Shirweynaha Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo ka furmay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka gurney Shirwaynaha dhammeysttirka Dowlad Gobolleedka SSC-Khaatumo.

Shirweynaha waxaa ka soo qeyb galay  guddoomiye ku-xigeenka golaha Aqalka sare Sen. Cabdullaahi Timacadde, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Yusuf Ali Xoosh, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane C/qaadir Firdhiye,Wasiirro ka tirsan & xildhibaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka Dhaqanka SSC-Khaatumo, Ergooyinka ka socda SSC-Khaatumo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shirka ayaa muddada uu socdo waxaa looga tashanayaa ayaaha iyo dhammeystirka Dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

         

Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha cusub ee UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.
  

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INERPOL Joaquim RODRIGUES oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ee ladagaallanka denbiyada isaga gudba xudduudaha dalalka caalamka, xog-isweydaarsiga, tababarrada, baaritaanka dembiyada abaabulan, ladagaallanka argagixisada, denbiyada internetka ee (Cyber security), iyo sidii loo kordhin lahaa istcmaalka iARMS- keyboard raadraaca hub sharci-darrada ah, ballistic information Network- Xogta raadraaca Rasaasta iyo Firearm Reference Table- xog ururin lagu aqoonsado hubka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka Booliska Caalamiga ah iyo wadashaqeynta dhaw ee Dowladda Soomaaliya la leedahay Interpolka, taas oo kaalin weyn ka qaadatay yareynta danbiyada caalamiga ah, isla markaana kordhisa aqoon-kororsiga iyo xog-isdhaafiga ku saabsan dembiilayaasha caalamiga, isaga oo u ballan-qaaday xubnaha wafiga in ay sii dardargelin doonaan wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Interpol, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka xubnaha ka ah Booliska Caalamiga ah.

 

 

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Jowhar ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dadweynihii kale ee goobta codbixinta soo xaadiray ayaa isdiiwaangeliyay, taas oo muujineysa ifafaalaha wanaagsan ee loogu dareeri karo doorasho dadweyne.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wafdi sare oo ka kala socday Jaamacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyayaasha labada jaamacadood, Dr. Bashiir Maxamuud Cabdullaahi iyo Dr. Cabdirasaaq Takar.

Socdaalka wefdiga oo ujeedkiisu ahaa booqasho ku socota guud ahaan Bahda Garsoorka Dalka, ayaa si gaar aha maanta u soo gaaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saaray sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada ee cilmi-baarista sharciga, wacyigelinta bulshada, fursadaha iyo aqoon iswaydaarsiga bahda garsoorka iyo bahda tacliinta sare.

 

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay laga fuliyay Gobolka Hiiraan ku dilay dilay ilaa Toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalkaan oo ka dhacay tuulada Buulo-xoog ee deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah ,kaas oo sidday hub iyo maleeshiyaad kale.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan,isagoo ku sii jeeday deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka ayaa ku soo dhammaday si guul ah waxaa la xaqiijiyay in goobta uu ka dhacay brrgdiga cadowga lagu burburiyay  gaadiid, hub iyo maleeshiyaad.

Waxaa jira muuqaallo caddaymo ah oo ay qabatay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka,kuwaas oo dhowaan loo soo bandhigi doono bulshada.

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ciidanka ee ku jira cisbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddigaan oo isugu jiray Xildhibaanno,wasiirro iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ee Hirshabeelle ayaa booqday cisbitaalka Martiini,halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee la doonayo in lagu sifeeyo kooxaha khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

Guddoomiyaha Guddigaasi Maxamuud Xuseen Bile oo horkacayey xubnaha Horshabeelle ayaa ku baaqay in  Dowladda Federaalka ah ay gurmad caafimaad oo degdeg ah u fidiso illaa 3 ruux oo kamid ah ciidanka bukaanka ah ee ku jira cisbitaalkaasi.

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan.

Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday Degmada Maxaas,waxaa halkaasi lagu bixiyay lacag gaareysa konton kun oo dollar,tiro ari ah iyo in ku dhow toban neef oo geel ah.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullahi, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud , Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye,Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed iyo xubno kale.

Deeqdaan oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta waxaa bixiyay mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,kuwaas oo gartay in dadka walaalahooda ah ay ku garab istaagaan wixii samofal ah ee ay awoodaan.

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle si rasmi ah uga bilowday ololaha diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle iyo bulshada magaalada Jowhar ayaa ku sugan goobaha ay ka bilaabaneyso diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha, waxaana ujeedka arrintaan ay tahay in shacabka ay doortaan maamul ay kula xisaabtamaan horumarinta deegaannadooda.

Waa tallaabo horumar oo horay loo qaaday, waxayna muujineysa sida ay xukuumadda DanQaran uga go’an tahay in ay tallada ku celiso shacabka.

 

  

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa ka Qaybgalaya tababar ku saabsan Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda Casriga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo isugu jira Agaasimayaal Guud iyo Maareeyayaal ka kala socda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dekedaha ee Maamul Goboleedyada dalka.

Saraakiishan ayaa dalka Shiinaha u yimid si ay uga qaybgalaan tababbar muhiim ah oo la xiriira Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda casriga ah, kaasoo ka dhacaya magaalada Tianjin ee Jamhuuriyadda Shiinaha.

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: muhiimadda uu tababbarkani u leeyahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dekedaha Soomaaliya, iyo sidoo kale fahamka fursadaha maalgashi ee ku xeeran kobcinta kaabayaasha dekedaha dalka.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in safaaraddu sii waddo taageerada iyo fududeynta xiriirka u dhexeeya hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha. Waxay si gaar ah uga hadashay muhiimadda tababbarrada kor u qaadaya xirfadaha shaqaalaha, iyo iskaashiga farsamo ee xoojinaya awoodda hay’adaha Dowlada Soomaaliya