Wasaaradda Qorsheynta iyo QM oo ka wada hadlay sidii la isku waafajin lahaa qorsheyaasha horumarineed ee dalka

Agaasimaha Xafiiska Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Cabdifataax Cismaan Xasan (Gaandi) ayaa furay kulan ku saabsanaa is-waafajinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka, kaas oo ay la yeesheen madaxda xafiiska QM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isku waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Qorshaha Cusub ee Iskaashiga Qaramada Midoobay oo la filayo in la billaabo marka uu dhammaado qorshaha hadda socda sanadka 2025.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la dardargeliyo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay si horumar la taaban karo looga gaaro mashaariicda socda, loona hubiyo in deeqaha la helo ay la jaanqaadaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Maxkamadda Sare ee dalka oo ka wada hadlay arrimaha xabsiyada

Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Maxkamadda Sare ee dalka ayaa kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah usoo Agaasimeen ku qabtay magaalada muqdisho kaas oo looga hadlayay Caqabadaha ka taagan xabsiyada dalka sida buux-dhaafka Maxaabiista iyo arrimo kale oo quseeyo badqabka maxaabiista.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka wasaaardda cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dalka, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Ciidanka Qalabka sida, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka iyo Madax ka kala socotay Ciidanka Asluubta iyo Booliska Soomaaliyeed.

Kullanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay Arrimaha Maxaabiista iyo Xabsiyada dalka, waxaana Laysla gartay Ahmiyadda magcaabista Guddi farsamo oo ka-kooban Qaybaha bahda Cadaaladda, kaasoo ay magacaabistiisa iyo hoggaamintiisaba leedahay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta, iyada oo lagu lafa-guray kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika ka qaato taageerada nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada gudaha Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan sugidda amniga, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, isagoo ku boorriyay in la laba-jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka.

Danjire El Hadji Ibraahima Diene, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Wasiirka soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay sii wadidda taageeridda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

Baydhabo- Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF-2025) oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

Madasha ayaa isu keentay masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo dowlad gobolleed, hay’ado caalami ah, deeq-bixiyeyaal, ururro maxalli ah, ganacsato, jaaliyadda dibadda, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka, waxaana diiradda lagu saaray saameynta abaaraha, barakaca iyo isbeddelka cimilada, hoos u dhaca maalgelinta gargaarka, iyo muhiimadda hoggaaminta Soomaaliya ee qorsheynta howlaha gargaarka.

Khudbadaha iyo doodaha madasha laga jeediyay ayaa tilmaamay in la joogo waqti ay lama huraan tahay in laga guuro hannaanka gargaar ee dibadda ku tiirsan, loona jiheysto xalal waara oo ay Soomaalidu hormuud u tahay. Waxaa si gaar ah loo xusay, in la xoojiyo awoodda hay’adaha maxalliga ah, in ganacsatada, jaaliyadda dibadda, iyo Ururada bulshadu ay door muuqda ka qaataan wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo.

Guddoomiyaha Baarlamaana Koonfur Galbeed, Mudane Cali Saciid Fiqi oo shirka soo xiray ayaa u mahad-ceiyay dhammaan madaxda, hay’adaha iyo ka qeyb-galayasha, isagoo xusay in kulankaan wax badan laga bartay, marka la eego qodobbada muhiimka u ah howlaha bani’aadannimo ee laga dooday, halka uu dul istaagay in ku tiirsanaanta kaalmada dibadda kaliya aysan ahayn xalka dhibaatada.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin ayaa mati-galinta shirka uga mahad-celiyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo dhaammaan hoggaanka iyo shacabka KGS, isagoo boggaadiyay ka soo qeyb-galayaasha madasha iyo qodobbada ka soo baxay ee muhiimka u ah wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Muqdisho, Ogostoo 06, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.
Danjire Aweys waxa uu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
 Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.
Hoggaaminta wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.
Lataliyaha la magacaabay ayaa sidoo kale soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga (2023–2025), isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Ugu dambeyn, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.

QM oo sheegtay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid adag

Baydhabo-(Wargeyska Dalka)-Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway ayaa sheegay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid adag, isla markaana ay jirto baahi ballaaran oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ergeyga oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada (CHF 2025) ayaa tilmaamay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta kaalmada bani’aadannimo ay halis gelinayso adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshadu u baahan tahay.

Mudane Conway, ayaa muujiyay baahida loo qabo in dhammaan dhinacyada sida; hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha samafalka (caalami iyo maxalli), dowladaha, deeq-bixiyaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ay si dhab ah ugu istaagaan arrimaha bani’aadannimada.

Kulan ku saabsan sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed oo lagu qabtay muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:
• Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka.

• Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga.

• Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

• Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA .

• Dhisidda hannaan joogto ah oo labada hay’adood ay si wadajir ah u fuliyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in la qaadayo tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲:

• Laga bilaabo 1-da September 2025, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

Laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka ku safaraya dalka gudihiisa waxaa looga baahanyahay inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.

• Muddada ka horeysa taariikhdaas, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, lataliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Kulankan oo uu shir guddoomiyey wasiirka amniga gudahaha XFS ayaa lagu adkeeyey Isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in abaarta ka jirta gobolka Awdal ay saameeysay in ka badan 600,000 qof

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadannimo ee dalka ay tahay mid u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, isaga oo xusay abaaraha ba’an ee ka jira gobolka Awdal oo saameeyay in ka badan 600,000 qof.

Guddoomiyaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirka Madasha Arimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF 2025) oo maanta ka furmay magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale xusay colaadaha sababay barakaca weyn ee ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Gedo.

Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dadaallo ay dowladdu waddo oo ay kamid yihiin ku dhawaaqista gargaar lacageed oo dhan $500,000, halka maamulka gobolka Banaadir uu isna bixiyay $200,000, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay lama huraan tahay in la kordhiyo kaalmada, gaar ahaan kuwa ka imanaya ganacsatada, qurbojoogta iyo hay’adaha maxalliga ah.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale iftiimiyay baahida loo qabo in wax laga beddelo habka loo wajaho gargaarka Bani’aadannimo, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo hannaanka wadashaqayn oo loo dhan yahay, isla-markaana laga dhigo Soomaalida hormuudka qorsheynta iyo fulinta gargaarka.

Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay dhammaan daneeyeyaasha ka qeybgalaya shirka, isagoo ku boorriyay in laga gudbo hadalka kaliya loona gudbo ficil, si loo dhiso mustaqbal bani’aadannimo oo ay hoggaaminayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo ku dhawaaqay in dhowaan la qaban doono shir kale oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, islamarkaana garab ka helayaan saaxiibada caalamka ayaa jab culus ku gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh oo halkaasi ka dhacay.

Sida wararku sheegayaan Khawaarijta ayaa isku dayday in ay laba gaari oo Miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay ku guuleysteen in ay si taxadar leh u burburiyaan labadaasi gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha loogu magac daray “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda, intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa halkaasi lagu dilay, wuxuuna howlgalkaasi socday muddo Afar maalmood ah, ugu dambeyntiina waxaa laga gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 12 kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid maalmo kadib markii AUSSOM ay sheegtay in in ka badan 50 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ka dhacay isla deegaanka.

Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

Dhinaca kale war ay soo saartay Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayay ku sheegtay in Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay Shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay, waxaana jirta in Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo in ka badan 16 sano soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka, Saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga Dalka uu ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaannada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan Webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaannadaasi, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada Rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaannadaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qeybo ka mid ah gobolka, waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo ka furmay Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025) oo ay soo qaban-gaabisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo loo marayo hannaan loo dhan yahay, xoojinta hawlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isuduwidda iyo kor u qaadidda iskaashiga.