Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay iskaashiga waddamada badaha leh iyo kuwa aan lahayn

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ka qeybgalay Shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee waddamada soo koraya ee aan badda lahayn (LLDCs), kaas oo ka furmay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, socon doonana 5–8 Agoosto.

Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa isku xirnaanta dhanka kaabeyaasha, fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyo kor u qaadidda iskaashiga dhanka horumarinta ee u dhexeeya wadamada aan badaha lahayn iyo kuwa badda leh.

Ujeedada guud ayaa ahayd in la xoojiyo fursadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka waara, iyadoo la adeegsanayo iskaashi ballaaran iyo istiraatiijiyad cusub oo lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034.

Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa shirkan uga qayb galay matalaadda Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, isla markaana la xoojinayo xiriirka iskaashi ee gobolka iyo caalamkaba.

Wasiirka qorsheynta oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay iswaafajinta barnaamijyada muhiimka ah ee socda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Danjire Karin doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah muddadii ay xilka haysay.

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo Shabeelaha hoose ka dhacay

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay.

Ciidanka NISA ayaa kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hogaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya marwo Karin Johansson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka amniga iyo difaaca, taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dib u habeynta hay’adaha difaaca, tababarrada ciidamada qalabka sida, iyo dardargelinta barnaamijyada xasillinta ee deegaanada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee ku aaddan dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

  •     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirada 8-wadan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah:

•⁠ ⁠Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya

•⁠ ⁠Robert Ifriyie – Safiirka Ghana

•⁠ ⁠Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast

•⁠ ⁠Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico

•⁠ ⁠Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela

•⁠ ⁠Kang Hyundshik – Safiirka Korea

•⁠ ⁠Hussein Deh – Safiirka Mauritania

•⁠ ⁠Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha gargaarka ee Dowlad-goboleedyada dalka, ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo berri ka furmi doona Baydhabo.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa looga hadlayaa guud ahaan arrimaha bani’aadannimada dalka, waxaana ka soo qeybgalaya hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo deeq-bixiyeyaasha.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka Shaati-gduud.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-gelinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineyso, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Guddiga Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabtay, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Jiif Caaqil Macow Cumar Maxamed iyo Prof. Cabdullaahi Maxamed Aadan (Salaamullah).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka Qurbajoogta ee ku aaddan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana ay gacan taakulayn ah ugu geysan lahaayeen taageerada Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan dhinacyada la xiriira daryeelka iyo u hiilinta qoysaska shuhadada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay xubnaha Qurbajoogta dadaalkooda iyo garab istaagga ay siiyeen Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeyso dhammaan shacabka doonaya inay kaalin muuqata ka qaataan difaaca dalka.

Xeer ilaalinta Qaranka oo gacanta ku haysa kiis la xiriira maalgelinta argagixisada

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray kiis la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kaas oo loo xayiray ku dhawaad 1-milyan oo Dollar.

Kuuriyada Koonfureed oo Safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-Shik.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guulaysto howshani muhiimka ah ee loo igmaday, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kobcinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Kuuriya, caddeeyayna muhiimadda ay leedahay xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo in la sii wado wada-shaqeynta si loo hiigsado himilooyinka la wadaago, isfahanka labada dal iyo sare u qaadida wax-wadaagga.