Dowladda oo dib u soo celinaysa Somali Airlines

Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Soomaali Airlines, waxaana diyaaradahan ah ku hawl gali doono muddo laba bilood gudahood ah.

Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa maanta lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa bulshada la wadaagay in dib u soo celinta Somali Airlines uu yahay hadaf Qaran, dowladuna ay soo iibsanayso diyaarado badan xilliyada soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC

Dooxa: Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Isniin ah hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo lagu qabtay magaalada Dooxa inta u dhexeysay 27–28 Luulyo. Shirka oo ay martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.

Kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.

Wasiirka ayaa hadal-jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka, iyo dhismaha 20,000 oo askari oo cusub. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka kadib markii laga cafiyay deymaha, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2035) iyo Hiigsiga 2060. Waxa uu xusay kororka maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isla markaana uu muujiyay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta.

Markii uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026. Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo waxbarashada iyo caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bini’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa. Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ay ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

       

“Soomaaliya waxay xal u noqon kartaa cuno yarida” madaxweyne Xasan Sheekh

Addis Ababa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobey (UN Food Systems Summit) oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madashan ayaa soo bandhigay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cunto-yarida, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cunto ee waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey in Soomaaliya ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada, taas oo horseedday in malaayiin qof ay wajahaan cunto-yari, waxa uuna adkeeyay in horumarinta nidaamka wax-soosaarka dalagga iyo xoolaha uu yahay lagama maarmaan si looga gudbo duruufaha nololeed.

“Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha, waxay si cad u qeexaysaa ahmiyadda ay leeyihiin hagaajinta maamulka, kordhinta wax-soosaarka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga beeraha, iyo xoojinta awoodda hay’adaha. Waxaan aaminsanahay in beeruhu aysan kaliya dadka quudin, balse ay sidoo kale abuurayaan shaqooyin, xoojinayaan nabadda, islamarkaana ay Soomaaliya u diyaarinayaan mustaqbal ifaya”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saleysan ee Dib-u-dhiska (National Transformation Plan), kaas oo mudnaanta siinaya horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iskaashiga dowlad iyo ganacsatada, dhisidda nidaamyo suuq-geyn ah oo xoojinaya isku xirnaanta beeraleyda, suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

“Sugnaanta cunnadu waa nabad dhisid, isbeddelka beerahana waa dhisidda qaran. Maalgashi kasta oo lagu sameeyo waa maalgashi lagu dhisayo nabad waarta iyo koboc dhaqaale oo loo siman yahay”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya, iyagoo taageero siinaya kaabeyaasha wax-soo-saarka, dhaqaalaha cagaaran iyo hirgelinta tiknoolojiyadda casriga ah ee dhanka beeraha si loo abuuro nidaamyo cunto oo dadka Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iidaystaan.

 

           

Wasaaradda isgaarsiinta oo hawlgalgalisay adeegii Boostada muddo dheer ka dib

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga Boostada dalka.

Munaasabadda furitaanka adeegga boostada waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Maareeyaha Garoonka, Agaasimaha Kastamka Garoonka, hoggaanka amniga ee garoonka Adan cadde, Agaasimaha Waaxda Boostada ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Isgaarsiinta.

Agaasimaha waaxda Boostada ee wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa sharaxay marxaladihii adkaa ee la soo maray iyo sida Wasaaraddu waqti adag ugu bixisay in dib loo hawlgeliyo adeeggan muhiimka ah ee boostada, isagoo tilmaamay in laga soo bilaabo bishii May 2025, adeegga boostada dalka si rasmi ah u shaqeynayay, laguna bilaabay adeegyada dirista iyo helista Boostada (sending and receiving).

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamuud Cabdulqaadir (JEEGO), Maareeyaha Garoonka Aadan cadde ee Muqdisho mudane Maxamed Siciid Cabdullaahi iyo maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda dib-u-furitaanka ayaa si weyn u bogaadiyey dadaallada muuqda ee wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoljiyadda ay hormuudka ka tahay, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dalka uu helo adeeg boosto casri ah oo la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda caalamka, taasoo xoojinaysa dowladnimada, isku xirka bulshada, iyo kobcinta adeegyada shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhibaan Maxamed Somali ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo dib loogu soo celiyay adeeg qiimo weyn ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed, kadib ku dhawaad 36 sano oo hakad ku jiray adeeggii boostada.

“Guushan dib u hawl galinta adeega boostada dalka waxay ka tarjumeysaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyadii dalka uu lahaa, Shaqaalaha boostada ayaa si heer sare ah u qaatay tababaro casri ah oo ay bixiyeen khubaro caalami ah oo dibadda laga keenay, halka qaar kalana ay dibadda u aadeen si ay u helaan xirfado dheeraad ah oo la jaanqaada isbeddelka teknolojiyadeed”. Ayuu yiri wasiir Maxamed Soomaali

Hawlwadeennada waaxda boostada ee gudaha dalka iyo xirfadlayaal kale ayaa si geesinimo leh uga shaqeeyay in dib loo hawlgeliyo xarumahan muhiimka ah, oo ka qeyb qaatay dadaalkan.

