Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay xafiiskiisa, safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Suleiman Dedefo Woshe.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Woshe inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si kor loogu qaado xiriirka dhow iyo isfahamka labada dhinac.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo loo heysto dambiyo la xiriira maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista.

Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee uu soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha, baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay akoonka eedeysanaha ayaa lagu ogaaday lacag fara badan oo la tuhunsan yahay in loo adeegsaday maalgelinta falal ka dhan ah amniga qaranka.

Maxkamadda, kadib markii ay ku qanacday warbixintaasi hordhaca ah, ayaa ku amartay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meel-gaar ah inta baaritaanku socdo, si loo dhammeystiro gal-dacwadeedka loo haysto.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa mar kale adkeeyay go’aankiisa ah in si adag loola dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, isagoo digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falal noocaas ah in lala tiigsan doono sharciga, islamarkaana lagu marsiin doono caddaaladda.

Maxaa ka soo baxay kulamadii hoggaanka HSJ ay ku tegeen UK iyo Jarmalka?

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay warbixinada natiijooyinka wax ku-oolka ahaa ee la xiriira safarradii dibadda oo ay wafdiga heerka sare ah ay dhawaan ku tageen dalalka Ingiriiska, Swizerland iyo Jarmalka. Ujeedooyinka safaradaas ayaa ku qotomay sare u qaadista aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo sugida amniga socdaalka iyo xuduuddaha.

Qoddobada looga hadlay Kulanka:

1. Soo bandhigidda natiijooyinka u qabsoomay wafdiga HSJ ee safarradaas iyo guulaha laga gaaray wada-xaajoodyadii dhacay.
2. Meelaha laga bilaabayo iskaashiga iyo maalgelinta, gaar ahaan barnaamijyada tayeynta adeegyada socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, iyo kobcinta adeeg-bixinta muwaadiniinta.
3. Fikradaha cusub iyo farsamooyinka la heli karo si loo horumariyo shaqada Hay’adda gudaha dalka.
4. Warbixin wadaag iyo is-dhaafsi xogeed, si waaxyuhu ugu dhisaan qorshayaashooda shaqo miraha safaradaas.

Go’aamada iyo Tallaabooyinka ka dhashay Natiijooyinka Safarradaas:

• In waaxyaha HSJ ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha iskaashi ee laga helay dalalkaas.
• In xafiiska Waxqabadka iyo Isla xisaabtanka oo soo diyaariyo qorshe howleed lagu fulinayo waxyaabaha natiijooyinka kasoo baxay safarradaas.
• In la sii xoojiyo xiriirka dibadda ee Hay’adda si guulahaan oo kale ah sare loogu sii qaado.
• In loo diyaar garoowo wakiilo ka socda hay’adaha dhigeenna ah ee dalalkaas, si ay nooga taageeraan kaabayaasha tiknoolijiyada casriga ah.
               

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaannadaas, kuwaas oo ka dambeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaanadaas ka sifeeyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qaybo ka mid ah gobolka. Waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.
  

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaawday Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya.

 

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay Mudane Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda. Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka Reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Md. Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay Gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Md. Maxamed Cali Xagaa iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa iyaguna bogaadiyay deeqdaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaaraha ku dhuftay Gobolka Awdal.

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah ee ‘ Indra Gandhi’ ku soo dhaweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Safaaradda oo uu hoggaaminayo Lataliyaha Koowaad ahna Safiir Ku-Xigeenka, Mr. Cali Axmed Maxamed; Lataliyaha Labaad Mr. Cusman Maxamed Ibraahim, Iyo Xoghayaha Koowaad Mr. Maxamed Cabdi Ibraahim ayaa diblomaasiyiinta ku soo dhaweeyey madaarka.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta ay joogaan Dalka Hindiya waxay ka qayb gali doonaan tababar gaara oo loogu talo galey diblomaasiyiinta wadamada saaxiibadda dhaw la’ah Dalka Hindiya.

Tababarkan oo ka qabsoomi doona ‘ Sushma Swaraj Institute of Foreign Service ‘ , New Delhi , ayaa socon doona inta udhaxaysa 04- 13 Ogosto 2025.

Safaaradda J.F.S ee Hindiya waxay mar labaad u mahad celineysaa Dawladda Hindiya , doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso kor u qaadida tayada iyo aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Mudane Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha laga qaaday Md. Xuseen Cabdullaahi Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Agaaasimaha cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Md. Maxamed Aadan Afrax in uu dardargeliyo shaqada iyo horumarinta waaxda.

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Arrimaha Baarista, Mukhtaar Maxamed Abuukar ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Mogadishu Alport Corp. (Albayrak-Soomaaliya).

Intii uu socday kulanka waxaa lagu falanqeeyay dhaqan-gelinta talooyinka ka soo baxay Baarista Maaliyadeed ee la xiriirtay shirkadda Albayrak-Soomaaliya, iyada oo diiradda la saaray xal u helidda caqabadaha soo noqnoqday iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Labada dhinac waxa ay isku raaceen in la fuliyo talooyinka XHGS, lana xoojiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.