Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta XFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bilad sharaf hawlkarnimo ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayado Bilad sharaftaasina la guddoon siiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac oo isagu awaamiirtiisa iyo hogaamintiisa ay Wasaaraddu ku gaartay Guullahan.

Bilad sharaftan ayey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ku muteysatay doorkii fir fircoonaa iyo shaqooyinkii hagar laโ€™aaneed ee ay Wasaaraddu ka qaadatay shaqooyinka Dowladda seddexda sano ee ay jirto Xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo Raโ€™isulwasaare Xamse Cabdi Barre, si gaar ah howlaha la dagaalanka Khawaarijta, baahinta dowladnimada iyo wacyi gelinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda sare ee Qaranka ayaa aad u ammaanay dadaallada hagar laโ€™aaneed ee ay Qaranka u hayaan Hawlwadeennada iyo maamulka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayadoo Wasaaraddu mudada ay jirto Xukuumadda Dan Qaran ay kaalin fir fircoon uga jirto dhammaan howlaha Dowladda.
ย 

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku bogaadiyey guulaha iyo wax-qabadka muuqda ee ay xaqiijiyeen sanadkii la soo dhaafay, taasi oo horseeday in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg dowladdeed oo hufan iyo xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda.

Madaxweynaha, ayaa xariga ka jaray Waaxda la-socodka wax-qabadka heyโ€™adaha dowladda, kaddib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, oo lagu soo xirayey la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran, taasi oo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu ku qiimaynayey wax-qabadka iyo qorshayaasha wasaaradaha wixii ka hirgalay ballanqaadkii ay kala saxiixdeen.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Qaranka la wadaagay in sanadkii dhammaaday Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay wax-qabad muuqda, ayaa ku adkeeyey wasaaradaha dowladda in ay ka dhabeeyaan ballanta ay la galeen shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtuna noqon doono mid joogto ah.

Madaxweynaha iyo Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa si wadajir ah abaalmarinno u guddoonsiiyey qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradaha, kuwaas oo ku mutaystay u adeegidda bulshada, hufnaanta iyo wax-qabadkooda.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Shirka istiraatijiyadda Qaran ee Hayโ€™adda SoDMA oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii heerka qaran oo loogaga tashanayay sidii loo yagleeli lahaa istiraatijiyadda qaran ee hagi doonta geedi socodka hindisaha u diyar garowga sidii looga jawaab celinlahaa arrimaha masiibooyinka Dalka.

Shirkaan, oo socday laba maalmood, waxaa ka soo qayb galay masโ€™uuliyiin sar sare oo ka socday hayโ€™adaha kala ah WFP, FAO, DRC, iyo ICPAC oo ah xubin ka hoos shaqeysa IGAD, Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka IGAD u fadhiya Soomaaliya iyo hayโ€™ado caalami ah oo ku shaqo leh arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka. Khubaro ku takhasustay arrimahan ayaa iyaguna ka qayb qaatay kulanka.

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in shirka looga gol lahaa in laga wada-tashado sidii loo sameyn lahaa istraatijiyad qaran oo ku saabsan ka hortagga iyo ka jawaabida masiibooyinka dalka.

shirkan ayaa ka soo baxay qodobo iyo goโ€™aamo wax ku ool ah oo wax weyn ka beddeli doona habka Soomaaliya ay uga jawaab celiso musiibooyinka, waxaana sidoo kale lagu balamay in sii xoojiyo Wada shaqeynta SoDMA ay la leedahay Bahwadaagteeda.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Mudane Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, si loo adkeeyo difaaca shacabka iyo ciribtirka Khawaarijta ku sugan deegaanada ka tirsan Gobolka Gedo.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo goโ€™aan cusub soo saaray

Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soohdimaha (GMDQS), Maanta oo ay Taairiikhdu tahay 23/08/2025, Kullan ay yeesheen Xubnaha Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soohdimaha (GMDQS), kana dhacay xarunta dhaxe ee Guddiga ayaa gaaray goโ€™aanka dib u furista diiwaangelinta Ururrada Siyaadadda muddo kooban.

ย  ย  ย  ย  Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Guddiga:-ย 

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa mar kale garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qabtay daroogo ka kooban 48 jawaan oo la doonayey in dalka la soo geliyo, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo shakhsiyaadka iyo shabakadaha ku lugta leh soo dhoofinta daroogadaas.

Raโ€iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari

Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood.

โ€œWaxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, gaar ahaan dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.โ€

Sidoo kale Raโ€iisul wasaare Xamse ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkooda dastuuriga ah iyo masโ€™uuliyadda loo igmaday.

Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal xooggan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo laf-dhabar iyo astaan u ah xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hayโ€™adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.

โ€œWaxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo masโ€™uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharcigaโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey Miinoyin khawaarijtu rabeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka Janaale

Geesiyaasha Qaranka, gaar agaan Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku fashiliyay, Miino ay Khawaarijta u diyaariyeen inay ku Xasuuqaan Shacabka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa Xaqiijiyay in Xogta Miinada oo lala socday ay suurta-gal ka dhigtay inay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah ubartilmaameedsadaan goobta dhagarta ay ku diyaarisay Khawaarijta oo kamid ah goobaha ay inta badan isugu yimaadaan bulshada deegaanka Janaale.

Naftood hurayaasha Xoogga Dalkeenna oo utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan fashiliya isku-day kasta oo ay Khawaarijta ku dooneyso inay ku dhibaateyso Shacabka Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen.

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada D/G Waqooyi Bari

Laascaanood(Wargeyska):Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay 53-cod, halka musharaxii kale ee la tartamay Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29-cod, hal cod ayaa xumaaday.

Goordhow waxaa bilaabaneysa doorashada Guddoomiye ku xigeennada.