Wasaaradda Isgaarsiinta waxay diiradda saartay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg boosto oo hufan, degdeg ah, casri ah, isla markaana ammaan ku dhisan.

    

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Agaasime ku xigeenka Hay’adda IOM

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir ayaa la kulmay Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) oo ay wehliyaan Agaasimaha Hey’adda ee Bariga iyo Geeska Afrika iyo saraakiil kale oo sare sida; Wakiilka IOM ee Soomaaliya iyo Kuxigeenkiisa.

Arrimaha labada dhinac ay adkeeyeen waxaa ugu muhiimsanaa; Ka wadashaqeynta iyo iskudubbaridka howlaha hortabinta leh sida; dedaallada Xasillinta, Dad-dhigista, xalka waara ee Barakacayaasha iyo arrimo kale.

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyada oo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda (IOM) taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, waxa uuna xusay mudnaanta ay leedahay in ay sii xoojiyaan taageeradooda iyo fulinta mashaariic wax tar u leh dalka.

Dhankeeda, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, ayaa xustay sida ay uga go’an tahay heyadda in ay sii wadaan taageerada iyo hirgelinta mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

 

   

Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada

Inta badan Dunida waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay soo kordhaayay Abaaro, Daadad, Fataahado iyo wixii la mid ah, kuwaasi oo halis galiyay hab nololeedka iyo jiritaanka Bini’aadamka, waxayna sababeen Barakac baahsan oo ku dhaca meelihii ay asiibeen, waxaana ka mid ah Soomaalida.

Soomaaliya waxay leedahay cimilo u dhaxeysa yara-oomane iyo oomane. Muuqaallada ugu muhiimsan cimilada jirta waa xilliyo qoyan iyo kuwa engegan iyo jiritaan la’aanta wax weyn oo isbedel heerkul xilliyeed ah. Roobku waa waxa ugu muhiisan jawiga (meteorological) oo saameeya nolosha gudaha Soomaaliya. Waa waxa qeexaya sifaalaha cimilada iyo kala duwanaansho weyn leh xag masaafad iyo waqti. Isbedelka muuqda xilli ka xilli iyo isbedellada jira isla xilliyada dhexdooda waa waxa dhaliya guulaha ama guldarrada waxqabadyada Beereed.

Sannadku wuxuu u qeybsamaa afar xilli sida soo socota:-

Jilaal: waa diirimaad, qoraxeed, iyo xilli engegan laga bilaabo Disembar ilaa bartamaha Maarso.
Gu’: Xilli roobaadka ugu muhiimsan oo ka bilowda bartamaha Maarso oo sii socda ilaa Juunyo.
Xagaa: waa qabow, engegan, yara daruureeya oo ka bilowda Luulyo siina socda ilaa bartamaha Sebteembar; qaar ka mid ah goobo cimilo ee jiidda xeebta koonfureed iyo gudaha Gobollaada Waqooy Galbeed waxay helaan qadar roobab macnaleh ah.
Deyr: xill roobaadka labaad, oo ka bilawda Sebteembar ilaa Nofeembar.

Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan caalamka, uuna halakeeyay dagaal, balse waa mid “wax laga qaban karo”, sida uu sheegay sarkaal sare ee cimilada.

Dalka ayaa waxaa halakeeyay dagaal in ka badan 30 sano oo ay isku dhacyo socdeen – waxaana ka mid ah kooxo Argagixiso ah, iyo dagaallo kuwo qabaa’il oo dhowr ah, balse mid ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa isbeddelka cimilada ku tilmaamay “mid dhibka sii labalaabta”, sababtoo ah waxay dab ku sii shideysaa xaaladda markaa jitra iyadoo sii dheereyneysa xaaladda dalalka nugul sida Soomaaliya.

Saameynta ugu daran waxay gaartay Beeraha. Soomaaliya ayaa weli ah dal dhaqaalihiisu aad ugu tiirsan yahay dhinaca Beeraha, iyadoo seddex meel ka labo bulshada ay ku tiirsan yihiin Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha.

Sanadkii 2022-kii dalka ayaa wuxuu wajahay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah – xaalad ay saynisyahannadu ku sheegeen in 100 jeer laga yaabo inay sababtay isbeddelka cimilada ee aadmigu sababay.

