Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo Maalintii labaad ka socda magaalada Jowhar

Jowhar (Wargeyska Dalka) –Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa maalintii labaad ka socda Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya, kaas oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo looga hadlayo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, waxaa ka qaybgalaya Wasiirrada Waxbarashada dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XJFS, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa sheegay in shirka lagu gaari doono go’aanno muhiim u ah mustaqbalka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Muqdisho (Wargeyska Dalka) – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ashkir, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere, halkaas oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Mas’uuliyiintan ayaa indha-indheeyey heerka uu marayo dhismaha oo haatan gabagabo ku dhow, iyaga oo ka dhageystay Injineerrada iyo howlwadeenada kale ee shaqada qeybta ka ah warbixin ku saabsan waxa qabsoomay iyo inta harsan.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Ashkir, ayaa ku booriyey in la dardar-geliyo shaqada dhismaha si xaruntu ugu howl-gasho waqtiga ugu dhow, looguna adeego qaranka.

 

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaashanaya Ciidamada Deegaanka ayaa habeennimadii xalay weerar ku qaaday fariisimo maleeshiyaadka khawaarijtu ay ku lahaayeen dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaannada Cali- heelle iyo Ciid-Kuus ee Gobalka Galgaduud.

Ciidanka ayaa burburiyay fadhiyo argagixisadu maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameysteen deegaanadaas, Saraakiisha howlgalka hoggaminayay ayaa xaqiijiyay meydadka Tobaneeyo khawaarij ah.

Guutada 77-aad ee CXDS iyo Xoogaga deegaanka oo howlgalkan iska kaashaday ayay u suuragashay in dhammaan rugihii argagixisada ee deegaanada Cali-heelle Iyo Ciid-Kuus ay ciidanku Cagta mariyeen.

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay xubno katirsanaa khawarijta

Anas C/qaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow oo ka tirsanaa Khawaarijta, gaar ahaan qeybta Qaraxyada iyo Dilalka gaadmada ah, ayaa maanta lagu fuliyey xukunkii dilka ahaa ee horey ay ugu riday Maxkamadda Ciidamada .

Waxay magaaladda Gaalkacyo qeybta Puntland ku dileen Haldooro ahaa labeenta Bulshadda oo ay ka mid yihiin Nabadoono

Guddiga Gurmadka Abaaraha gobolka Awdal oo deeq lacag ah la wareegay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee (SoDMA),Md Maxamuud Macallinayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMAlacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka taas oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ee ku nool gobolka AwdalMunaasabaddaas waxaa ku weheliyay wasiir iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soojeeda Deanna’s ay abaartu sida ba’an u sameysay.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa cadre yay  in lacagtaaslagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolkaAwdal si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan gurmadka degdeg ah, asagoo hadalkiisa raaciyay in lacagtaasi aysan ku filneen reerawdal loona baahanyahay in dadaalka gurmadka lasii labajibaaro.

Dhankooda wasiiradii iyo xildhibanadii goobtaasi ka hadlay oo kale ahaa:

1. Wasiirka Howlaha Guud JFS  Dr Cilmi Maxamuud Nuur
2. Wasiiru dowlaha Amniga JFS Maxamed Cali Xagaa
3. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed XasanMaxamed Bulaale
4. Wasiir ku xigeenka Betroolka Cabdiwahaab (Cananuug)
5. Xildhibaanad Caasho  (koos)

Dhammaan waxay soo shorten deeqdaasi lacageed,waxay si gaar ah mahadcelin ugu jeediyeen Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliyaiyo golahaWasiirada ayagoo sheegay iney garab istaageen reer Awdalxiligii ugu adkeed,  sidoo kale  wasiirrada waxay mahadcelin u jeediyeen maamulka Gobolka Banaadir si gaar ah gudoomiyahaGobolka Banaadir Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Munaasabadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Golahawasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay dadka reer awdal uguyabooheen lacag dhan $500,000 sidoo kale Maamulka GobolkaBanaadir ayaa dhankooda ku deeqay lacag dhan $200,000

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMAayaa wada Dadaalo xoog leh oo lagu garab istaagayo dadkaabaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolka AwdayayadooHey’addu ay qabato shirar iyo Kulamo Gaar gaar ah tasoo lalayeesho qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiinGanacsatadaCulimadahey’adaha Maxaliga iyo kuwacaalamiga ayadoona u jeedadu ay tahay garab istaaga dadka reer Awdal.

    

Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Marwo Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan kula yeelatay magaalada Oslo ee Dalka Norway Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway Åsmund Grøver Aukrust .

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta ee laxiriira Carruurta, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyadoo labada wasiir ay isla meel dhigeen sidii loo hirgalin lahaa arrimaha ay kawada hadleen waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mohamed Bashir Omar.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway uga qeybgashay Shir looga hadlayay Doorka Haweenka ee Dib-u-dhiska Qaranka taasoo ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo ka kala socday Soomaaliya iyo Dowlada Marti galisay ee Norway. Kulanka oo ay soo Agaasintay Hay’adaha NOREAF ayaa waxaa furay Wasiir Amb Khadija Mohamed iyadoo sidoo kale madasha ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Noray, Duqa Magaalada Oslo, XIldhibaanno ka kala socday Dowlada Soomaaliya iyo Norway iyo madax kale oo badan.

Madashan oo aheyd tii u horeeysay ee noocan oo kala ah oo lagu qabto Oslo ayaa waxaa si qoto dheer loogu qaadaa dhigay kaalintii ay kasoo ciyaareen haweenka soomaaliyeed nabadeynta iyo dib-u-yagleelida Dowladnimada Soomaaliya kadib buruburkii Dowladdii Dhexe.

Kulankan, waxaa kasoo qeyb galay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway iyo qaar kale oo ka kala yimid guud ahaan caalamka waxana la isla gartay in lasii laba jibaaro dadaalka ay haweenka Soomaaliyeed ugu jiraan xaqiijinta Qaran xooggan oo dib ula fal gala Aduunka.

Caa’isha Aadan Ugaas oo gashay kaalinta 1-aad ee imtixaanka Qaran Sannad Dugsiyeedka 2024/2025

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow shadowy natiijada imtixaanka Qaran sannad Dugsiyeedka 2024/2025-ka ayaa sheegtay in Caaisha Aadan Ugaas Xirsi ay gashay kaalinta 1-aad ee Imtixaanka Qaranka Sannad Dugsiyeedka 2024/25.

Caaisha waxey dhiganeysay Dugsiga SOS ee Gobolka Banaadir waxa ayna heshay cel celis ahaan 91.99%.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo u ambabaxay dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi, tiknoolojiyadda iyo tamarta, wuxuuna fursad u yahay Soomaaliya in ay ka qayb qaadato horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradda ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxa uuna ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradadooda Soomaaliya.

 

 

Wasaaradda Waxbarashada oo galabta Shaacineyso Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, waxa ay galabta shaacineysaa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa markii ugu horreysay natiijada uga dhawaaqi doona meel ka baxsan caasimadda Muqdisho, iyadoo munaasabadda rasmiga ah ee shaacinta natiijada galabta lagu qaban doono magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.