Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta cisbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj oo ka qeybgalay kulanka todobaadka  waraahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay dayactirka 8 cisbitaal oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa shaaciyay in dowladda ay haatan ku howlan tahay dhismaha 6 cisbitaal oo laga hirgalinaayo degmooyinka ay maamulaan dowlad goboleedyada,si ayuu yiri “shacabka halkaasi ay u helaan daaweyn ay kaga maarmaan deegaanada kale.

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj ayaa qiray in ay shaqaaleysiiyeen dhaqaatiir howlkar ah,isagoo intaa ku daray in cisbitaalada Banaadir iyo Martiini lagu qalabeeyay adeegyo aasaasi ah oo gacan ka geysan kara la socodka xanuunada kala duwan ee inta badan soo rida bukaanada caadiga ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay si joogto ah uga warqabaan dhaqdhaqaaqyada cisbitaalada gaarka ah,isla markaana ay leeyihiin xiriir fiican oo xagga wada shaqeynta ah.

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay  qabsadaan guud ahaan deegaanada Gaza.

Ergeyga oo la hadlay saxaafiyiinta ku sugan xarunta UN-ka ayaa yiri “Waxaan u maleyneynaa in tani ay tahay tallaabo aad u xun oo loo qaaday jihada qaldan, waana cambaareyneynaa falkaan iyo mid kale oo lamid ah”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay qorshe la doonayo in lagula wareego gacan ku haynta marinka Qaza,iyadoo qorshaha lagu bilaabayo in ciidamada Israa’iil ay u dhaqaaqaan goobo aysan horey u gelin, oo ay ku jiraan waxa ay ku tilmaantay xeryo ku yaalla bartamaha Gaza oo Xamaas ay ku tababarto ciidamada iyo magaalada Gaza lafteeda.

Sidoo kale,qorshaha ayaa dhigaya in dadka deggan magaalada Gaza laga saaro koonfurta oo ay ku xigto in la hareereeyo magaalada oo la bilaabo weerarro dheeraad ah oo laga sameeyo meelaha dadku ku badan yahay, sida laga soo xigtay ilo wareedyo aan la shaacin.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro xooggan oo ka dhalatay dagaalka burburka ah ee ay ku hayso Gaza, halkaasoo in ka badan 61,200 oo qof lagu dilay tan iyo Oktoobar 2023.

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal la beegsaday khawaarijta ka fuliyay Sh/Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku maleegaayey  falal argagixiso ah.

Waxaa jira khasaare xooggan oo gaaray khawaarijta, gaar ahaan horjoogeyaal sare oo ku sugnaa halkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen.

Faahfaahin dheeraad ah ayaan idinla wadaagi doonaa saacadaha soo socda.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la dardaarmay saraakiil deeq waxbatasho ka helay Shiinaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa ka qeybgalay Xaflad ka dhacday Muqdisho oo loo osameeyay 31 sarkaal oo deeq waxbarasho ka helay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Wasiiru dowlaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda..

Wasiir Cumar ayaa saraakiisha ka socday ciidanka xoogga kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddaan qiimaha leh, isla markaana ay soo laabtaan,iyaga oo xambaarsan aqoon casri ah, xirfad sare iyo waayo-aragnimo ka ka tarjumaya baahiyaha amni ee qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maadeey Sheekh Nuur Ufuroow, , Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu iyo marti sharaf kale.

Xafiiska xeer ilaalinta iyo Laamaha Amniga oo qabtay 189 kartoon oo lagu soo qariyey daroogo

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Laamaha Amniga oo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah iyo kaniiniyaal Isticmaalkooda ka reeban yahay gudaha dalka kuwaa la doonayay in dalka lasoo galiyo.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Afgooye ku tababaraaya howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar uga furay Degmada Afgooye howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, inta uu tababarka socda howlwadeennada ayaa qaadanaya casharro iyo khibrada la xiriira sidii ay si hufan ugu qaban lahaayeen hawsha diiwaangelinta iyo ku shaqaynta qalabka casriga ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee tababarka u furay howlwadeennada ayaa howlwadeennada tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan aqoonta muhiimka ah ee la siinayo, taasoo saldhig u ah howlgalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Wasiirka Beeraha XFS oo deeq isugu jirta Gadiid iyo qalab guddoon siiyey qaar ka mid ah Beeralayda dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa fuliyey ballanqaadkii uu horey uga qaaday taageeridda beeralaydda Soomaaliyeed oo ay kujiraan dhalinyaradda ku hawlan ka faa’iidaysiga teknoolajiyadda casriga ah ee Greenhouse-yada.

Wasiirka oo kaashanaayo Hay’adda Qadar Charity, ayaa gudoonsiiye beeralayda 40 mooto oo ah kuwa xamuulka ah ee khudaarta lagu qaado, iyo 40 makiinad oo ah nooca lagu finjilo galleyda iyo badarka kale.

Munaasabadda wareejinta agabkan ayuu Wasiir Maareeye si gaar ah ugu dhiirigeliyay beeralaydda Soomaaliyeed in ay isku tashadaan, kaalintoodana ka qaataan kor u qaadista wax soosaarka, dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka saboolnimada, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhalinyaro firfircoon oo la jaanqaadi kara isbeddellada dunida.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekeda Muqdisho ku soo dhoweeyey wafdi ka socda dowladda Ingiriiska

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay Wehlinayaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekadda Muqdisho, Agaasimaha Furdooyinka ayaa maanta xarunta Dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Mr. Charles King iyo koox kale oo ka socotay Xafiiska Horumarinta Dowladda UK.

Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgalidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha oo Dowladda UK ay gan ka geysatay dhisidda habka wadashaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaano (𝐒𝐢𝐬𝐭𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐫𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚, 𝐒𝐎𝐌𝐂𝐀𝐒) oo ah hannaan online ah oo ay ku wada shaqeynayaan maamulka qeybta Maaliyadda ee dekadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka u jooga Soomaaliya Dowladda UK Mr. Charles King oo kormeerka kadib hadalkooban jeediyay ayaa tilmaamay in Dowladda UK ay sii wadidoonto wadashaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadasha qorshayaasha horumarineed hannaanka sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo horey dilal uga geystay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha hoose.

Qudaama Xamsa Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey), iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa ahaa eedeysanayaal horey ay maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo falal amni-darro ah.
Fulinta xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka.

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka Guddiga Hagidda ee urur goboleedka bulshada bariga Afrika EAC

Caruusha-Tansaaniya- Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga Hagidda ee Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya intii u dhexeysay 4–6 Agoosto 2025.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Qabyo-Qoraalka Istiraatiijiyadda 7aad ee Horumarinta EAC (2026/2027–2030/2031), taas oo hagaysa jihada iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo horumarka gobolka sanadaha soo socda.