Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka

6- Golaha Wasiirrada ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo oo dhowaan ay dagaalo ka dhaceen.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabadda saxiixa iskaashi oo dhexmaray Hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabla Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jiray wasiiro Iyo xildhibaano ayaa booqday magaaladda Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

9- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

10- Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed,isagoo kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

13- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay La-taliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

14- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

16- Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliyeed (Soomaali Airlines) oo dhawaan ka hawlgali doona dalka .

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynihii shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya .

19- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa si’ rasmi ah u daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka oo ku dhawaad 36 sanno hakad ku jiray.

20- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa la kulmay Ku-Xigeenka Madaxa Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) , Marwo Ugochi Daniels,

21- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulan la yeeshay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa magaalada Laas Caanood kulan wadatashi ah kula yeeshay wax-garadka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatey Dr Rukaya Maxamed, oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

25- .Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshaya Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

27- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels.

29- Bayaan kasoo baxay Bankiga dhexe ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in macaamiisha koontooyin cusub furaneysa ama cusbooneysiisaneysa shuruud looga dhigayo inay heystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee Hay’adda NIRA.

30- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dalka Jarmalka kulan kula yeeshay Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka ,Frank-Walter Steinmeier.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

31- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada bulshada ku gaaray magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa la kulmay ehellada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo ka dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii dowladda ay waddo ee ku aaddan sii deynta muwaadiniintaasi.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka ganacsiga, waxbarashada, iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.

Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka ganacsi, siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN. Waxa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan gobollada istaraatiijiga ah ee dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda Calmiskaad.

labadaan Argagaxiso ayaa baxsad ka ahaa Ciidanka Amniga oo howlgal ka dhanka Khawaarijta ah kawada dhulka Buuraleyda ah.

Wasiir Cali Xoosh “Maamulka Waqooyi Bari Dowladda Federaalka waxa ay siin doontaa taageero gaar ah”

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay xaflad ka dhacday magaalada Laas Caanood ayaa sheegay in dowladda fedetaalka ay gacan ka geysan doonto bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada iyo kan maamulka ee Waqooyi Bari .

Wasiitku waxa uu ka waramay kaalinta dowladda federaalka ay ku laheyd taabagalinta maamulka Waqooyi Bari iyo ahmiyadda uu maamulkaan cusub u leeyahay midnimada qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxa uu u rajeeyay maamulka cusub in ay door muuqda ku yeelan doonaan xasiloonida dalka iyo guud ahaan horumatka dadka iyo dalka.

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida ay xaqiijisay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Karoline Leavitt.

Ergayga gaarka ah ayaa la sheegay in safarkiisa uu ku wehelin doono safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil Mike Huckabee oo,kuwaas oo  xaqiijin doono qorshaha dadka barakacay ee Falastiin lagu gaarsiinayo cunto gargaar ah.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff oo gaaray Isra’iil ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, waxaana maanta oo Jimco ah la filayaa in safar dhanka dhulka ah uu ku tago Gaza,si uu ula socdo xaaladda dadka baahan.

Dhinaca kale,Wasaaradda caafimaadka Gaza ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay duhurnimadii khamiista e shalay la dilay 111 qof oo 91 ka mid ah ay ahaayeen dad gargaar sugayaal ah.

Maamulka gobolka Banaadir oo lacag dhan $200,000 kaga qayb qaadanaya gurmadka abaaraha Awdal

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo maanta kulan la qaatay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga soo doorto Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laba boqol oo kun oo doollar uu ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaarta Awdal.

