Golaha wasiirada XFS oo shiray

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo.

Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay ka shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegyada.

Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024.
         

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo iska Diiwaangeliyay Xudur

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xudur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Xudur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codxiyeyaasha gobolka Bakool.

Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in dhammaan gobolada Dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah, si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ayna u go’aamiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka.
          

Shirweynaha Dhismaha iyo Ansixinta Dasruurka D.Gobolleedka Waqooyi Bari oo la soo gabagabeeyay

Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu soo gaba-gabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.
Shirkan taariikhiga ah ayaa waxaa soo gabagabeeyay wasiirka arrimaha gudaha,federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh),iyadoo ay ka soo qeyb galeen 417-ergo oo matalayey bulshada kala duwan ee ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
                    Halkaan hoose ka Akhriso warsaxaafadeedka:-

Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wasiirka gaashaandhigga dalka

Jabuuti: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha difaaca, amniga gobolka, iyo iskaashiga dhow ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle doorka hoggaamineed iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda walaalaha ah ee Jabuuti la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidamada “Hiil Walaal” ay kaga jiraan howlgalka AUSSOM iyo dadaallada nabadeynta iyo xasillinta dalka.

 

Soomaaliya iyo Jabuuti oo gaaray heshiis lagu kordhinayo ciidamada dalkas oo Soomaaliya jooga

Jabuti: Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti Heshiis la xiriira Xaaladda Ciidamada Jabuuti (Status of Force Agreement – SoFA), oo saldhig u ah kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dowladood.

Heshiiskan ayaa hagaya kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee lagu sii kordhinayo howlgalka ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da iyo mudnaanta ay labada dhinac horey uga heshiiyeen. Waxa uu sidoo kale qeexayaa habraacyada faragelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hannaanada iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo ruux wadashaqeyn iyo is-ixtiraam.

Iskaashigan wuxuu muujinayaa sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida gobolka.

Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujinaysa xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

  

Guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS oo gaaray Xudur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira wasiiro Iyo xildhibaano ayaa soo gaaray magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana wafdiga Guddoomiyaha garoonka diyaaradaha ee Xudur ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wasiiro Iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda Xudur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa inta uu ku suganyahay Magaaladda Xudur waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka Gobolka Bakool, kan magaaladda Xudur, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka.

 

Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene iyo ku xigeenkiisa Mudane Mouktar Ousman Karie.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay hawlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo xusay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray la-dagaallanka argagixisada, waxaana uu ka mahadceliyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM.

Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay Mudane Hadji Ibrahima, oo ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka.

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon is-weydaarsi ah oo uga bilaamay magaalada Beijing kaas oo socon doona muddo 6 cisho ah.

Tababarka waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha iyo Xarunta Iskaashiga Caalimiga ah, ee guddiga horumarinta iyo dib-u-habaynta qaran Shiinaha.

Intaas kadib, Waxaa furitaanka tababarka hadallo kooban ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka xukuumadda JFS.

Ugu dambeyntii, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha ayaa guddoonsiisey hadyad ka turjumeysa dhaqanka Soomaaliya Agaasimaha Guud ee Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah, Guddiga Qaranka Horumarinta iyo Dib-u-habaynta, Jamhuuriyadda Shiinaha Marwo Qui Ainun.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xalay booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, kuna sugan magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Sheekha soo dhoweyntii diirranayd ee uu u fidiyey, isagoo sidoo kale Alle ka baryey in laga aqbalo ducadii kheyrka ahayd ee Sheekhu u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed iyo Dalkeenna, kana dhigo mid la aqbalo oo khayr badan horseeda.

Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu Sheekh Cabdirashiid iyo dhammaan culimada Soomaaliyeed u rajeeyey caafimaad, cimri barako leh, iyo in Alle ku anfaco Ummadda Soomaaliyeed

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

Muqdisho, Soomaaliya – Eray bixinta lagu cabbiro xasaradaha Geeska Afrika ayaa is beddeleysa. Muddo tobannaan sano ah, waxaa lagu sifeeyay siyaasad iyo colaado.

