Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyo shaqo, kuwaas oo ay Xeer Ilaaliyeyaashu talooyin ka soo dhiibteen.

Soo jeedinta, faallooyinka iyo talooyinka Xeer Ilaaliyeyaasha ka dib, waxaa la ansixiyey habraacyada cusub ee kala ah:
1. Habraaca Caddeynta danaha iska Horimaanaya.
2. Habraaca Go’aanka Eedda iyo
3. Habraaca Dhowrista Sirta iyo Xogta Galka.

Ugu dambayntii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyeyaasha sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen dhammaystirka habraacyada cusub, isaga oo sidoo kale faray in la dhaqan geliyo loona fuliyo sida ay u dhigan yihiin.
        

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka dib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Baydhabo ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo qeybaha kala duwan bulshada Magaaladda Baydhabo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu soo gaba-gabeeyay shirka sanad laha ah ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika (𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐮𝐜𝐮𝐬-𝟐𝟎𝟐𝟓) oo sanadkan looga dooday horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo adkeysi u leh marxaladaha ka dhasha saameynta isbaddalada cimilada iyo colaadaha.

Kulanka Wasiirada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen madax sare oo ka socotay hey’adaha caalamiga ah sida IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa ay dhammaantood wada yeesheen doodo miro-dhal ah oo maalmo qaatay kuwaas oo xal looga gaarayay sidii dalalka soo koraya ee Afrika ay u heli lahaayeen maalgalin dhaqaale oo salka ku haysa horumarinta kaabayaasha wax soo saarka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo shirkan ku matalayay Dowladda Soomaaliya ayaa marka laga tago fadhiyadii loo dhammaa, waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay xubnihii shirka ka soo qeyb galay oo isugu jiray Wasiiro, Safiiro iyo Agaasimayaal matalayay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed ee dalalka qaar la siiyo, kulamadaas oo dhammaantood ku soo idlaaday natiijo wax ku ool ah.

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan waxay ku beegsadeen guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirsay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad iisoo fiirisay Darteed, Xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, kadibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Juun ee sanadkaan ayey degmadda Cabdicasiis kasoo qabteen Hay’addaha ammaanka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii july.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sidaas warbaahinta u sheegay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.

Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale,, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

    

SODMA oo qabanaysa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) waxa ay qaban doontaa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya – 𝗖𝗛𝗙 𝟮𝟬𝟮5.

Madashaan ayaa looga hadlaa guud ahaan arrimaha bani’aadannimada dalka, waxaana ka soo qayb-gala hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwa caalamiga, kuwa maxaliga, Ururrada Bulshada ee ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadannimada ee Dalka iyo deeq-bixiyayaasha.
Madashan waxaa ay ka dhici doontaa magaalda Beydhaba ee xarunta Maamulka koonfur galbeed, maalinta Arbacada oo ku beegan 06 August 2025.

Wafdi ka socda dowladda federaalka oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Beledxaawo

Beledxaawo:- Xildhibaan Baale Ibraahim Cabdi oo ka tirsan BFS, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax iyo saraakiil kale ayaa maanta magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo kula kulmay qaar ka mid ah odayasha dhaqanka degmadaasi.

Kulankaan ayaa lagu lafa-guray adkaynta nabad galyada degmada iyo sidii loo taageeri lahaa Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka ee halkaas ku sugan.

    

Sheekh Aadan madoobe oo dhagax dhigay mashruuc laga hirgelinaayo Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhegax dhigay mashruuc ceelal biyood looga hirgelinaayo Magaaladda Xudur iyo deegaanadda kale ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wwasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmadda Xudur isla markaana si rasmi ah u dhegax dhigay mashruucan ceelka lagu qodayo ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo deegaanadda gobolka oo dhan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mashruuca ceelka riiga ah looga qodayo Magaaladda Xudur uu isaga si gaar ah u hirgelinayo ayaa sheegay inuu ugu talo galay in dadka deegaanka ay ka faa’ideystaan, islamarkaana uu wax badan ka tari doono baahida dhinaca biyaha ah ee shacabka ku nool Magaaladda Xudur.

Qodista ceelka riiga ah ee laga hirgelinayo Magaaladda Xudur ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doonta, waxa ayna noqon doontaa talaabo ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku nool Magaaladda Xudur.

Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladda Beijin dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Shirkadda seyniska iyo  tiknolojiyada oo fadhigeedu yahay Beijing.

Xildhibaanadaasi ka  socda labada Aqal ayaa halkaasi u jooga tababar aqoon0kororsi ah oo la xiriira cilmi baarisyada,iyagoo madaxda shirkadda ee ay la kulmeen ka dhageystay warbixinno ku saabsan taariikhda horumarka shirkada iyo qalabyada ay soo saaraan .

Madaxda shirkadda aayaa sidoo kale, sharraxaad kooban ka bixisay mashruucyada ay ka fuliyaan wadamo ka mid ah qaarada Afrika oo ay  tilmaameen in ay ka saacideen adeegyada zagga isgaarsiinta.

Xildhibaanada ka socda Soo maaliya ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen madaxda sare ee shirkada,iyagoo halkasi ku daawaday wax soo saarka shirkadda ee xaggga isgaarsiinta,sida sameynta taleefanada,computerada,telefishinada iyo qalab kale oo muhiim ah.