Abaartaas ayaa Beeralleyda iyo xoolo-dhaqatada ka dhigtay kuwo isku dagaala helidda biyaha iyo daaqsinka. Odey Soomaaliyeed ayaa yiri:- “mararka qaar uu ku qasbanaa inuu dhulkiisa ku difaaco qori”.

Abaartuna ma aha dhibaatada keliya ee halkan ka jirta. dhowr Sano Soomaaliya ayaa wajahday daadad ba’an sababo la xiriira Roobab ay saynisyahannadu ku sheegeen in si la mid ah kululaanshaha adduunka ay aadmigu sababeen.

Halista seddex jibaaran ee isbedelka cimilada, colaadaha, iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka: Waxay khatar badan oo isku dhafan ku tahay dadka ugu nugul oo ku sugan goobaha khatarta ah.
Isbedelka cimilladu ma aha khatar fog. Waxay durba si weyn u saameysay dadka nugul ee adduunka oo dhan. Gaar ahaan, cimillada isbedbedesha ayaa cawaaqib xun ku yeelanaysa dadka la nool xaaladaha colaadaha iyo kuwa aan helin daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, sida ay qortay Hey’adda Laanqeyrta Cas ee Adduunka.

Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Laheyn (MSF), Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC), iyo Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waxay si dhow ula shaqeynayaan bulshooyinka ku nool dalalka ay isgu darsantay is-bedelka cimillada, colaadaha hubaysan, iyo xaaladaha degdega ah ee caafimaadka ayaa ah xaqiiqo murugo leh.

25-ka dal ee ugu nugul isbedelka cimillada uguna yar tahay in ay la qabsadaan ayaa badi waxa ay sidoo kale la kulmaan colaadaha hubeysan. In badan oo ka mid ah goobahan, dadku ma helaan daryeelka caafimaadka aas aasiga ah. Marka dhibaatooyinka cimilladu ka dhacaan dalalka ay ka jirto cunno iyo biyo yari, iyo ilo dhaqaale oo kooban ayaa waxaa khatar galaya nolosha dadka, caafimaadka iyo hab-nololeedka.

“Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay la soo darsay abaaro iyo daadad aan la saadaalin karin, taas oo uga sii dartay xaaladda bani’aadamnimo oo aad u liidatay oo ay sii cakirneyd soddon sano oo colaado hubeysan ah. Dadku waxay haystaan ​​waqti xaddidan oo ay kula qabsadaan sababta oo ah dhibaatooyinka waa kuwo soo noqnoqda oo aad u daran”, sida ay ICRS warbixinteeda ku sheegtay.

“Samafaleyaal ahaan, waxa dareen na galiyey xaqiiqda hadda jirta iyo odoroska mustaqbalka. Waxaan aragnaa abaaro, daadad, cayayaan farabadan iyo isbedellada roobabka kuwaas oo dhammaantood khatar gelin kara wax-soo-saarka cuntada iyo habka ay dadku u badbaadaan. Waxaan aragnaa dhacdooyin cimilo oo aad u daran oo ka xoog badan sida duufaanno burburiya kaabayaasha caafimaadka ee muhiimka ah. Waxaan aragnaa isbedellada cudurrada dilaaga ah sida malaariyada (duumada), caabuqa dengue iyo daacuunka. Colaadaha iyo rabshaduhu waxay kordhiyaan baahida loo qabo gargaar caafimaad oo degdeg ah iyagoo sidoo kale xaddidaya awoodda xarumaha caafimaadka”, ayay sii raacisay.

Xaaladahan oo dhan waxay ka dhacayaan adduun diiramaadkiisu gaaray 1.2 darajo oo ka sarreysa heerarkii xilligii warshadaha ka hor, iyada oo aan markhaati ka nahay sida ay kuwa ugu nugul adduunku ay halis ka soo gaarayso dhibaato si xad dhaaf ah u sababaan dalalka ugu qanisan adduunka. Diirimaadka dheeraadka ah waxa uu horseedi doonaa cawaaqib xun haddii aan si degdeg ah oo go’aan adag leh loo qaadin tillaabooyin lagu dhimi karo iyo in taageero ku filan loo abaabulo dadka iyo wadamada sida aadka ah u saamaysay si ay ula qabsadaan khataraha cimillada sii kordhaya.

“Maanta, baahiyaha ayaa durbaba ka sarreeya jawaabta. Tani waa qalalaase loo midoobo, waxayna hadda fursad u siinaysaa qalalaase kala sooca xumaan iyo samaan. Dunidu taageero la’aan kama tagi karto kuwa la kulma cawaaqib xumada ugu daran,” ayuu yiri Stephen Cornish, Agaasimaha Guud ee MSF Swiserland.