Maanta, waxaa si isa soo taraysa loogu cabbiraa heerkulka Celsius, milimitirrada roobka, iyo malaayiinta qof ee aysan guryahooda ka eryin ciidammo, balse uu barakiciyay saamaynta aan joogsiga lahayn ee isbeddelka cimilada. Dhibaatadan deegaanku ma aha saadaal mustaqbalka fog laga filayo; waa arrin hadda taagan oo si awood leh u horseedda degganaansho la’aanta guud ahaan gobolka, iyadoo abuuraysa furin dagaal oo nooc cusub ah, taas oo loogu tartamayo kheyraadka sii gabaabsiyeysanaya.

Baaxadda dhibaatadu waa mid aan la qiyaasi karin. Abaartii u dambaysay ee Geeska Afrika, oo ay Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) xaqiijisay inay ahayd tii ugu muddada dheerayd uguna darnayd muddo afartan sano ah, waxay gobolka gelisay xaalad degdeg ah oo joogto ah. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-xirka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) bishii Febraayo 2023, masiibadan cimiladu waxay keligeed sababtay in in ka badan 23 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya ay la kulmaan heerar sare oo cunto yari ba’an ah.

Tani ma aha oo keliya masiibo bani’aadantinimo; waa khatar qoto dheer oo ku wajahan amniga gobolka. Xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya xilli roobaad fashilmay iyo colaad bulsho ayaa hadda si khatar ah u muuqda. Marka dhul-daaqsimeedkii isu beddelo oomane, ilahii biyuhuna ay guraan, hababkii soo jireenka ahaa ee ay bulshooyinka reer-guuraaga ahi kula tacaali jireen dhibaatooyinka ayaa burburaya.

“Isbeddelka cimilada, iskahorimaadyada, iyo cawaaqibkoodu dhammaantood way isku wada xiran yihiin, waxayna halis ku hayaan nolosha iyo hab-nololeedka malaayiin ka tirsan dadkeenna,” ayuu yiri Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee Urur-goboleedka IGAD, khudbad uu jeediyay bishii Maajo 2023. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dhibaatooyinkani ay “sii hurinayaan xiisadaha iyo isku dhacyada ka dhasha kheyraadka gabaabsi ah sida biyaha iyo daaqa, ayna ku qasbayaan malaayiin dadkeenna ka mid ah inay guryahooda ka tagaan.”

Barakacan qasabka ah waa qodob xasaasi ah oo saameeya amniga. Warbixinta Caalamiga ah ee Barakaca Gudaha ee 2024 ee ay soo saartay Xarunta La Socodka Barakaca Gudaha (IDMC) ayaa xaqiijinaysa in sannadkii 2023, masiibooyinka dabiiciga ahgaar ahaan daadadka iyo abaaraha ay sababeen in ka badan 2.2 milyan oo barakac gudaha ah dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, iyo Koonfurta Suudaan oo keliya. Dadkan barakacay, oo imaanaya deegaanno cusub oo markii horeba culeys saarnaa, waxay abuuraan xaalad isku-dhafan oo horseedi karta tartan dhinaca cuntada, biyaha, iyo dhulka ah, taasoo inta badan dib u soo noolaysa xurgufihii hore ee u dhexeeyay bulshooyinka.

Caqabaddu waa mid gobolka oo dhan saameysa. Dalka Koonfurta Suudaan, daadad aan hore loo arag oo sannado badan socday ayaa qariyay dhul beereed ballaaran.

Agaasimaha Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Koonfurta Suudaan, Mary-Ellen McGroarty, ayaa si cad u qeexday xaaladda warbixin ay bixisay bishii Nofeembar 2022, iyadoo sheegtay in Koonfurta Suudaan ay “safka hore kaga jirto dhibaatada cimilada” iyo in “qoysaskii lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan ay waayeen wax walba; xoolahoodii, guryahoodii, [iyo] beerahoodii.”

Hase yeeshee, iyadoo ay jirto aragtidani murugada leh, waxaa soo xoogeysanaya dadaal wadajir ah oo diiradda lagu saarayo wax ka qabashada cimilada. Furaha guushu waa in laga gudbo gargaarka fal-celinta ku saleysan loona wareego adkeysi sii-diyaarsan. Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Adeegsigeeda ee IGAD (ICPAC) ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysa, iyadoo siisa waddamada xubnaha ka ah habab casri ah oo digniin hore ah iyo saadaal xilliyeedyo.

