soomaaliya ay kamid tahay, shanta sano ee soo socota.