MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay in laga digtoonaado, gaar ahaan lacagaha ay Baadda kaga aruuradaan Dadka kaalmada u baahan, iyadoo ay inta badan ay ku badan yihiin Dhulka Miyiga ah iyo kuwa Beeraleyda ah oo ay si khasab ah Lacago uga qaata.

Dhawaan waxaa Kulanka isugu yimid ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž k๐š h๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐‹๐š๐œ๐š๐  d๐ก๐š๐ช๐ข๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ l๐š d๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa looga dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxda argagixisada khawaarijta ah ee inta badan dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxaa ka mid ahaa xubnaha Guddiga ee kala ah:- Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Heyโ€™adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hayโ€™adda isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu dambeyntii laga soo saaray War-murtiyeedk hoos ku xisun.

War-saxaafadeedka kulankaasi kadib la soo saary ayaa waxaa lagu yiri:- โ€œDowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada. Qorshaha cuuryaaminta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ahโ€.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1-da Janaayo ilaa 30ka June 2025-ka, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose: โ€“

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐Ÿ“๐Ÿ•๐Ÿ“ ๐ญ๐ž๐ฅ๐ž๐Ÿ๐จ๐ง ๐ฅ๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐ฎ ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐ฃ๐ข๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐œ๐š๐›๐ฌ๐ข-๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š, ๐ก๐š๐ง๐ฃ๐š๐›๐š๐š๐๐๐š, ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐ค๐ž๐ฒ๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐๐š ๐š๐ก.

โ€ข๐Ÿ๐Ÿ ๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐ ๐›๐š๐ง๐ ๐ข (๐๐š๐ง๐ค ๐€๐œ๐œ๐จ๐ฎ๐ง๐ญ๐ฌ) ๐š๐ฒ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ

โ€ข๐ˆ๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐Ÿ–๐Ÿ– ๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข (๐Œ๐ž๐ซ๐œ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ฌ) ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š ๐›๐š๐š๐๐š ๐š๐ก & ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐๐ก๐š๐ช๐ข๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ.

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐œ๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฅ๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐จ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง๐š๐š ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ง๐š๐š ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐š๐๐จ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ฌ๐š๐๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐ง๐š ๐ค๐ก๐š๐š๐ซ๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฅ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š, ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌi ๐จ๐จ ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ฌ๐š๐š๐ง๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, i๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฐ๐ข๐ข๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐›๐š๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐›๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐›๐š๐ซ๐จ ๐ค๐š๐ง๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฅ๐จ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐šd๐๐š ๐š๐ก & ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐ค๐ฎ ๐ค๐ž๐ฒ๐๐ข๐ฒ๐จ.

โ€œDowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta iyo sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kastaโ€ ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOOLAR OO KU SAABSAN LA SOCODKA DHAQDHAQAAQYADA MAALIYADEED EE KOOXDA ISIS-ta SOOMAALIYA AYAY DOWLADDA MARAYKANKA WAAXDEEDA CADAALADDA DULSAARTAY.

ISIS-ta Soomaaliya waa mid ka mid ah faracyada ugu muhiimsan ee ku xiran ISIS, kana howlgala Afrika, waxayna u adeegtaa sidii ilaha ugu waaweeyn ee dakhliga soo galiya iyo xarun maalgelineed oo ay leedahay shabakadaha caalamiga ah ee ISIS iyo laamaheeda.

War ay soo saartay Waaxdaasi ayaa lagu sheegay in ISIS-ta Soomaaliya ay lacagaha ku abuurto kuna bixisaa iyada oo u maraysa hab-dhaqameedyo badan oo ay ka mid yihiin:

* Canshuur qaadis iyo handadaad ay ku hayaan dadka deegaanka, Ganacsiyada, iyo Beeraleeyda
* Lacag dhaqid
* Faldambiyeedyo qorshaysan
* Afduub madax furasho lagu dalbanayo
* Ka ganacsiga hubka
* Howlgalladda badda ee sharci darrada ah sida burcad badednimada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah
* Qoridda, soo galotiga, iyo fududeeynta safarada
* Deeqaha iyo ololaha uruursiga lacaga internetka
* Kalawareejinta lacagaha caddaanka ah, lacagaha moobilka, iyo kuwa kiribtokaaransiga ah (cryptocurrency).

Haddaba ugu dambeyntii waxaa warbixinta lagu yiri:- โ€œMa heysaa xog ku saabsan ISIS-ta Soomaaliya? Soo gudbi wixii warbixin ah. Waxaad u qalmi kartaa abaalmarin ama dib-u-dajinโ€.

