Tababar ku saabsan habraaca dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca oo Muqdisho laga furay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa maanta daah furay tababar ku saabsan xoojinta iyo fahamka habraacyada dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare BJFS.

Guddoomiye Aadan Cabdinaasir ayaa tilmaamay in tababarkan oo soconaya muddo labo maalin ah lagu qaadan doono casharro ku saabsan shaxda qaab dhismeedka iyo jaangoynta Miisaaniyad sanadeedka Hay’adaha dowladda iyo habka dabagalka iyo isla-xisaabtanka ay ugu sameeyaan Sanatarrada arrimaha miisaaniyadda gaar ahaan kaalinta guddiga amniga iyo difaaca Aqalka Sare ay ula socdaan dheelitirka Miisaanyadda hay’adaha amniga dalka, kuwaas oo ku howlan xoojinta amniga dalka iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada.

Xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xaaji Geedi oo isna madasha ka hadlay ayaa ku boorriyay ka qayb galayaasha in ay kaalintooda ka qaataan kulankan muhiimka ah, soona bandhigaan aragti, falanqayn iyo dood wax ku ool ah oo wax ku kordhinaysa fahamka miisaaniyadda iyo horumarinta qeybaha hay’adaha Amniga dalka.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaano ka tirssn Shabeellaha Hoose

Shabeellaha Hoose(Wargeyska Dalka):-Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Komandooska Gorgor ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere, iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanadan, oo ay horay u joogeen khawaarijta, ayaa saaka waxa si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad.

Ciidamada ayaa sidoo kale ka soo saaray miinooyin culus goobihii ay saakay kala wareegeen khawaarijta, iyagoo xaqiijiyey amniga tuulooyinkii la qabtay.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa maalmihii u dambeeyey waxa ka socday guluf dagaal oo lagu cirib tirayo kooxda Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong

Yinchuan(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara,wuxuu xusay in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Guddoomiyaha SoDMA oo Balcad ka daah-furay mashruuc samafal

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta degmada Balcad ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah oo socon doona saddex bilood, kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,705 qoys (qiyaastii 34,230 ruux) oo ku nool magaalooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideystaan gargaarka, si loo yareeyo saameynta xaaladda bani’aadantinimo ee deegaanka.

Mashruuca ayaa lagu talagalay in lagu yareeyo dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana xafladda furitaanka goob-joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada hay’adda ee taageerada bulshada nugul, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo dhaqanka ayaa ku amaanay SoDMA kaalinta ay ka qaadaneyso samata-bixinta bulshada, iyagoo xusay in tallaabadani astaan u tahay baahida loo qabo iskaashi bani’aadantinimo oo joogto ah.

  

Taliyaha ciidanka dhulka iyo saraakiil Turki ah oo Shabeelaha hoose gaaray

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka sareeye guuto Sahal Cabdullahi Cumar iyo Jeneraal Sebahattin Kalkan tliyaha Ciidanka Turkiga ee fadhigoodu yahay Turkisom Muqdisho ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha hoose.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanka Number 50 ee gobolka Shabellaha hoose.

Intaa ka dib, Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka iyo Janeraal Sebahattin waxay booqdeen halka laga dhisayo isbitaalka deegaanka Number 50, iyaga oo bogaadiyay mashruuca dhismaha iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada deegaanka.

   

Ra’iisul wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay hoggaanka gobolka Ningxia ee Shiinaha

Yinchuan: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka mudane Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey martigelinta iyo soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo maalgashi, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha. Isagoo tilmaamay in fursadahan ay u furan yihiin shirkadaha iyo maalqabeennada Shiinaha si ay u maalgashadaan.

Dhankiisa, hoggaamiyaha gobolka Ningxia, ahna xoghayaha guud ee Xisbiga gobolka, mudane Li Yifei ayaa Soomaaliya ku sifeeyay dal hodan ah oo leh fursado badan oo aan weli si buuxda loo maalgashan. Waxaa uu caddeeyay in Ningxia ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso shirkadaha iyo maalqabeennada deegaanka si ay u booqdaan Soomaaliya, una sahamiyaan fursadaha jira, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

  

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir. Kormeerkan ayaa yimid kadib markii Duqa Muqdisho uu dhawaan bixiyay lacagtii dib-u-dhiska waddadan, oo hakad ugu jirtay kharash la’aan awgeed.

Mudane Cabdimajiid ayaa la kulmay shirkadda dhismaha waddada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda waddadan u leedahay isu-socodka gaadiidka iyo bulshada. Wuxuu shaqaalaha ku boorriyay inay dardargeliyaan hawlaha si waddadu ugu dhammaato waqtigeeda, loona yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho.

Waddadan ayaa markii hore dhismaheeda la billaabay balse waxa ay hakad gashay muddo todoba bilood ah, kadib markii maamulkii hore uu bixin waayay kharashka dhismaha. Si kastaba, dib ayaa loo billaabay shaqada horraantii bishan kadib markii Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu bixiyay lacagtii shirkadda dhismaha ay ku lahayd dowladda hoose.

Waxaa xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u maalgeliyay waddooyin badan oo muhiim ah, iyadoo dhaqaalaha lagu dhisay laga soo jaray lacagihii si’ aan sharci ahayn ugu bixi jiray boqolaal qof oo aan u shaqeynin maamulka gobolka Banaadir.

 

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Jeddah,(Wargeyska Dalka):-  Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mudane Maxamed Isxaaq Daar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada. Wasiir Cabdisalam ayaa ku amaanay taageerada Pakistan ee ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna soo jeediyay in la ballaariyo taageerada dhinacyada amniga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Waxay isla meel dhigeen in la is dhaafsado khibradaha la xiriira amniga, ciidamada, iyo caafimaadka, sidoo kalena la fududeeyo isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo nidaamka fiisaha.

Wasiir Maxamed Isxaaq Daar ayaa dhankiisa cadeeyay sida Pakistan uga go’an tahay taageerida xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Masar oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee AUSSOM. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysa kaalinta Midowga Afrika iyo Saaxibada Caalamka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, isla markaana door muhiim ah ka qaadanaya dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Ra’iisul wasaare Xamse oo gaaray Shiinaha

Yinchuan: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta, gaar ahaan dalkeenna oo ay ka jiraan fursado kala duwan oo u baahan in la maalgashado, si ay uga faa’iidaan bulshada Soomaaliyeed.