Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali ee hoos yimaada degmada Cadale.

Masuuliyiintan ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada ku sugan jiidda hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay geesiyaasha qaranka ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Sidoo kale, waxa ay halkaas ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka iyo istiraatiijiyadda lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee gobolka ku dhuumaaleysanaya.

Wafdigan oo muujinaya garab istaagga shacabka iyo ciidamada, ayaa ballan qaaday in dagaalka socda ee ka dhanka ah khwaarijta la sii xoojin doono tan iyo inta guud ahaan dalka laga xoreynayo argagixisada

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Dhammaan isisoo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay u dulqaadan waayeen oo ay ku adkaatay nolosha adag ee cadowga Khawaarijta duurka ku heysata iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, isla markaana ay go’aansadeen in bulshadooda ay dib ugu soo laabtaan.

Ciidamada Qaranka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardargeliyey howlgalka dalka oo dhan laga iclaamiyey ee ‘Duufaanta Aamusan’ waxayna ku guuleysteen inay dilaan dhowr horjooge iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu burburiyay isbaarooyin ay dadka ku baadi jireen Khawaarijtu, iyo goobo kale oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beerre ayaa ah mid dhagarta Khawaarijta looga dulqaadayay shacabka ku dhaqan deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo soo celiyo nabadda, kalsoonida bulshada, iyo xasilloonida.

 

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Japan, H.E. MIYASHITA Tadayuki. Gudbinta waraaqahan waxay xaqiijinaysaa xilkeeda Danjirenimo ee Japan, iyadoo aan degganayn (Non-Resident).

Intii uu socday kulanku, Danjire Hodan ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay in xiriirka labada dal uu noqdo mid la taaban karo oo wax ku ool ah, iyadoo la dardargelin doono wada-shaqaynta dhinacyada muhiimka ah ee labada waddan ay wadaagaan.

Japan waxay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Soomaaliya sanadkii 1960, hase yeeshee Danjirihii ugu dambeeyay ee si rasmi ah u gudbiya waraaqaha aqoonsiga wuxuu ahaa H.E. Col. Hassan Abshir Farah sanadkii 1987.

Tallabadan maanta waa natiijo ka dhalatay aragtida iyo hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya in dib loo dhiso sumcadda dalka, loona muujiyo caalamka horumarka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo bulshada — geeddi-socod ay ku jirto xasillooni, dib-u-dhis iyo horumar joogto ah, iyadoo Soomaaliya maanta dib ugu soo laabatay miiska caalamka oo diyaar u ah iskaashi Dhab ah oo ku qottoma wax wada-qabsi.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah ee lagu yareynayo gaajada iyo nafaqo-darrada, loogana hortagi lahaa dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee la tacaalaysa macaluusha.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta barnaamijyada nafaqada ee bulshada, gaar ahaan kuwa hooyooyinka iyo carruurta, horumarinta xalal hal-abuur leh oo dhiirrigeliya isticmaalka cuntada maxalliga ah, iyo dhisidda nidaam sahay waara oo hubiya in cuntada nafaqada leh iyo daawooyinka muhiimka ah ay si joogto ah ugu gaaraan dadka ugu nugul, gaar ahaan meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka jiraan.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo ururinta kheyraadka si loo fuliyo ballanqaadyadii ka soo baxay shirkii Nutrition for Growth ee la qabtay bishii Febraayo 2025, iyadoo la dhisayo guddi wadajir ah oo mideeya ololaha iyo qorsheyaasha la xiriira. Waxaa intaa dheer in la kobciyo iskaashiga cusub oo ay ku lug leeyihiin ganacsatada dalka, qurbo-joogta iyo hay’adaha samafalka gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda WFP ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la helo taageero joogto ah oo wax ku ool ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal caafimaad iyo nolol badbaado leh oo carruurta Soomaaliyeed ay helaan.

Madaxda Gobolka Minnesota oo Abaalmarinaya halyeeyada Soomaaliyeed

Minneapolis: Hay’adda(VOS) ee fadhigeedu uu yahay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, 15-kii sanno ee ugu dambeeyey ka shaqeyneysay horumarinta iyo gacansiinta bulshada ayaa dabayaaqada sannadkan 2025, waxay soo agaasintay barnaamijka loogu magacdaray dhiirigelin bulsho (SHA)- Somali Hero Awars.

Cali Gaashaan oo ah aas aasaha hey’adda VOS ahna madaxweynaha Soomaali Hero Awars ayaa wakaaladda warka soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay Soomaali hero astaanteedu tahay dhiirigelinta kuwa mudan.

Madashan maamuuska weyn leh waxaa isugu imaan doono dhammaan Soomaalida ku nool daafaha caalamka gaar ahaana kuwa kuhowlan wax qabadka bulshadooda, iyadoona lagu xusi doono halyeeyadii qarankeena usoo halgamay.

Abaalmarinta ayaa waxaa lagu bixin doonaa qaab Online ah, barta somaliheroawrds.com ayey bulshada ugu soo dhiiban doonaan codkooda si ay usiiyaan qofka u qalma, madax iyo marti sharaf qiima leh oo kasocda Hay’adda ayaa kamid ah dadka kasoo qeyb geli doona barnaamijka maamuuska halyeeyada.

Barnaamijka maamuuska haleyeeyada Soomaalida ayaa noqon doona mid la qaban doono sanadkii mar,iyadoo la dhiirigelin doono kuwa mudan ee guuleystay.

 

Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay Barnaamijka isla-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in isla-xisaabtakani uu muujinayo ballanqaadkiisii ku aaddanaa dowlad wanaagga, waxa uuna xusay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay Xukuumaddu xaqiijisay horumarro muuqda oo dhinacyo badan leh.

“Waxaan rabnaa in aan iskula xisaabtanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon, saddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay shacabka Soomaaliyeed sida hufnaanta iyo masuuliyadda leh ee Xukuumaddu ay mudnaanta u siisay ka shaqeynta fulintii barnaamijyadii hortabinta u lahaa, ee ku qotomay, horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-xoreynta, sugidda amniga, caddaaladda, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, Soomaali heshiis la’ah dunida iyo Soomaali heshiis ah.
                              

Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo si casri ah loo dhisayo

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay weheliso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda oo dhisme uu ka socdo.

Kormeerkaan aya ujeedkiisa ahaa sidii loo qiimeyn lahaa halka uu marayo dhismaha xarunta Wasaaradda oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhagaxdhigay 15kii May 2025.

Dhismaha xarunta Wasaaradda oo meel fiican marayo ayaa la qorsheynayaa in dhammaadka sanadkaan ay ku shaqeyso Wasaaradda.

Xildhibaanada D/gobolleedka Waqooyi bari oo la dhaariyay

Waxaa magaalada Laascaanood Shahaadada Xildhibaannimo lagu guddoonsiiyay Xubanaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Intaasi ka dib, Ku Simaha Guddoomiyaha Maxkmadda Sare Waqooyi Bari Mudane Maxamed Yuusuf Warsame ayaa si rasmi ah u dhaariyay Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ka duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen). Howlgalkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Horjoogahan, oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay. Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu soo noqday:
* Madaxa howlgelinta dagaalka ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,
isla markaana wuxuu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo dalka ah, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka. Dilkiisu wuxuu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgalada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.