By. C/lahi Ruush

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka D/G- ka waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

-Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta ka dhacaysa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Musharaxiin kala duwan ayaa u kala tartamaya jagadda guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Xarunta doorashadu ka dhacayso ayaa hadda waxa khudbadahooda ka jeedinaya musharaxiinta kala duwan iyagoo soo bandhigaya waxyaabaha ay qaban doonaan sidoo kale na waydiisanaya codka kalsoonida mudaneyaasha Baarlamaanka.

Tacsi: Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Mudane Isaaq Maxamed Mursal, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Hamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Shariif Maxamed Cumar, oo maanta oo Jimce ah, 22 August, 2025 ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay.

Marxuum Amb. Sharif Mohamed Omar oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay billowgii dowladnimada loo diray waxbarasho sare oo dibadda ah ayaa haystay labo shahaado โ€œLaureaโ€ oo uu ka qaatay Jaamacadda Rome intii u dhexeysay 1962-1969, xilligan u dhiganta heerka labaad ee Jaamacadda โ€œMaster degreeโ€. Shahaadada koowaad ayaa ah Culuunta Tirakoobka Dadweynaha (Statistical & Demographic Sciences), halka shahaadada labaad ay tahay Culuunta Siyaasadda (Political Science).

Marxuum Shariif Maxamed Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ku biirray sanadkii 1976, isaga oo ka mid noqday saraakiisha sare ee Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda.

Ka hor inta aanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku biirin, waxa uu ka soo shaqeeyay labo wasaaradood oo kala ah:

โ–ธWasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1969-1970 isaga oo ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda, isaga oo sanad kadib loo dallacsiiyay madax qeybeed.
โ–ธWasaaradda Ganacsiga oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1970-1976, isaga oo labo mar oo is xiga ka noqday agaasime waaxeed waaxyaha kala ah:
โž1973-1976 Agaasimaha Waaxda Isdhaafsiga ganacsiga, Soo dejinta iyo dhoofinta.
โž 1970-1973 Agaasimaha Waaxda Tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda.
โž1972-1973 Kusimaha Maarreeyaha guud ee Shirkadda Ceymiska Qaranka.

โ–  Intii u dhexeysay 1976-1977 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

โ–  Intii u dhexeysay 1977-1982 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Germany.

โ–  Intii u dhexeysay 1982-1986 waxa uu ahaa Lataliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium.

โ–  Intii u dhexeysay 1986-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

โ–  Intii u dhexeysay 1989-2008 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Marxuum Shariif Maxamed Cumar oo ku dhashay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, 14 November, 1940 , ayaa ifka uga tagay xaas iyo caruur, isaga oo u adeegay dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo 38 sano si daacadnimo oo nafhurnimo leh.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo C/laahi Maxamed Calas oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway, waxaana kulankaasi si gaar ah looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daryeelka Bulshada gaar ahaan tayeynta adeegyada loo fidiyo Carruurta, naafada iyo Haweenka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdigeeda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Norway (NORAD) Kristin Hagstad, kulanka oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna mashaariicda hormarinta ee ku saabsan daryeelka Carruurta iyo guud ahaan sare u qaadida adeegyada mashaariicda la xiira arrimaha Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdiga ay hogaamineyso ee safarka shaqo ku jooga dalka Norway ayaa waxa ay kulammo muhiim ah la qaadan doontaa qeybaha kala duwan ee dowladda iyo Hayโ€™adaha Dalkaasi.

ย ย 

Guddiga Doorashooyinka oo ololaha wacyigalinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Wanlawayn

Wanlawayn:- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Kulan looga hadlayay wacyigalinta dadwaynaha ee diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Degmada Wanlawayn.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo maamulka Degmada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shacabka Degmada ugu qayb qaadan lahaayeen ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

ย ย ย 

Ciidanka xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Baay

Baay:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay, halkaasi oo gabaad ay ka dhiganayeen Khawaarijta.

Deegaanada si gaar ah howlgalkan sifeynta ah looga fuliyay waxaa kamid ah Garas-gamaan, Xinshiloole iyo deegaanka Waneey, kuwaas oo qiyaastii 40km u jira degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXDS, Dhamme Onkod Macallin Aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagarta iyo falalka ay maleegayeen kooxaha Khawaarijta.

Howlgallkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan sifeynta degaanada khawaarijta kudhuumanayaan iyo sugidda nabadda shacabka Soomaaliyeed.

