Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxa uuna uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamicadda Carabta wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in ay dalkeenna imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamicadda Carabta kuwaas oo dalka ka hirgalin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamicadda Carabta.

 

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Afrikada Bari oo Mogadishu ka socda

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo Maalintii shanaad ka socda Mogadishu.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas aasay ururka, isagoo u mahadceliyay dalalka Soomaaliya ka taageera adkeynta amniga gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Nigeria, Major General Muhammadu Buhari oo ku geeriyooday London.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku hawlan tahay sidii loo qodi lahaa khayraadka badda iyo berriga ee dalkeennu uu hodanka ku yahay.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi,iyagoo ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal.

6- Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa ka hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.

7- Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ku guulaysatay in ay dalka ka hirgaliso War-Lalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

8- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan DFS ayaa ka qeyb galay furitaanka shirweynaha dhameystirka SSC-Khaatumo oo ka socda magaalada Laas Caanood ee xarunta Gobolka Sool.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay safiirka Boqortooyadda Britain u fadhiya Soomaaliya, Amb. Charles Nicholas King,iyagoo ka wadahadlay iskaashiga dhanka amniga, tababarada iyo la dagaallanka argagixisada.

10- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa ah kulan la qaatay mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC,iyadoo dood laga yeeshay dhameystirka maamulka Goboleedka SSC-Khaatumo.
11- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallim iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

12- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa lagu sheegay in dowladda ka xun tahay dhacdadii ee ka dhacday degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

13- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ka qeyb galey munaasabad lagu xusayey sannad-guuradii 9-aad ee afgambigii dhicisoobay ee dowladda Turkiga .

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qaybgalay daahfurka mashruuc lagu horumarinayo xirfadaha shaqaalaha dowladda ee qaabilsan adeegyada Cafiimaadka iyo Cadaaladda, oo ay fulinayaan Jaamacadda Palermo ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

15- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd ayaa ka qeybgalay Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika oo ka dhacay magaalada Algiers ee dalka Algeria.

16- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka sanadlaha ah ee Guddiga Sare ee Hoggaaminta Wadajirka ah (JSC), si dib loogu eego hirgelinta Qorshaha Iskaashiga Qaramada Midoobay (2021–2025)

17- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Britain u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

18- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Algeria, Amb. Yusuf Axmed Xasan ayaa la yeeshay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria Prof. Kamel Badaari.

19- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa iska diiwaan gelisay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir si ay u qaadato kaarka codbixinta doorashada dadweynaha oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo dalka.

20- Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), kaas oo markii ugu horreeysay ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

===========DHAMMAAD==========

Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno Khawaarij ah

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen baadiyaha deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, ku khaarijiyey horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta.

Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay, ayaa lagu beegsaday xubno Khawaarij ah oo sida la xaqiijiyay ku howlanaa aruurinta hantida shacabka Soomaaliyeed, iyagoo si khasab ah uga qaadan jiray waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka oo ah baada Shacabka ay kaqaadaan.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay, weerarka waxaa lagu dilay ilaa 7 khawaarij ah oo ay ku jiraan xubno muhiim ah oo door weyn ku lahaa dhaqaale uruurinta kooxda, kuwaas oo shacabka deegaanka ku cabburin jiray, kuna hayay baad iyo handadaad joogto ah.

Wasiir dowlaha Gaashaandhigga XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyey wasiirka Gashaandhiga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Komoros, Mudane Youssoufa Mohamed Ali oo Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Wasiir Youssoufa Mohamed Ali, oo ka mid ah Madaxda Sare iyo Taliyeyaasha Ciidamada dalalka xubnaha ka ah EASF ee ka qaybgalaya shirkan, ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee loo fidiyay.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in ka qaybgalka wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka xubnaha ka ah EASF uu yahay caddayn muuqata oo ku aaddan sida ay uga go’an tahay waddamada gobolka inay si buuxda isaga kaashadaan xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo difaaca guud ee Afrikada Bari.

Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah u leh amniga gobolka, ayaa lagu wadaa in lagu gorfayn doono qorshayaal iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo awoodda ciidamada EASF iyo ka jawaabista caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Shirka Dib-u-eegista iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Abababa

Addis ababa:-Shirka dib-u-eegista dhexe ee guddiga farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka fulinta heshiisyadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada ee Wadajirka ah ee ka dhacay Muqdisho ayaa saakay ka furmay Hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, ayaa diiradda saaraya Kordhinta iskaashiga labada shacab, Kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, Xoojinta waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga Sugidda amniga iyo wadajirka gobolka.

Mudane Mohamed Issac Fatiir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ka hadlay shirka ayaa xusay in wada-hadalladu ay xooga saari doonaan xoojinta xiriirka dadweynaha labada dal, iyadoo la eegi doono arrimaha amniga, horumarka, iyo riyooyinka ay wadaagaan labada shacab si loo xoojiyo iskaashiga.

