Ra’iisul wasaare Xamse oo gaaray Shiinaha

Yinchuan: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta, gaar ahaan dalkeenna oo ay ka jiraan fursado kala duwan oo u baahan in la maalgashado, si ay uga faa’iidaan bulshada Soomaaliyeed.

    

Dowladda iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed, iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed, ayaa Dowladda Federaalka iyo qayb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ahna xubin kamid ah Golaha Shacabka, haddana ah Guddoomiye ku xigeenka Madasha Samatabixinta; Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed; Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke; Wasiir hore Daahir Maxamuud Geele, ahna Afhayeenka Madasha Samatabixinta) waxay si wadajir ah u soo saareen qodobadan soo socda:

1. Waxaa la isla gartay adkeynta madax-bannaanida iyo midnimada JFS.

2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin khawaarijta.

3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada ayaa dooranaya Hogaamiyaasha iyo hogaamiye ku xigeenada dowlad-goboleedyada.

4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.

5. Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha baarlamaanka fadaraalka noqonayo xisbi qaran.

6. Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.

7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.

8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdega badan loo dhameystiro cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

9. Waxaa la isku raacay in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS.

BAAQ:

10. Iyadoo laga ambaqaadayo, isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneyayaasha siyaasadda in loo midoobo lagana wada qeybqaato dhameystirka geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

      

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi-Bari oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, iyo ku-xigeennadiisa ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.

Guddiga cusub ee doorashada ayaa ka kooban toddobo xildhibaan oo loo xilsaaray qabanqaabada iyo maareynta doorashada hogaanka sare. Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Axmed Keyse Cabdi Shire

2. Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Axmed

3. Xildhibaan C/kariin Cali Yuusuf

4. Xildhibaan Siciid Dalmar Faarax

5. Xildhibaan Maxammed Maxamuud Cali

6. Xildhibaan Guuleed Maxammed Nuux

7. Xildhibaan Axmed Cali Xuseen

Magacaabista guddigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dardar-gelinaysa geeddi-socodka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, taas oo loo ballansan yahay inay dhawaan qabsoonto.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalna Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka ku dhaariyay Xildhibaan Cali Maxamuud Maxamed oo bedelay xildhibaan hore Dr. Cali Siciid Fiqi oo noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday jadwalka furitaanka kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale u diyaar garowgiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay Xildhibaanadda Golaha Shacabka in loo diyaar garoobo kalfadhiga todobaad oo ay golaha horyaalaan shuruuc muhiim ah.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi-Bari oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.

Guddiga cusub ee doorashada ayaa ka kooban toddobo xildhibaan oo loo xilsaaray qabanqaabada iyo maareynta doorashada hogaanka sare.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Axmed Keyse Cabdi Shire

2. Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Axmed

3. Xildhibaan C/kariin Cali Yuusuf

4. Xildhibaan Siciid Dalmar Faarax

5. Xildhibaan Maxammed Maxamuud Cali

6. Xildhibaan Guuleed Maxammed Nuux

7. Xildhibaan Axmed Cali Xuseen

Magacaabista guddigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dardar-gelinaysa geeddi-socodka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, taas oo loo ballansan yahay inay dhawaan qabsoonto.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ambasador James Swan, oo uu wehliyey wafdi diblomaasiyiin ah oo safar shaqo ku tegay Baydhabo.

Kulanka oo socday saacado ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, diiwaangelinta codbixiyayaasha, taageerada hay’adaha UN-ka ee dhanka horumarinta iyo gargaarka bani’aadannimo, dadaallada nabadda iyo amniga – gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta – iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo barnaamijyada dowlad-dhiska.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey kaalinta ay ka qaataan taageerada Soomaaliya, halka Ambasador James Swan uu ku ammaanay Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo xasilloonida.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehliyey Wasiirrada Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Haweenka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada Soomaaliya, Mudane George Conway, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ka jirta gobolka Awdal, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada, isla markaana ku sii fideysa deegaano hoos taga maamulka Puntland. Waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee lagu sameyn karo qorshe mideysan oo wax looga qaban karo xaaladda bani’aadantinimo.

Intii kulanka uu socday, dhinacyadu waxay isla garteen in la qabto shirweyne ballaaran oo ay ka soo qeyb geli doonaan ganacsatada Soomaaliyeed, culimada, hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay (UN). Shirkan ayaa lagu xoojin doonaa wada shaqeynta bulshada Soomaaliyeed iyo iskaashiga beesha caalamka,  si hufan iyo waxtar lehna wax looga qabto xaaladaha abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay isku keenida dhammaan qaybaha bulshada. Waxa uu carrabka ku dhuftay in masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah aan cid keli ah lagula tacaali karin, balse loo baahan yahay qorshe mideysan oo ay wadajir uga shaqeeyaan dowladda, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Sidoo kale, waxaa lagu dhawaaqay in Madasha Arrimaha Bini’aadantinimo, oo sanadkiiba saddex jeer la qabto, kulankeeda soo socda lagu qaban doono magaalada Jowhar, caasimadda maamulka Hirshabelle. Madashan ayaa noqon doonta fursad lagu mideeyo aragtiyaha iyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad buuxa, iyadoo dhinacyadii ka qeybgalay, oo ay ku jireen khubarada iyo mas’uuliyiinta lasocotay, ay isku raaceen in laga dhabeeyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, si wax looga qabto xaaladaha abaarta iyo masiibooyinka kale ee ka jira gudaha Soomaaliya.

 

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee Golaha Shacabka

Dhuusamareeb (Wargeyska Dalka) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

Doorashada ayaa ku dhacday si habsami leh, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen guddiga doorashooyinka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo wakiillo kale oo ka socday hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.

Kursigan ayaa kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadiisu tahay Galmudug,kana bannanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Xilkii Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam laga qaaday Md. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo Harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

New District Commissioner Appointed in Mogadishu

Mogadishu, (DalkaJournal) – The Governor of Banaadir and Mayor of Mogadishu, Dr. Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), has appointed Mr. Mire Salad Dhuxulow as the new Commissioner of Daarusalaam District.

Mr. Dhuxulow replaces Mr. Mohamed Abdirahman Mahmoud, who has been relieved of his duties.

Governor Muungaab urged the new Commissioner to prioritize the development of the district, improvement of its appearance, and expansion of basic public services.