Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha SoDMA iyo IOM, iyada oo labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka falcelinta xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka taagan, kuwaas oo maraya heer aad u xasaasi ah.

Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray, Caqabadaha horyaalla howlaha gurmadka bini’aadantinimo, Fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo wax ka qabashada abaaraha, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyo sii si degdegga ah ee gargaarka loogu gaarsiin karo dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.

Marwo Ugochi Daniels, oo hadal ka jeedisay kulanka, ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan SoDMA, gaar ahaan isku dubaridka gurmadka degdegga ah ee la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka jira gudaha dalka. Waxay ballan qaaday in IOM ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso SoDMA, ayna garab istaagi doonto howlaha hal-abuurka iyo horumarinta xalalka waara ee loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyey Marwo Daniels iyo guud ahaan IOM, isagoo xusay doorka muuqda ee ay IOM ka qaadato la tacaalidda xaaladaha bini’aadantinimo iyo dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood.

“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wanaagsan ugu jawaabno musiibooyinka isdaba-joogga ah ee dalka ka dhaca. Waxaan rumeysannahay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah helitaanka xalal waara iyo qorshe deegaan ku saleysan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashiga ku saleysan hal-abuur iyo wax ka qabasho waarta oo gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada bini’aadantinimo.

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo ururka Bangiyada Soomaaliyeed wuxuu dadweynaha ku wargelinayaa in la xoojiyey shuruudaha looga baahanyahay macaamiisha.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo la kulmay madaxweynaha Booliska federaalka Jarmalka

Berlin : Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha u xilsaaran socdaalka iyo amniga xuduudaha dalkaas.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray qodobbada soo socda:

Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka wada shaqeeya socdaalka iyo amniga.

Casriyeynta adeegyada HSJ, sida: dal-ku-galka, deganaanshaha, baasaboorrada iyo xaqiijinta aqoonsiga.

Sugidda amniga xuduudaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah.

Dardargelinta aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo fududeynta socdaalka sharciga ah.

Ka hortagga dambiyada abaabulan iyo tahriibka.

Horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha HSJ.

Horumarinta garoomada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kulanka miro-dhalka ah ayaa lagu xallin doonaa caqabadaha jira, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed iyo fududeynta safarrada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka.

Intii uu socday booqashada, Agaasimaha Guud ee HSJ iyo wafdigiisa waxaa loo bandhigay hannaanka ay hay’adaha Jarmalka u maareeyaan socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha. Sidoo kale, waxaa lagu geeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Berlin, halkaas oo ay ku arkeen shaqooyinka maalinlaha ah iyo qalabka casriga ah ee lagu hawlgalo.

    

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo ka qaybgalay saxiixa heshiis ay gaareen Hormuud iyo Save the Children

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa kaga qeybgalay munaasabadda saxiixa iskaashi dhexmaraya hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu kala saxiixday iskaashiga, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo xusay in iskaashiyada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo muhiim u ah horumarinta bulshada, gaar ahaan badbaadinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa carab ku dhuftay inay Xukuumadda DanQaran dhiirigalin iyo garabistaag ay u muujiso Iskaashiga shirkadaha maxaliga ah iyo hey’adaha caalamiga, iyada oo lagu saleynayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasiir Alcadaala oo qaabilay lataliye sare oo ka socda safaaradda Mareykanka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Lataliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta iyo warbaahinta ee la-dagaalanka argagixisada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaalinta warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ee ku aaddan ciribtirka xagjirnimada.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac, oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Waaxyaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta, Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka. Kulanka kadib, Wasiir Al-Cadaala iyo Bob Flannery ayaa booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen shaqada ay warbaahinta dowladda ka waddo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, warbaahinta, iyo dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirka ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho la-dagaalanka khawaarijta, iyadoo la xoojinayo doorka warbaahinta iyo wacyigelinta dadweynaha.

Dhankiisa, Lataliye Bob Flannery ayaa sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, si gaar ahna uga taageero dadaallada la xiriira la-dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

       

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa uu kulan muhiim ah kula yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama Bangiyada Dalka ay qeyb weyn ka qaateen qorshaha isbaddelka dhaqaalaha dalka oo hormuud ay ka tahay Wasaaradda maaliyadda XFS.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Ururuka Bangiyada, xiriirka wada-shaqeynta Bangiyada iyo Dowladda iyo adeegooda muuqda ee ay bulshada u hayaan oo ah mid aad u sarreeya iyo maadama ay yihiin canshuur bixiye-yaal qeyb ka qaata dib-u-dhiska Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 29 𝑱𝒖𝒍𝒚 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, iyagoona ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladaha Hoose iyo xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee dalka Talyaaniga.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta taariikhiga ah ee ay Dawladda Talyaaniga ka geysato dib-u-dhiska dalka, taageeridda dadaallada xasilinta Soomaaliya, asigoona tilmaamay in xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee Caasimadda Roma ku taal uu gacan weyn ka geysan karo is-dhaafsiga khibrado iyo aqoon waxtar u leh hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la wadaagay Danjiraha Talyaaniga arrimaha hortebinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-hawlgelinta kaabayaasha, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, ayaa ka mahadceliyay soo-dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dawladda Hoose, waxa uuna dhiirrigeliyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska, nabadaynta iyo la-dagaalanka Argagaxisada, isaga oo ballanqaaday in joogitaanka Talyaaniga ee gudaha Soomaaliya uu wax badan ka tari doono ka-miro-dhalinta dadaalladaas heerarka kala duwan ah.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Wasiirka Beeraha XFS oo oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Wasiirka Iyo wafdigiisa ayaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo IGAD, iyadoo ay mudnaanta koowaad la siin doono, horumarinta sugnaanta cuntada ee Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado tababar iyo shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada Beeraha.

IGAD waxay balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada dadaalada iskaashiga ah ee lagu horumarinaayo nolosha bulshada, laguna xoojinayo xasiloonida gobolka.

Wasiir Biixi oo Muqdisho ka furay shir Madaxeedka hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay, shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa diirada lagu saarayaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hal abuurka ganacsiga, kordhinta dakhliga, dhiirigelinta ganacsiyada yar yar iyo kor u qaadidda ganacsiga haweenka Soomaaliyeed.

Shir Madaxeedka shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xildhibaan C/raxmaan Beene Beene, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Wasaaradda Batroorka iyo kheyraadka macdanta Daahir Shire Gudoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosow iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka dalka.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, taasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xoojiyay wacyigelinta bulshada ee la xiriirta cudurka cagaarshowga, iyadoo la adkeynayo muhiimadda baaritaanka, tallaalka, iyo helitaanka adeegyada daaweynta, waxaa sidoo kale munaasabada kasoo qayb galay Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin, xirfadlayaal Caafimaad iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa muujiyay sida ay wasaaradda caafimaadka uga go’an tahay la dagaallanka cagaarshowga iyo xoojinta daryeelka Caafimaad ee dalka isagoo xusay muhiimada ay leedahay wacyigalinta iyo baaritaanada xiliga hore si loo yareeyo saamayntiisa.