Taageerada maaliyadeed iyo mid farsamo waa in ay gaarto dadka aadka ugu baahan kuwaas oo aan u dhaceynin heerkii loo baahnaa. Ballanqaadkii Heshiiskii Paris ee ahaa in la kordhiyo taageerada dalalka ugu yara horumarsan ayaa ku guul daraystay in ay garowsadaan in tiro badan oo iyaga ka mid ah ay sidoo kale saameeyeen colaadaha oo ay tahay in mudnaanta la siiyo. Ilaa hadda, ballan-qaadyada lama fulin, si loo dhimo qiiqa kaarboonka iyo taageerada dalalka ay la kulmaan saameynta ugu weyn.

“Waxaan aragnaa saamaynta is biirsatay ee khataraha cimillada sii kordhaya iyo colaadaha hubaysan laga soo bilaabo Afgaanistaan ​​ilaa Soomaaliya, Maali ilaa Yaman. Shaqadayada meelahan waxay dadka ku caawisaa in ay si wax ku ool ah ula macaamilaan dhibaatada cimillada. Laakiin hawl-wadeennada ku hawlan arrimaha bani’adamnimada kama jawaabi karaan kaligood caqabadaha faraha badan. Haddii dalalka aadka u jilicsan loo helin taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo go’aan adag leh, dhibaatadu waa ka sii dari doontaa,” ayuu yiri Robert Mardini, agaasimaha guud ee ICRC.

Dhinaca kale meelo badan oo dalka ka mid ah waxaa jiro dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Bacaadka, magaalooyinka xeebaha leh ee dalka si guud ayey u saameeyey Bacaadka.
Bacaadka meelaha uu sida weyn u saameeyey waxaa ka mid ah magaalooyinka Kismaayo, Baraawe, Ceeldheer iyo Hobyo waa sida ay ka dhawaajisay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka warbixineysay waxyaabaha keeno Isbadalka Cimilada.
Warbixin ay soo saartay UNDP ayaa lagu sheegay in Tuulada Qabooley, ee Soomaaliya oo ay abaaruhu aad saameeyeen waxaa ka dhacay dagaal halis ah oo ka sabay biyo-yari, arrintaas oo dadka ku dhaqan deegaanada ku hareeray Qaboolay ka dhigay dad cadow isku ah.
Laakiin wadahadal iyo dib-ushesiin ay ka shaqeeyeen odayaasha ayaa suuragelisay in ay nabad ku wada noolaadaan.
Arrintaan ayaa cadeyn u ah in saameynta isbedelka Cimilada iyo Colaad, si qoto dheer isugu xiran yihiin, iyo sida si wadajir ah loogu wajahayo.

Ugu dambeyntii waxaan loogu baaqayaa hoggaamiyeyaasha adduunka in ay ka soo baxaan ballanqaadkooda heshiiskii Baariis iyo Ajendaha 2030-ka iyo in la hubiyo in dadka nugul iyo dadka ay colaaduhu saameeyeen si ku filan loo taageero, si ay ula qabsadaan cimillada isbed-beddeleysa. Waa in si wadajir ah xal ugu helno oo la  hubiyo helitaanka dhaqaale loogu talagalay cimilada oo ku filan oo looga hortago bii’ada. ‘In dadka laga tago ma ahan ikhtiyaar’.

By. C/lahi Ruush

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada Bulshada, Nabadgalyada iyo Wadatashiga Shacabka ee ku aaddan Qorsheyaasha horumarineed ku gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Xudur, iyadoo ay halkaasi ku sugaayeen masuuliyiin heer Gobol ah, Saraakiil Ciidan, Odayaal Dhaqameed, Haween, iyo Dhalinyaro degmada.

 

    

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Doha;-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan, oo ka qeybgalaya Shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa bogaadiyay xiriirka walaaltinimo ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay taageersantahay dowladda Yemen, carabaabayna muhiimadda ay leedahay midnimada, xasilloonida, iyo amniga Yemen, iyo sidoo kale dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen ayaa ka hadlay xiriirka labo geesoodka ee salka adag iyo dadaalka uu ku bixin doono kor-u-qaadidda iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeegaya danaha labada dal ee walaalaha ah, isaga oo cadeeyay in Yemen ay taageersantahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga, horumarka, iyo la dagaalanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla gartay baahida loo qabo in la helo isku xirnaan dhow si looga hortago caqabadaha halista ku ah xasilloonida iyo amniga labada dal.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, aayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, dardargelinta howlaha nabadeynta, iyo taageerada la xiriirta xasillinta dalka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjire Kariye, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo isku-duwidda howlaha AUSSOM iyo Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo sal u noqota horumar waara.

Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso AUSSOM, si loo gaaro guulo muuqda oo dhanka nabadda, amniga, iyo dib-u-dhiska dalka ah.

Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye ayaa dhankiisa uga mahadceliyay soo dhawaynta uu kala kulmay dowladda Soomaaliya, isaga oo balan qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.