ย ย 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Jimco, 22-ka August, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Dowlad Gobleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iyo bixinta adeegyada bulshada.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Mashruuca Nagaad ee Galmudug, kaas oo ay fulisay Dowladda Hoose ee Dhusamareeb.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu qaadday tallaabo kasta oo lagu xoojinayo wadatashiga arrimaha masiiriga ah, walina sii xoojin doonto si loo gaaro hiigsiga shacabka ee dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulanka isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay iskula xisaabtameyso wixii ka hirgalay qorsheyaashii shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay, caqabadaha yimid iyo qorsheyaasha mustaqbalka.

7- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda iyo heyโ€™adaha hoos yimaada, oo muddo saddex maalin ah ka socday Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha.

8- Golaha Wasiirradaayaa ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Internetka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

9- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu dhammaaday.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallijn Fiqi Ahmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna ku booriyeen ciidamada iyo shacabka inay sii wadaan dadaalkooda dalka looga xoreynaaya Khawaarijta.
11- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in la soo xiray diiwaangelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.

12- Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kadib hawgal ay ka fuliyeen degmada Aw Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa ka qeyb-galay khudbadna ka jeediyey kulanka Golaha cusub ee Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

14- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Adam ayaa kulan la qaatey Wakiilka Hayโ€™adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, waxaana kulankan diiradda lagu saaray sida loola tacaalayo gaajada iyo macaluusha.

15- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaanka Saxiixa Danabeysan ee Maamulka Lacag Bixinta Hayโ€™adaha Dowladda, kadib, munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka , Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

18- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyaa oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa 20 weriye tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka ugu qabtey magaalada Jowhar.

19- Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa siโ€™ rasmi ah uga dagtey diyaaraddii ugu horreysay ee xamuul qaadda, kaddib ,markii la soo gabagabeeyey dhismaha garoon diyaaradeed oo muddooyinkii dambe halkaas ka socday.

20- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska ,oo uu hoggaaminayay G/Sare Richard Grover.
21- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Azerbajan oo dalka booqasho ku joogay.

22- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamed Saneey Dalmar ayaa daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee tababaridda khubarada fidinta adeegyada xanaanada xoolaha.

23- Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

24- Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqan gelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hayโ€™adda iyo INTERPOL.

25- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa siโ€™ rasmi ah Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

26- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka hawlgala degaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda.

ย ย ย ย 

===========DHAMMAAD==========

Soomaaliya iyo Japan oo ka wadahadlay arrimmo badan oo muhiim ah

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hayโ€™adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japanโ€“AU, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development โ€“ TICAD-9).

Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyey Danjire Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Mudane Aweys Cabdullaahi Cali, Lataliyaha Dhaqaalaha ee Raโ€™iisul Wasaaraha.

Wasiirka Qorsheynta ayaa la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA Takeshi, kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, iskaashiga siyaasadeed iyo taageerada horumarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu ugu goโ€™an yahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiir Beenebeene ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Hayโ€™adda Iskaashiga Caalamiga ee Jabaan (Japan International Cooperation Agency JICA), Miyazaki Katsura, iyadoo la isla gartay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta, tababarrada xirfadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay shaqo-abuur dhalinyarada iyo horumar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.

Wasiirka ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Japanโ€“Midowga Afrika, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale, tababarrada xirfadeed iyo maalgashiga bulshada, Guddiga ayaa dhankooda muujiyay taageero iyo diyaar garow lagu adkaynayo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Soomaaliya waxaa uu kulamo kale la yeeshay madax iyo hayโ€™ado caalami ah oo kala duwan, kuwaas oo looga hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta adeegyada bulshada iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta nabadda iyo is-dhexgalka gobolka.

Kulamadan ayaa markhaati u ah sida Soomaaliya ugu goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Japan iyo hayโ€™adaha kale ee horumarinta ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan xaqiijinta yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaadyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah khawaarijta,isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka khawaarijta ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka.

โ€œSi dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto khawaarijtaโ€ ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo qabatay kulan dadweyne oo la xiriiray dastuurka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay kullan la-tashi Dadweynaha oo ku saabsanaa soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay saddexda hayโ€™adood ee dastuurka u xil-saaran ,iyadoo lagu dhageystay talooyin iyo fikrado dhanka shacabka ah oo ka hadlaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee ay soo bandhigeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.

Kulankaasi ayaa ย intii uu socday waxaa ka soo qayb galayaasha ay gudbiyeen aragtiyo iyo iyo talooyin kale oo ku saabsan wax ka beddelka cutubyadaas, halka madax ka socotay saddexda hayโ€™adood ee dastuurka u xil-saaran ay ka jawaabeen suโ€™aalihii iyo aragtiyihii la hor dhigay.