Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Macallin Fiqi oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku booriyey kuna amaanay geesiyaasha qaranka halganka ay ugu jiraan sidii dalka looga ciribtiri lahaa cadowga dalka iyo dadka ee Khawaarijta Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in cadowga duulaankooda uu yahay baadil, xaqqana uu yahay midka ay har iyo habeen u soo jeedaa Ciidanka qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya, wuxuuna geesiyada qaranka ku dhiirigeliyay in ay yihiin kuwo Dalkooda u halgamaya.

“Kuwa u baahan dhiirrigelin waa bulshada, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal dalkooda u halgamay oo cadowga ka xoreeyay.” ayuu yiri wasiir.

Ugu dambeyn, wasiir Ahmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada uu la kulmay u sheegay in ay diyaar u noqdaan dhammeystirka iyo soo afjaridda Dhallinyarada dacas la’aanta ee ku dhuumaaleysanaya keymaha howdka iyo gododka ah qoteen.

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Korneel Richard Grover.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo farsamo iyo hawlaha wada-shaqeynta maamul ee labada wasaaradood, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dhinacyada maamulka iyo taageerada tababarrada shaqaalaha.

Wasiir Fiqi oo kormeeraya furimaha dagaalka Shabeellaha dhexe

Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku guda jira booqashadiisa furimaha hore ee dagaalka, ayaa maanta tegay deegaanka Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay hoggaanka ciidanka qaranka iyo bulshada ee ku sugan halkaas, isaga oo bogaadiyay geesinimada iyo adkaysiga ay muujiyeen ciidamada inta uu socday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mideysan yihiin taageerada iyo garab istaagga ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka gaareen cadawga, wuxuuna xusay in taageerada shacabka iyo dadaalka ciidamada ay horseedi doonaan in Soomaaliya ku guulaysato dagaalka Khawaarijta.

 

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay wafdi ka socda Azerbaijan

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow iyo mas’uuyiin kale oo katirsan hay’adda ayaa xarunta dhexe kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Azerbajan kuwaas oo marti u ahaa Dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ugu horreyn soo bandhigay hannaanka Dowladda Azerbajan u horumarisay adeegyada dadweynaha, isbeddellada horumarinta ee dhanka Teknooliyidda iyo hufnaanta adeeg-bixinta dalkaas. Wafdiga ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaashooda ku aaddan sidii ay u taageeri lahaayeen hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeeg-bixinta, tababarada shaqaalaha, iyo adeegsiga teknoolojiyada casriga ah.

Dhanka kale, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa wafdiga u soo bandhigtay hannaanka ay adeegyada u bixiso iyo dadaallada horumarineed ee lagu xoojinayo awoodda hay’adda iyo tayada adeeg-bixinta bulshada.

Ugu dambayn, wafdiga ayaa booqasho kormeer ah lagu geeyay xafiisyada Baarista Dukumentiyada ee FDU iyo Xafiiska Madbacadda Baasaboorada, halkaasoo oo ay ku arkeen habraacyada shaqo iyo nidaamka casriga ah ee loo isticmaalo diyaarinta iyo bixinta dukumentiyada muhiimka ah ee socdaalka.

Ilaa 100 ka tirsan Khawaarijta oo lagu laayey Shabeelaha hoose

Ciidamada gaarka ah ee Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada taageerada cirka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku burburiyay godod iyo gabaadyo ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen, halkaasna waxaa lagu dilay in ka badan 100 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaalka socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta la xisaabtamay wasaaradaha arrimaha adeegga bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira la xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran ee Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Dowlad-Wanaagga, ayaa waxa ay u soo bandhigeen waxyaabaha uga hirgalay heshiiskii ay kala saxiixdeen sanad ka hor ee ku aaddanaa barnaamijyada horutabinta u leh iyo hadafyada laga doonayey in ay xaqiijiyaan.

Guulaha ay soo bandhigeen wasaaradaha muddadii sanadka ahayd, ayaa saldhig u ah, hufnaan iyo isla-xisaabtan, taas oo dhabbaha u xaareysa Soomaaliya ku dhisan sinnaan, caddaalad, horumar iyo gaarsiinta dadweynaha Soomaaliyeed adeegyada ay u baahan yihiin.

Wasaaradaha ku midaysan Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Dowlad-Wanaagga, ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay horumarinta adeegga bulshada, kor u qaadidda caafimaadka iyo waxbarashada, xuquuqda aadanaha, daryeelka qoyska, xoojinta dhaqanka iyo diinta, kobcinta fursadaha dhallinyarada, ilaalinta deegaanka, kor u qaadidda wacyiga bulshada, iyada oo loo marayo warbaahinta, bahda dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wasiirrada mid mid u weydiiyey su’aallo ku saabsan waxyaabaha uga hirgalay yoolashii la dejiyey ee ay sanad ka hor la wadaageen shacabka Soomaaliya, si loo qiimeeyo, isla markaana horey loogu sii wado guulaha la gaaray.

Mudane Xamsa oo uga mahadceliyey Wasiirrada shaqada baaxadda leh ee ay qabteen, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in la sii dardargeliyo shaqada, lana joogteeyo isla xisaabtanka lagu horumarinayo hufnaanta hey’adaha dowladda.

     

Wafdi ka socda hay’adda maareynta musiibooyinka oo Baladxaawo gaaray

Baladxaawo: Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta gaaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wafdigaan waxaa xerada Uk ee duleedka Beledxaawo ku soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada, Saraakiil ka soctay qeybaha kale duwan ee ciidamada Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ayaa daaran u kuurgalida xaaladaha Banii’aadanimo ee degmadaan ka jira, qeybinta deeq gargaar ah oo loogu talagalay dadkii dagaaladii degmadaan ka dhacay ku barakacay, sidoo kale Degmadaan waxaa ka dhacaya shir gaar ah oo looga hadlaayo wax ka qabashada baahiyaha banii’adanimo ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay Beledxaawo iyo sida gurmad loogu gaarsiiin karo dadka sameenta adag ay ka soo gaartay coladaan, waxaana shirkaan horkacaysa SoDMA.

    

Wasaaradda maaliyadda oo ka digtay jabinta nidaamka canshuuraha

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmo Xaange ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dakhliya iyo dar-dar galinta canshuuraha kala ah 1-canshuurta iibka (VAT), 2-canshuurta waddo-mirsta iyo 3-canshuurta kirada guryaha, kulanka waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Hoggaanka ilaalada Canshuuraha, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo howl-wadeeno kale.

Dood dheer oo salka ku haysay u kuurgalid, qiimayn iyo falanqeyn kadib waxaa la isla qaatay in talaabo cad laga qaadayo cid kasto oo lagu helo la baxsi canshuur iyo is daba marin. Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda, Hoggaanka ilaalada Canshuura iyo xafiiska xeer-ilaaliya qaranka waxa ay isla qaateen in talaabo sharci laga waado si cidii ku xad-gudubta dakhliga iyadoona loo maxkamadeyn doono falkasta oo la xiriira canshuur diidmo ama la baxsasho.

Wasiir Xoosh oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa ka qeyb galay, khudbadna kajeediyey kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bogaadin iyo dardaaran u jeediyay Xubnaha Golaha oo yeeshay kulanka 2-aad Kal-fadhigiisa 1-aad isaga oo kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha dhiman.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda DanQaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyada oo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada, dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wasaaradaha waxa uu su’aallo ka weydiiyey qorshayaashooda Qaranka, si loo hubiyo in ay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballan-qaadkii ay horey u saxiixeen. Waxa uuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Xukuumadda DanQaran, ayaa muddadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay waxa ay xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkaynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah.