Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee dalka Aljeeriya.

Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si si diirran ugu soo dhaweeyay xubno uu horkacayo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Labada dhinac ayaa kulankaasi booqashada ah kadib halkaasi uga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka dibolomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka caalamka iyo horumarka ballaaran ee ka socda gudaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Cabdisalaan Xasan (Dhaay), ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Aljeeriya, si uu xarigga uga jaro safaaraddaasi oo dhowaan laga hirgaliyay Dalka Aljeria.

Shirka wasiiradda isbeddelka Cimilada ee Afrika oo Nairobi lagu soo gabo gabeeyey

Shirka wasiiradda isbeddelka Cimilada ee Afrika oo Nairobi lagu soo gabo gabeeyey,Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hogaamiyay Wasiirka Deeganka iyo Isbadalka Cimilida, Mudane Bashiir Maxamed Jamac (Bashiir Goobe).

Shirkan oo ay soo qqban qqqbisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo isla markaana ah wakiilka joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Hay’adda Cimilada ee Qaramada Midoobay oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNEP.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle iyo Diplomasiyiinta Safaaradda ayaa mudo dhowr bilood ah qayb ka ahaa abaabulka shirkan oo labadii sanno ba mar la qabto. Shirkii aan caadiga ahayn ee sanadkii hore lagu qabtay Magaaladan Abidjan ee dalka Ivory-coast ayaa ku soo aaday iyada oo safiirka Soomaaliya ee Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ahaa gudoomiyaha Wakiilada joogta ah ama safaaradaha Africa kaas oo wadada u sii xaaray doorka muhimka ah oo ay Soomaaliya ka qaaday Shirkan sanadkaan.

Iyadoo dunidu ay la daalaa dhacayso xasaradaha cimilada ee sii xumaanaya, ayaa dalka Soomaaliya waxa uu safka hore kaga jiraa la dagaalanka xaaladaha keena isbadalka Cimilada.

Soomaaliya ayaa sanadkan kaalin muhim ah ka qaadatay shirka wasiirada deegaanka it cimilada ee Afrika. Wasiirka Bashir oo kaalmeysana diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa si hufan uga qaybgalay shirkaas, guulo wax ku-ool ahna ka soo hooyay.

Wafdiga Soomaaliya uga qayb galay ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha deegaanka. Ka qaybgalka firfircoon ee Dowlada Soomaaliya ayaa fariin cad u dirtay caalamka in Soomaaliya u heellan tahay la dagaalanka caalamiga ah ee ka dhanka ah isbeddelka cimilada, waxayna si hagar la’aan ah uga shaqaynaysaa ilaalinta dhulkeenna, kheyraadkeenna.

Shirka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo galay maalintii saddexaad

Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) ayaa galay maantii sedexaad iyada oo uu furmay Kalfadhiga Heerka Sare ee Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca EASF.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana guddoominayay Sarreeye Guuto Madey Nurey Sheikh, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyeyaasha sare ee ciidamada waddamada xubnaha ka ah EASF ayaa isugu yimid si ay uga wadahadlaan iskaashiga difaaca ee gobolka, diyaargarowga hawlgallad, iyo qorsheynta istiraatiijiyadeed.

Agaasimaha EASF, S/Guuto Paul Kahuria Njema, ayaa soo bandhigay Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee EASF ee 2026–2030. Natiijooyinka ka soo baxa kulanka Taliyeyaasha ayaa saldhig u noqon doona doodaha Shirka Golaha Wasiirrada ee dhici doona dhammaadka toddobaadkan.

Wafdiyada ka socda waddamada xubnaha ah ayaa bogaadiyay martigelinta Soomaaliya ee shirkan, iyagoo ku tilmaamay astaan mideyneysa gobolka iyo muujin qurxoon oo ka tarjumeysa xasilloonida sii kordheysa ee dalka.

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah (Media Satellite Teleport)

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay ee warbaahinta (Media Satellite Teleport), oo qeyb ka qaadanaya horumarinta isgaarsiinta iyo tebinta casriga ah ee warbaahinta dalka.

Xaruntan cusub ee casriga ah ee ku shaqeysa nidaamka digitalka ayaa u saamixi doonta Warbaahinta Qaranka baahinta tooska ah ee barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta, iyadoo la adeegsanaysa dayax-gacmeedyo gaar ah, taasi oo looga maarmi doono in adeegyadaasi loo maro dalalka dibedda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xaruntan cusub ay sidoo kale siyaabo kala duwan oo amniga ay ka mid tahay u isticmaali karaan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay hirgelinta War-laliskan casriga ah ee (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in mashruucan cusub ee dhaqan galey uu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo dhismaha kaabayaasha casriga ah ee warbaahinta, digital-ka, horumarka tiknoolojiyadda la xiriira iyo weliba abuurista fursado shaqo.