Mudane Zerihun Abebe, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in shirkan uu gogol xaar u yahay sidii looga wada hadli lahaa arrimo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal. Waxa uu xusay in laga doodi doono fursadaha iskaashi ee cusub oo ay ka mid yihiin: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqaalaha iyo xirfadaha, iyo duulista rayidka.

Shirkan labda dhinaca ayaa diiradda saaraya iskaashiga Siyaasadda, Amniga, Ganacsiga, Dhaqanka, Dalxiiska, Warbaahinta. Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegga Hawada iyo Duulimaadyada.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Hawlgalka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM – Somalia), General Marco Manzone.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa taliyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo u rajeeyay guul iyo inuu sii xoojiyo iskaashiga dhanka tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Taliyaha xilka ka degay, General Giusseppe Zizzari, dadaalkii iyo hoggaamintii wanaagsanayd ee uu ku bixiyay muddadii uu xilka hayay, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Kaaraan oo lagu maamuusaayey ololaha isdiiwaangalinta ee doorashooyinka soo socda.

Wasiir Xagaa oo ka hadlay xafladdaasi ayaa ka waramay ahmiyadda ay isdiiwaangalintu u leedahay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in xil la isaga saaro dhameystirka waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in lagu soo gunaanado ololaha isdiiwaangalinta.

“In degmada Kaaraan uu ka socdo Olole doorasho waa guul, dadkana waxaan leeyahay is diiwaangeliya meel kasta oo aad joogtaan”sidaa waxaa yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Xuseen Muungaab oo isna ka hadlay xafladdaasi ayaa ayaa sheegay in ay xoojiyeen taageeridda Ololaha isdiiwaangalinta ee loogu talagalay doorashada qof iyo codka ah.

Doorka maamulka Gobolka waa Fududeynta goobaha isdiiwaangalinta shacabka ee loogu talagalay qabsoomidda doorashada iyo  wacyigalinta bulshada ee dhinaca cidda ay ku aaminayaan mustaqbalkooda”ayuu yiri Mudane Muungaab.

Sidoo kale xafladdaasi loo sameeyay ololaha isdiiwaangalinta waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas;uuliyiin kale.

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada. Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah. Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka. Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2 . Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:- 1.Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS. 2 Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga, sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan. 3. Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS. 4. Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya. 5. Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira. 6. Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada. 7. Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km. Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqday xarunta Tignoolajiyadda Shirkadda Bayraktar ee sameysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga, waxaana ku soo dhaweeyay xaruntasi madaxa shirkadda Selçuk Bayraktar, iyadoo Soomaaliya ay dhawaan heshay qaar ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddan sameyso ee AKINCI TB2 iyo kuwa kale oo haatanba ka howlgala dalka Soomaaliya, ayna gacanta ku hayaan ciidanka Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka.

Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2 .

Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:-

1.Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS.

2 Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga, sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan.

3. Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS.

4. Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya.

5. Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira.

6. Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada.

7. Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km.

Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqday xarunta Tignoolajiyadda Shirkadda Bayraktar ee sameysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga, waxaana  ku soo dhaweeyay xaruntasi madaxa shirkadda Selçuk Bayraktar, iyadoo  Soomaaliya ay dhawaan heshay qaar ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddan sameyso ee AKINCI TB2 iyo kuwa kale oo haatanba ka howlgala dalka Soomaaliya, ayna gacanta ku hayaan ciidanka Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso gudaha Dalka Suuriya,xilli uu maalinimadii shalay ka qeybgalay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Gardarrada joogtada ah ee Israa’iil waxay si toos ah u wiiqaysaa dadaallada dib-u-dhiska ee Suuriya”ayuu yidhi, isagoo xusay in “faragelinta iyo hadalada kicinta ah ee Israel ay khatar ku yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi.”

Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeyay ficillada Israel ee ka dhanka ah Suuriya,isagoo yiri “Weeraradan lala beegsaday Madaxtooyada Suuriya iyo Wasaaradda Difaaca waxay si cad u muujiyeen in Israa’iil aanay dani ugu jirin nabadda iyo xasilloonida Suuriya ama gobolka”.

Ahmet Yildiz waxa uu sheegay in hoggaanka Suuriya uu muujiyay sida ay uga go’an tahay sameynta kala-guur siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiin qaran,isagoo ku baaqay in dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay diidaan gardarrada Israa’iil

Ergayga ayaa soo jeediyay in taageero caalami ah la siiyo hoggaanka Suuriya oo muddo todobo bilood ah ku soo afjaray dagaaladii sokeeye ee ka jiray dalkaasi ,isagoo intaa raaciyay in dadka Suuriya ay waqtigaan heystaan fursad nabadeed iyo xasillooni.

Turkiye waxay dadaal dheer u galeen sidii dalkaasi loogu soo celin lahaa wadadii dowladnimo ee ka burburtay muddo laga joogo 14 sano,waxayna haatan taageeraan dadaallada nabadda, soo kabashada iyo dib u dhiska dalkaasi.