Qaabkan xogta ku dhisan wuxuu u oggolaanayaa dowladaha iyo hay’adaha gargaarka inay sii odorosaan dhibaatooyinka cimilada ayna hirgeliyaan tallaabooyin lagaga hortagayo ka hor inta aysan masiibadu dhicin.

Sida uu xaqiijiyay Dr. Guleed Artan, Agaasimaha ICPAC, “Digniinta hore ee loo wada siman yahay ma aha mudnaan, waa xuquuq aasaasi ah. Macluumaadka waqtigiisa ku habboon ee la heli karo wuxuu awood siinayaa bulshooyinkeena inay qaataan tallaabooyin ay isku difaacayaan, wuuna badbaadiyaa nolosha.”

Awood-siintani waxay ka socotaa heerarka bulshada. Guud ahaan gobolka, mashaariicda la-qabsiga ayaa hirgelaya. Dalka Kenya, mashruuca uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ee DRIVE (Yareynta Khatarta, Ka-qeybgelinta iyo Sare-u-qaadidda Dhaqaalaha Xoolo-dhaqatada) wuxuu ka shaqeynayaa sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyadoo la siinayo adeegyo maaliyadeed iyo caymis ka dhan ah dhibaatooyinka cimilada. Dalka Itoobiya, barnaamijyo ballaaran sida Barnaamijka Maareynta Dhulka ee Waara ayaa ka caawinaya bulshooyinka inay dib u soo nooleeyaan dhulkii nabaad-guuray si loo hagaajiyo awoodda dhulku u leeyahay inuu biyaha ceshado iyo caafimaadka ciidda.

Tallaabooyinkani ma metelaan oo keliya mashaariic deegaan; waa dadaallo aasaasi u ah nabadeynta. Iyagoo ka caawinaya bulshooyinka inay si wadajir ah u maareeyaan kheyraadkooda, la qabsadaan hab-nololeedkooda, ayna yareeyaan nuglaanshahooda ku aaddan dhibaatooyinka cimilada, waxay wax ka qabanayaan sababaha asaasiga u ah colaado badan oo kheyraadka ku saleysan.

Sheekada halganka gobolku kula jiro isbeddelka cimilada waa mid ay ka buuxdo dhibaato baaxad leh, laakiin sidoo kale waa mid muujinaysa go’aan adag oo sii kordhaya. Caqabadda hadda jirta ayaa ah in la ballaariyo xalalkan lana abaabulo maalgelinta lagama maarmaanka ah. Sida ay madaxda gobolku si isdaba-joog ah ugu doodeen madalaha caalamiga ah sida Shir-madaxeedka Cimilada Afrika, dalalkii ugu yaraan ka qeyb qaatay dhibaatada cimilada ayaa ah kuwa la daalaa-dhacaya cawaaqibkeeda ugu daran. Fulinta ballanqaadyada caalamiga ah ee maalgelinta cimiladu ma aha deeq, ee waa maalgashi lama huraan u ah amniga caalamka.

Si loo helo gobol ammaan ah oo deggan, waddada horumarku waa inay noqotaa mid lagu goglay wax ka qabashada cimilada. Waxay u baahan tahay dadaal midaysan oo ka yimaada bulshooyinka deegaanka ee soo nooleynaya aqoontoodii soo jireenka ahayd, hay’adaha gobolka ee kobcinaya iskaashiga, iyo wada-hawlgalayaasha caalamiga ah oo fulinaya ballanqaadyadooda.

Degganaanshaha Geeska Afrika kuma xirnaan doono oo keliya awood militari iyo diblomaasiyad, balse wuxuu ku xirnaan doonaa awooddeena wadareed ee aan ku bogsaneyno meerahan dhaawacan.

ABDULLAHI HUSSEIN OSMAN (Adow) – Journalist – Communication Strategist, Email: [email protected]

Tel: +252610807825 WA +254722209396