Mas’uuliyiintan ayaa Guddoomiyaha siiyey warbixin ku saabsan xaaladda murugsan ee abaarta ka taagan gobolkaas, iyo qeylo-dhaanta ba’an ee muddooyinkii dambe kasoo yeeraysay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Awdal.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo garwaaqsan muhiimadda isu-gurmashada ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku bixinayo sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo walaalaha dhibaateysan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Maamulkiisa iyo shacabka Gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda ku sugan Awdal, waxaana uu xusay in deeqda lacageed ee uu yaboohay lagu wareejin doono Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) si loogu fuliyo gurmadka naf-badbaadin ee looga baaqsanayo in aafadu sii baahdo, oo ay salfato nolosha dad Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliiska oo shir guddoomiyey kulanka hoggaanada Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta shir gudoomiyey Kulanka Todobaadlaha ee Hoggaanada, Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay Arrimaha Amniga gudaha.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay kor u qaadida tayada Akadamiyadda Ciidanka Booliiska oo muhiimaddu tahay soo saarida Ciidan ay ka muuqato aqoon iyo xirfad Boolisnimo.

Dhanka kale waxaa kulanka lagu lafa-guray in Ciidanka lagu baraarujiyo ku dhaqanka Anshaxa oo hadda wixii ka dambeeya xisaabtan adag laga marinayo Ciidanka iyo Saraakiisha guud ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Yoonis Duraan Cali

Guddoomiyaha SODMA oo soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiiradda ee loogu gurmanayo Awdal

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ku yabooheen lacag dhan $500,000 oo doolar, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal.

Golaha wasiiradda xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yaboohay lacag dhan $500,000 taas oo looga qayb qaadanayo Shacabka gobolka Awdal oo ay saameeyeen abaaraha.

Shirka Wasiirrada Maaliyadda Africa oo ka furmay Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Wasiirrada Maaliyadaha dalalka Afrika ee loo yaqaano (𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐮𝐜𝐮𝐬-𝟐𝟎𝟐𝟓), kaas oo sanadkan ay martigalinayso dowaladda Central Africa Republic.

Shirkaan ayaa waxaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , u adkeysiga marxaladaha ka dhasha saameynta cimilada iyo arrimaha kale, sidoo kale waxaa lagu falanqeynayaa sare u qaadidda aqoonta iyo maalgalinta mashaariicda lagu horumarinayo deegaanka si looga dhigo mid cagaaran.

Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee ka qeyb qaata arrimaha maalgalinta sida IMF iyo Bangiga Adduunka, halkaas oo Dowladaha ka soo qayb galay shirkaan ay kusoo bandhigayeen qorshayaashooda gaarka ah ee ay doonayaan in loo maalgaliyo.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii loo helilahaa mashaariic horumarineed oo ka qeyb qaadata sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Soomaaliya iyo Indonesia oo Kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah

Jakarta:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Indonesia, Mudane Sugiono. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, beeraha, waxbarashada, iyo arrimaha badda.

Intii uu socday kulanka, ayaa la kala saxiixday heshiis muhiim ah oo labada dal ka dhaafaya shuruudaha dal-ku-galka ee baasaboorada diblomaasiyadeed iyo adeegga, taasoo loo arko tallaabo cusub oo dhanka is-fahamka iyo wada-shaqeynta ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya kobcinta iskaashiga wax-ku-oolka ah, halka Wasiir Sugiono uu dhankiisa xusay muhiimadda iskaashi dheeraad ah oo la sameeyo waddamada Koonfurta Caalamka, isaga oo ku bogaadiyay Soomaaliya ku biirista Urur Goboleedka EAC, taasoo fursad weyn u ah ganacsiga gobolka.

Indonesia waxa ay balan qaaday taageero farsamo iyo tababbarro la xiriira kalluumaysiga, beeraha, warshadaynta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxaa lagu dhiirrigeliyay in Soomaaliya ka faa’iidaysato barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee KNB, Darmasiswa, iyo TIAS.

Labada dal oo wadaaga qiyamka Islaamka, ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo taageerada nabadda caalamka Muslimka ah, iyaga oo wada-shaqeyn la leh Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

“Indonesia waxay diyaar u tahay inay noqoto saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya ay garab ku hesho horumarka iyo danaha ay wadaagaan,” ayuu yiri Wasiir Sugiono.