Soomaaliya waxay lahaan jirtey Teleport Analogue ah oo hoos imaan jiray war laliskii hore ee dalka oo dagaallada sokeeye ku burburay 34 sanno ka hor.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 q𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 k𝐚 h𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 x𝐚𝐤𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐡𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐞𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay shir-wadatashi heer qaran ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay diyaarinta Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga (Hepatitis) ee sanadaha 2025 illaa 2030.

Shirkan ayaa fursad u noqday in la isugu keeno khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiillo ka socday dowlad-goboleedyada dalka, madaxda qeybo muhiim ah oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha iyo isbitaallada dalka, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid yihiin WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Intii uu socday shirka, ka qeybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen sida si wadajir ah loo dejin karo qorshe qaran oo wax-ku-ool ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga oo kamid ah cudurrada si aamusnaan ah u faafa, kana mid ah halista ugu weyn ee caafimaadka dadweynaha.

Waxaa la isdhaafsaday xogaha xaaladda cudurka ee dalka, la falanqeeyay caqabadaha jira, iyo talooyinka la xiriira wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale, shirka waxa uu si gaar ah u iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee ay leeyihiin qeybaha aan dowliga ahayn, sida jaamacadaha, isbitaallada gaarka loo leeyahay, ururada caafimaadka iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo door weyn ku leh hirgelinta qorshahan marka la bilaabo.

Wakiillada ka socday hay’adaha caalamiga ah ee WHO iyo African CDC ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka bulshada, waxayna xuseen in cudurka Cagaarshowga yahay mid u baahan feejignaan joogto ah iyo taageero isku dhaf ah.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay si buuxda u garab istaagi doonaan Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo bixinaya taageero farsamo, cilmiyeed, iyo waayo-aragnimooyin caalami ah oo dalka anfici kara.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Rome- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa safar shaqo ku Jooga Dalka Talyaaniga.

Wafdiga Ciidanka XDS ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidan ee Dalka Talyaaniga, waxaana ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dalka Talyaaniga Jeneraal Luciano Portolano iyo saraakiil kale.

Taliye Odawaa ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Talyaaniga iyo saraakiisha kale ee taliskiisa, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta Ciidmaada labada dal.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 a𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 h𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 i𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 s𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka ayaa lagu meel mariyay heshiis si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta shaqo la’aanta iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.

Heshiiskan ayaa markii hore ay labada wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin.

Ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo la’aanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐠𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝 𝐮 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 g𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐰𝐝𝐚𝐥

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, ayaa ka hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Waxaa warbixin ku saabsan saameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hey’adda Sodma, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey kulanka golaha, ayaa faray hey’adaha Xukuumadda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS ugu hambalyeeyay in uu ku guuleystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taasi oo ka tarjumaysa horumarka uu dalkeennu ka gaaray hannaanka dib-u-habeynta maamulka maaliyadda.

Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay in ay dalka ka hirgaliso Warlalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaas oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuna saabsan iskaashiga shaqada, shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shbaeellada hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 144-aad ee ka tirsan Guutada October, ayaa maanta guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkaas ayaa lagu burburiyay bar koontarool oo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen halkaas, oo ay u adeegsan jireen inay ku dhibaateeyeen dadka deegaanka ah.

Howlgalka oo si hufan loo fuliyay ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Ururka 144-aad Mahad Cali Nuur Raage.

Ciidanka Qaranka ayaa si geesinimo leh u burburiyay fariisinka cadowga ay ku lahaayeen halkaas.

Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa howlgalka Degaanka Busleey, Ciidamada ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin Difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Wasiirka maaliyadda XFS oo billad sharaf la guddoonsiiyay

Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa xalay munaasabad ballaaran waxa ay ku maamuuseen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo dhawaan ku guulaystay billadda Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025-ka.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah goleyaasha dowladda, ururada bulshada rayidka, aqoonyahano iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda sida Wasiiru dowlaha wasaaradda Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo wasiir Ku xigeenka wasaaradda mudne Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Munaasabadda ayaa intii ay socoday waxaa sidoo kale bilad-sharaf lagu guddoonsiiyay wasiirka maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer ugu mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee cashuur bixiye-yaasha ah iyo ganacsatada had iyo jeer u taagan ka qeyb qaadashada dib-u-dhiska dalkooda.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa ugu dambayn halkaasi lagu guddoomsiiyay billad sharaf qaali ah, maaddaama loo aqoonsaday dhowaan wasiir maaliyadeedka ugu wanaagsan Afrika.