Wasiirka arrimaha dibadda oo sagootiyey danjiraha Masar oo muddo xileedkiisu idlaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Danjire El-Baz dadaalkiisa daacadnimada leh ee uu ku xoojiyay xiriirka labo geesoodka, korna ugu qaaday is-fahan is-dhaafsiga labada dal, isaga oo u rajeeyey guul iyo barwaaqo joogto ah dhammaan howlihiisa mustaqbalka.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarumo dowladeed oo laga hirgaliyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay, isaga oo khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

“Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

    

Danjiraha Soomaaliya ee Italy oo ka hadlay Soomaali Dooni kula qalibantay Lampedusa

Rome: Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay xeebaha Jasiiradda Lampedusa.

Tahribayaasha oo ka soo jeeda dalkèena Soomaaliya ayaa ku wajahnaa dalka Talyaaniga, balse cilad qabsatay awgeed ay la qalibmatay doonyihii ay saarnaayeen, kaasi oo sababtay dhimasho iyo tiro dad ah oo wali la la’yahay.

Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la soo badbaadiyay 15 ruux, halka ay dhinteen 23 qof, waxaana weli socda gurmadka lagu baadi goobayo dadka la la’yahay.

Danjiraha ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan in ubadkooda ay kala dagaalamaan dhibaatada tahriibka, maadaama waqti walba la arko in dhallinyaradu ay ku baaba’ayaan badaha.

“Dhallinyarada waxaa dhankooda looga baahanyahay inaysan naftooda qatar u bareerin, oo ay aaminaan dalkoooda, qarashka uga baxaya tahriiibkana ay ku abuurtaan fursado shaqo ama ganacsi”. Ayuu yiri Danjire Ibraahim Cumar Sheegow.

Danjire Ibraahim Cumar Sheegow Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa hay’addaha amaanka ee dalka ugu baaqay inay sharciga la tiigsadaan burcadda ku shaqada leh tahriibinta sharci darada ah dhallinteenna.

Madaxweynaha JFS oo xariga ka jaray xarunta mashruuca Nagaad

Dhuusamareeb(SONNA):-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaasoo ay fuliso Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

Madxweynaha ayaa shalay safar ku tegay Dhuusamareeb isagoo halkaa u tegay inuu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada sidoo kalena xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.

Sidoo kale safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.

     

Danjire Jibriil Cabdulle oo lagu martiqaaday in uu furo tartanka Sanadlaha ah ee Lady Justice

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sanadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR Moot kaas oo lagu qabtay jaamacada weyn ee United States International University–Africa (USIU–Afrika ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Tartankan ayaa waxaa ka qayb galaya arday ka socota Jaamacadaha ugu waaweyn  ee ku yaala qaaradda Afrika iyada oo sanadkan  diiradda lagu saarayo sida ugu sahlan ee loo xalin karo khilaafaadka ka dhasha ganacsiga furan ee ka jira wadamda Afrika iyo Khilaafaadka ka dhasha xuduudaha dalalka Afrika.

Danjire Jabril oo khudbad dheer ka jeediyaya furitaanka tartanka ayaa ka hadlay muhiimda ay u leedahay Ganaciga xorta ah ee Afrika iyo sida ay lama huraan u tahay in dalalka Afrika ay xal ugu heelaan caqabadaha hortaagan ganacsigooda.

Waxaa sidoo kale xaflada furititaanka ka qayb-galay Professor P.L.O. Lumumb iyo Lady Justice Joyce Aluoch iyo madax kale.

Masuuliyiin booqday deegaanka Xaaji Cali oo uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdigan ayaa waxa hoggaaminaya Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha Booliska Hirshabelle Gen. Xasan Dhicisoow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Muuse Shitaawe.

Booqashada mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Hirshabelle ay ku taageereyso ciidamada deegaanka ee ka qayb qaadanaya xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ayaa ku boorriyay ciidamada xaq u dirirka in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in dowlad-goboleedka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ay garab istaagi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

labaddan xubnood ayey Maxkamaddu hore ugu xukuntay xukun dil toogasho ah.

xubnahan ayaa kala ah Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo magaciisa Afgarashadu ahaa Cali iyo Siyaaf.

xubinta labaad ayaa ahaa C/qaadir Abuukar Axmed oo  magaciisa Afgarashadu ahaa Nasru-diin iyo  Saabir, labada xubin ayaa lagu wada fuliyay Dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida,labadadooda oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa dilal horay uga gaystay Caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la yeelan doona madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.

    

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay,  waxaa maanta cagadhigatey Diyaaraddi ugu horreysey oo kuwa xamuulka qaada ah, Kadib markii dhawaan la soo gabagabeeyey Dhismaha garoon diyaaradeed oo muddo halkaas ka socday.

Duulimaadyada Diyaaradaha ayaa si aad ah baahi weyn ay uqa qabeen bulshada Degmada waana mid fududeyn Doonta Safarrada Duulimaadyada Degmada Buur-hakaba.

Shacabka degmada ayaa si aad ah u soo dhoweeyay una bogaadiyay tallaabadan horumarka leh ee degmadu ay ku yeelatay garoon diyaaradeed oo baahi weyn u qabeen Bulshada deegaanka.

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 u noqota 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.

Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dawladda, maadaama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.

Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.