Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadaha cimilada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalalka waara ee dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la xoojiyo xalalka waara ee lagu horumarinayo dhaqaalaha cagaaran iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa khudbaddiisa ku sheegay: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in la qabto shirweynahan, waxaana rajaynaynaa in shirarka dambe aan si wadajir ah u qaban doono annaga iyo Wasaaradda Deegaanka, si dhallinyaradu uga faa’iidaystaan fursado badan oo wax ku ool ah.”

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa dhanka kale yiri: “Maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka, waxaan qorsheynaynaa inaan qabanno shir ka ballaaran kan maanta, maadaama shirkan uu ahaa mid kooban oo kaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaan rabnaa in dhallinyaradu ay kaalin muuqata ka qaataan go’aan-qaadashada, hirgelinta siyaasadaha cimilada iyo xalalka waara ee horumarinta dalka.”

Waxa uu shirku sidoo kale fursad u noqday in dhallinyaradu ay fikradahooda iyo aragtidooda ku biiriyaan qorsheyaasha qaranka ee cimilada, loona diyaariyo Soomaaliya mustaqbal waara.

     

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Taliska 21 ee Ciidanka xoogga

Dhuusamareeb:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha D-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad, Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo qorsheyaasha hortabinta leh ka dhageystay Taliska Qaybta iyo Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada, isaga oo kula dardaarmay in ay labanlaabaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo qaab casri ah loo dhisayo, isaga oo ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Shirkadda gacanta ku haysa dib u dhiska Garoonka.

         

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika

Yokohama:-Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika ee 9-aad (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.

Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Jabaan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullahi Cali.

Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay isagoo si gaar ah u iftiimiyay:
• Guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jirto dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka dalka ee barnaamijka cafinta deynta.
• Kalsoonida maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay muujiyeen kalsooni ku saabsan jihada dhaqaalaha iyo amniga ganacsiga.
• Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision 2060), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado maalgashi oo waara.

Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira, sida:
• Kalluumeysiga badda hodanka ah.
• Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef.
• Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal fursado badan leh, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay hindise sharciyeed la xiriiray badqabka nidaamka komputerada ee Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta ansixiyey hindise sharciyeed ku saabsan badqabka sirta iyo amniga ee nidaamka komputerada Soomaaliya.

Kulanka Golaha Wasiirada oo ahaa kii todobaadlaha ee caadiga ahaa waxaa looga hadlay qodobbo la xiriiray dambiyada Saybarka ee ka dhaca komputerada iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban karo.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan ay soo gudbiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda,kaas oo ku saabsanaa ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada.

Sharcigaan ayaa xoogga saaraya oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Kulanka golaha wasiirada waxaa kaloo looga hadlay arrimmo khuseeyay amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta,iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Galmudug loogu sameeyay xaflad casho sharaf ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacday  xarunta madaxtooyada ee Galmudug.

Xafladdaasi waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku martiqaaday wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda ee safarka shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudadii uu joogaay halkaasi xarigga ka jaray mashaariic horumarineed,isagoo dhinaca kale tilmaamay in Galmudug ay mareyso meel wanaagsan oo tusaale u noqon kara Dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Munaasabaddaasi casho sharafta ah waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Shir ku saabsan Istiraatiijiyadda Qaran ee ka jawaabista musiibooyinka oo Muqdisho ka furmay

Guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer qaran ah oo socon doonna muddo labo maalmood ah, kaas oo loogaga tashanayay sidii loo yagleeli lahaa istraatijiyad qaran ee hagi doonta ka jawaab celinta arrimaha masiibooyinka ah.

Furitaanka shirka ayaa lagu xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya yeelato qorshe hawleed adag oo wax ka qabta masiibooyinka ka hor inta aysan dhicin, loona diyaariyo hay’adaha iyo bulshada sidii loo yareyn lahaa saameynta ka dhalata xaaladaha degdegga ah.

Shirkaan oo muhiim ahaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sareysa hey’addaha WFP FAO, DRC ICPAC oo ah Xubin hoostagta IGAD, Safiirka IGAD ee Soomaaliya iyo Hey’addo kale kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanayay qabsoomida shirkaan .

Ugu danbeyn,Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ku tilmaamay Shirkaan mid ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee hay’addu ku xoojinayso diyaargarowga iyo ka-hortagga masiibooyinka, isagoo uga mahadceliyay hay’adaha caalamiga ah garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda oo sagootiyey danjiraha Masar oo muddo xileedkiisu idlaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Danjire El-Baz dadaalkiisa daacadnimada leh ee uu ku xoojiyay xiriirka labo geesoodka, korna ugu qaaday is-fahan is-dhaafsiga labada dal, isaga oo u rajeeyey guul iyo barwaaqo joogto ah dhammaan howlihiisa mustaqbalka.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarumo dowladeed oo laga hirgaliyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay, isaga oo khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

“Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

    

Danjiraha Soomaaliya ee Italy oo ka hadlay Soomaali Dooni kula qalibantay Lampedusa

Rome: Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay xeebaha Jasiiradda Lampedusa.

Tahribayaasha oo ka soo jeeda dalkèena Soomaaliya ayaa ku wajahnaa dalka Talyaaniga, balse cilad qabsatay awgeed ay la qalibmatay doonyihii ay saarnaayeen, kaasi oo sababtay dhimasho iyo tiro dad ah oo wali la la’yahay.

Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la soo badbaadiyay 15 ruux, halka ay dhinteen 23 qof, waxaana weli socda gurmadka lagu baadi goobayo dadka la la’yahay.

Danjiraha ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan in ubadkooda ay kala dagaalamaan dhibaatada tahriibka, maadaama waqti walba la arko in dhallinyaradu ay ku baaba’ayaan badaha.

“Dhallinyarada waxaa dhankooda looga baahanyahay inaysan naftooda qatar u bareerin, oo ay aaminaan dalkoooda, qarashka uga baxaya tahriiibkana ay ku abuurtaan fursado shaqo ama ganacsi”. Ayuu yiri Danjire Ibraahim Cumar Sheegow.

Danjire Ibraahim Cumar Sheegow Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa hay’addaha amaanka ee dalka ugu baaqay inay sharciga la tiigsadaan burcadda ku shaqada leh tahriibinta sharci darada ah dhallinteenna.

Madaxweynaha JFS oo xariga ka jaray xarunta mashruuca Nagaad

Dhuusamareeb(SONNA):-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaasoo ay fuliso Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

Madxweynaha ayaa shalay safar ku tegay Dhuusamareeb isagoo halkaa u tegay inuu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada sidoo kalena xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.

Sidoo kale safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.