Shirweynaha wadatashiga qaran ee tababaridda khubarada fidinta xanaanada xoolaha oo la daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha wadatashiga qaran ee tababaridda khubarada fidinta xanaanada xoolaha.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa ka qey galaya agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed ,Hirshabelle, Galmudug Jubaland iyo Maamulka Waqooyi Bari, khubaro iyo dhammaan daneeyayaasha xoolaha.

Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada ay leedahay sare u qaadida wax soo saarka Xoolaha, iyagoo is tusaaleeyay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi dhab ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka Xoolaha , oo kamida ilaha dhaqaale ee Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar oo si rasmiya u furay shirka, ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan muhiimad gaar ah ay siin doonaan awood siinta ururrada wax soo saarka xoolaha, xoojinta qaab dhismeedka bulshada, kor u qaadista awoodda farsamada iyo dardargelinta isbeddelka Beeraha iyo Xoolaha, xoolaha, taas abuuri doonta xalal waara iyo u adkaysi ay helaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Soomaliyeed.

Horjooge katirsan khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-boon iyo Buurdhuxunle ee gobolka Bakool.

Howlgalkan oo si xeeladeysan loo fuliyay ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macalin Xasan, afgarashadiisana khawaarijtu u yaqaannay “Magaalabeen.”.

 

  

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in kulankooda ugu horreeya in ay yeeshaan iyada oo Xildhibaannada iska dhex dooranaya qofka ugu da’da weyn si uu u shirguddoomiyo, kaddib waxaa la qaban-qaabaninayaa doorashada guddoonka sida qorshuhu yahay.

Hoos ka Akhriso magacyada Xildhibaannada Maamulka Waqooyi bari:

  

 

50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka khawaarijta oo la sagootiyey Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey 50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka (Macawiisleey), kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Qaar ka mid ah xubnaha Ciidamada Deegaanka ee maanta u safray magaalada Buuloburte ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle uga mahadceliyey daryeelka caafimaad ee loo fidiyey, iyagoo dib ugu laabtay furimaha dagaalka, dibna ula midoobay qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.

   

 

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu soo baxay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda, kuwaas oo taageerayay hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee dhawaan la filayo in dalka laga qabto.

Isu soo baxa ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Gobolka Banaadir iyo shacabka ka kala yimid 20-ka degmo ee caasimadda, kuwaas oo si weyn u muujiyay taageerada ay u hayaan doorashada golayaasha deegaanka, si ay iyagu u soo doortaan cidda hoggaamineysa.

Qaar ka mid ah shacabka ka qeyb galay dibadbaxa ayaa la hadlay warbaahinta.

Caaqil Nuur oo ka mid ahaa dhalinyarada Muqdisho ayaa yiri:
“Dadka caawa isugu yimid Taleex waxay muujinayaan shucuurtooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin doorashooyinka qof iyo codka ah.”

Maama Suldaano oo sidoo kale goobta joogtay ayaa tiri:
“Caawa Taleex waxaa joogay dad ka kala yimid 20-ka degmo ee Gobolka, qof iyo codkana shacabka caasimaddu waa u diyaar.”

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo goobta ka hadlay ayaa xusay in hal milyan oo shacab ah oo isdiiwaangeliyay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

“In hal milyan oo shacab ah ay is diiwaangeliyaan waa guul ummadda u soo hoyatay,” ayuu yiri Yabooh.

Dhawaan ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada golayaasha deegaanka, taas oo noqon doonta markii ugu horraysay 56 sano kadib, ay shacabka Soomaaliyeed helaan fursad ay si toos ah ugu soo doortaan hoggaankooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare, gaar ahaan korjoogtaynta iyo horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxaha argagixisadu ku dhuumaaleysanayaan.
   

Shacabka Gobolka Banaadir oo diyaar u ah Doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

Wuxuu guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in ay kaarka codeynta qaateen ku dhawaad hal Milyan oo qof.

Shalay oo taariikhdu ahayd 15/8/2025, waxaa soo xirmay feeding dheeraa ee aan u soo galnay inaan bilaawno diiwaangelinta dadweynaha gobolka Banaadir ee dioramas soo socota ee golaha deegaanka,hadafkeennu wuxuu ahaa in siddeed boqol iyo labo iyo toban kun oo qof aan diiwaangelino, waxaa aad war loogu Farxo ah in dad ku dhow Hal Milyan oo dad ah maanta diiwaangashan yihiin,’’.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in shacabka gobolka Banaadir diyaar u yihiin in ay codkooda ku doortaan hoggaamiyahooda.

Waxaa si aad ah dalka kaga socda dhaqdhaqaaqa diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah.

Haya’adda Socdaalka iyo Booliiska Caalamiga ah ee Interpol oo heshiis caalami ah kala saxeexday

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqangelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hay’adda iyo INTERPOL.

Heshiiskan ayaa waxaa u kala saxiixay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, labada dhinac ayaana si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashiga labada hay’adood iyo wada shaqeynta lagu xaqiijinayo sugidda xuduudaha dalka, ladagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah.

   

Gudidda Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Afgooye ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Afgooye ayaa si rasmi ah Degmada ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada reer Afgooye ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.